Abris Aafo Ma Daayo, Oogna Waa Ka Nadiif!


 

 

Akhristaw daraad waxa yimi, dalka mid-ka-mid ah, kuwii Ummadda Reer Somaliland damcay in ay ka taliyaan masiir-koodda iyaka oo aan toban dhamayn,kuwaas oo aan dhiig iyo uuska midna aan lahayn, waa Axmed Ismaaciil samatare, in kasta oo ay ka soo horeeyeen, Sifir iyo Jaamac yare, welina ay xaar-quudayaal kale maqan yihiin, ay ka mid yihiin, Cismaan Kaluunl e, Oomaar, Buubaa, Cabdi Ismaaciil Samatar, Caydiid Ilko-Xanaf, laba wejiila-yaala wakhtiga inagu sugayaan haddii uu eebbe ku simoba, hadaba aniga oo shalay Maqaal ka qoray aan dib ugu eegaayo arimihii uu ku kacay Axmed Ismaaciil Samatar io kuwo la mida ahaa, baa imika markii aan furay e-mailka, ee aan akhriyey dad badan oo wax ka qoray, ay ila noqotay in aa n tixdan yar ee hoos ku qoran bal aan ka jagac siiyo, waana tan ii iga gudooma:-

 

 

 

*****

Markaad adiga oo dhawr wataa, dhamacdda ii aastay,
Dhaan-tadda markaad igu tuntee,
dhebiga lay qaatay,
Dhinacyadda markaad iga gasheen,
ee dhidarka lay loogay,
Siddii aan dhurwaa ahay markii,
dhaxanta lay ooday,
Ee dhuxushi aad ii shideen,
aan dhex qaadaayey,

*****

Dhalaan iyo ciroolaba markii,
dhimasho lay doonay,
Ee dhaanka aan raro biyaha,
dhoobo ku shubaayey,
Ee ay dhuuntu engegii Axmedaw,
dhagax la moodaayey,
Dhuun-yaalihii aan helo-ba markii,
aad ka dhimanaysay,
Dhuuniga markii aan ka tegay,
ee dhiraha aan daaqay,

*****
Dheriggii an saaro-ba markaad,
iga dhibay-naysay,
Dhaxalkii adoogay markaad,
iga dhir-baaxaysay,
Dhaba-naanis goortii wejigu,
dhiiga ka casaaday,
Dhidid-kaygu goortuu qalayl,
dhibi u eekaaday,
Sidan dheeho kaa dilay markaad,
dhaarta ii maraysay,

*****
Dhafar iyo caraaba-ba markaad,
dhacan i sii saartay,
Dhankii aan jaleeco-ba markaad,
igu dhawaaqaysay,
Dhabadaan is taago-ba markaad,
miino ku dhamaysay,
Dhamaantiin markaad igu tunteen,
shiidki dhagax tuurka,
Dhaan-dhaan sidaan ahay markaad,
wadar dhuxlay-naysay,

*****

Geeri-daaba ii dhaami layd, dhoola qosol-kiine,
Rabbi baa i dhawraye markaan,
kuuba dhiman waayey,
Dharaartii timaada-ba markay,
dhogor i soo fuushay,
Ee aan dhan kaa maray anoon,
dhiilo kaa gelin-ba,
Daruuraha markaan dhaafayee,
kuuna dhici waayey,

*****
Een dheeshi kaa badiyey ee,
aad dhabtii aragtay ,
Dhanal-teed miyaad iila timi,
dhicis xagaa jooga,
Dhara-qaanka waxa kuugu wacan,
dhiilki nabsiyeede,
Dhaqaaq joogsi-gaagaan arkaa,
dhabarka aad qarine,
Dhagar qabe ma aamino anigu,
ee waa dugtamay-naaye,
Ma dhoohniye waxaan ii cuntamin,
waxad dheh-deen shalaye.

 

*****


 

 

Waxan akhristaw ku soo xidhay qoraalkan yar ee tixdda xambaarsan, waa hubaal, in nin ka sta oo cirka eegaya, oo si diid-siinaaya xaqiiqdda, ay dani ku khasbi doonto, sankana ka gel in doonto, iyadda oo aan laga abaasha-nayn, ta dib u soo elisay, Sifir, Jaamac Yare, Axmed Ismaaciil Samatar, lama huraan waa caws jiilaal.


* N.B Geeri-daaba Ii Dhaami Layd, Doolo Qosol-kiine


Abdi-shotaly,