Abiib Timacad Oo Ka Hadlay Dambiga Loo Haysto

 



“Aniga weli waxba la iima sheegin, laakiin nin weyn ayaan ahay oo waxaan dareemayaa in la igu xidhiidhinayo dilkaas, waxaanan cadaynayaa inaanan..."
Abiib Timacad
 


Hargeysa (TNN)- La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha siyaasadda Md. Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo ay ciidamada ammaanku shalay xidheen ayaa ka hadlay sidii uu ku tagay xarunta Dambi baadhista oo uu ku xidhanyahay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa shalay warbaahinta u sheegay in Abiib loo haysto tuhun la xidhiidha dilkii foosha xumaa ee habeenimadii Isniintu soo galaysay ee toddobaadkan ka dhacay deegaanka Seemaal ee deegaanka Ceelbardaale. Laakiin Abiib Timacad, oo markii uu shalay tagay xarunta CID-da ee uu ku xidhanyahay la hadlay weriye ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay inaanu wax lug ah ku lahayn dambigaas, waxaanu sheegay inuu isagoo baabuurkiisa wata tagay xarunta CID-da, “Waxa ii yimid laba wiil oo dhallinyaro ah, waxaanay igu yidhaahdeen waa lagu doonayaa, dabadeedna anigaa idinka daba imanaya ayaan idhi.” Ayuu yidhi Abiib, waxaanu intaas raaciyay, “Dabadeedna anigoo gaadhigayga wata ayaan tagay xarunta CID-da, waxaana la igu yidhi waa laguu imanayaa ee halkaas fadhiiso welina waan fadhiyaa oo waxaan sugayaa in la ii yimaado.”

Abiib Timacad, wuxuu cambaareeyay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal, isagoo ku baaqay in la soo qabto oo sharciga la horkeeno ciddii ka dambaysay, “Waxaan ca mbaaraynayaa dilkaas foosha xun ee ka dhacay Seemaal, waxaanan cid kasta oo reer Soma liland ah ugu baaqayaa in la soo qabto oo sharciga la horkeeno ciddii dilkaas ka dambaysay.” Ayuu yidhi.

Abiib, oo la weydiiyay waxa uu aaminsanyahay in loo haysto, wuxuu yidhi, “Aniga weli waxba la iima sheegin, laakiin nin weyn ayaan ahay oo waxaan dareemayaa in la igu xidhiidhinayo dilkaas, waxaanan cadaynayaa inaanan wax lug ah ku lahayn islamarkaana aanay jirin sabab aan uga shaqeeyo dilka qof bini-aadam ah. Waxaanan sugayaa bal marka la ii yimaado iyo waxyaabaha la I horkeeno.”

 


Source: Wargaysaka Geeska Africa