ABDILAAHI DARAWAL OO
GUURTIDA UGA DIGAY IN AY MUDO KORDHIN DAMBE
SAMEEYAAN

Hogaamiyaha
garabka isbeddel doonka xisbiga UDUB isla markaana ahaa wasiirkii
hore ee caafimaadka Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) ayaa golaha
guurtida uga digay in muddo kodhin dambe ay u sameeyaan mada
xweyne Rayaale, isla markaana haddii ay ku kacaan in dalka ay burbur
u horseedayaan, waxaanu madaxweyne Rayaale iyo xukuumadiisa ku
eede eyey inay ka shaqaynayaan sidii doorashada madaxtooyadu dib ugu
dhici lahayd, kadibna muddo kordhin loogu samayn lahaa isaga oo
safarkii mdaxweyne Rayaale ee dalka Kuwait-na uu ku tilmaamay
socdaal maxaafsi lacageeda uu ku raadsaday.
Cabdillaahi Dirawal waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu shalay
warge yska Haatuf la yeeshay, waxaanu sidoo kalana Ciidamada iyo
saraakiisho odaba uga digey in loo adeegsado cabudhinta shicibka.
Cabdilaahi Dirawal waraysigaas oo uu kaga hadlay arrimo ku saabsan
komishanka doorashooyinka iyo marxalada uu dalku marayo wakhtigan
iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan.
S: Sideed u aragtaa marxlada uu dalku wakhtigan marayo oo ay taagan
yihiin khilaafaad la xidhiidha qabsoomida doorashooyinku?
J: Dalku marxalado doorasho oo hore ayuu soo maray, khilaaf kasta oo
yimaadana waxa lagu xalin jiray oo lagaga gudbi jiray isku tanaasul
iyo wada tashi intii uu madaxweyne Rayaale dalka hogaaminayey is
bedel baa ku dhacay wada tashigii lagu soo caano maalay oo waxa
dhacay in Rayaale arrinkasta oo wax lagu xalinayaba uu diido arina
keeni waayo aqbalna keeni waayo halkii uu doorasho inay qabsoonta ka
hawlgeli lahaa waxaad aragtaa in laba xubnood oo komishanka
doorashooyinka ka tirsan oo ay u arkaan inay ka aragti duwan yihiin
ay gooni ula baxaan, iyaga oo xubnaha kale ee komishankana heshiis
kula ah in la eryo ay u gudbiyaan golaha Wakiilada si maamuska looga
xayuubiyo, waxaanay doonaysaa in sidoodii hore ay golaha Guurtida u
dhaqaajiyaan si ay muddada xilka ugu kordhiy aan iyada oo
saddex jeer oo hore ay Guurtidu muddo kordhin u samaysay xukuumadan
ayaa maantana mar afraad waxay diyaar u tahay in muddo kordhin loo
sameeyo, iyada oo marmarsiiyo korodhsiimo lagu doonayo la aloosayo,
waxaan leeyahay umadani xamil bay leedahay aanay qaadi Karin
qaladaad sharci oo dhaca, Guurtidana waxaan leeyahay hadaad u diyaar
garowdaan inaydin cashuurta dalka masaakiinta ah laga qaado muddo
kordhin ku samaysaan ummaddu idin ogaatay inaydaan lexjeclo ka qabin
qarankan iyo sharciyadiisa waxaan ku talin lahaa marxalada taagan
intii hadhow la dhaqdhaqaajin lahaa dad yidhaahda waa in talo qaran
laga yeesho wixii lagaga bixi lahaa dib u dhac doorasho haddii ay
timaado, shicibkana waxaan leeyahay Rayaale wuxuu marayaa inaanu
waxba idin kala xishoon oo wuxu ogaaday inaydaan dareen
siyaasadeedba lahayn, waxaana dhici karta inuu beritana idin
yidhaahdo Somalia ma kala maarantee aynu taladooda dhexalno.
ciidanada qalabka sida iyo saraakiisha hogaamisana waxaan leeyahay
qarankan laydinkuma dhaarin in aydin shakhsiyaad difaacdaan oo aydin
cid gaara ummada u abudhisaan,balse waxaan idiinku baaqyaa garta
waajibaadkina diinka saaran ummadiina, dalkan sharciyadiisiii
wayburburaysaa madaxweynihii cusbaa e doorasho ku iman lahaana
madaxweynahan jooga ayaa muddo laba sanadood yo dheeraada
wakhtigiisii kasii cunay.
Asxaabta siyaasadana waxaan leeyahay doorasho uun ha ku sii
mashqu ulinee, waxaan idinkula talinayaa inaad u sii diyaargardaan
taladii lagaga bixilahaa marxlada inagu so fool leh.
S: Muddadii doorashada madaxtooyada loo cayimay ee 27 ka
September,2009 inay ku qabsoonto waxa ka hadhsan muddo kooban, mana
muuqato wax laga qabtay qabyadii doorashada dib u dhigtay, maadaama
aanay jirin wixii suurtagelin lahaa muddadaa kooban ee hadhay
miyaanay kuu muuqan inay taasi doorashada ay ka been sheegayso?
J:taasi waa iska cadaan, doqon guulwade ah loo sheegi maayee laguma
hawlana in doorasho dhacdo ee shaqo kale ayey Xukuumadani ku jirtaa.
S:waxay dad badani rumaysan yihiin maadaama golaha Guurtidu muddo
afar sanadooda ay isku kordhiyeen xilligii sharciyadoodu dhamaatay,
saddex jeer oo horana ay madaxweyne Rayaale muddo kordhin u
sameeyeen in mar afraadkana ay isku sii diyaariyaan in muddo kordhin
kale ay u samayn doonaan arrimahaasi sideed u aragtaa?
J:waxaan u arkaa haddii ay Guurtidu ku kacaan go’aan muddo kordhina
inay dalka burbur hor seedayaan waxaanse kula talin lahaa Guurtida
inay ka waantoobaan muddo kordhinta xukuumada ee ay caadaysteen.
S:Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in sharciyada dalka la raaci
doono haddii doorashadu qabsoomi waydo asxaabta mucaaridkana waxa uu
ku eedeeyey in aqoon la’aani ka hayso sharciyada iyo distoorka
arrimahaa sideed u aragtaa?
J:horta Rayaale isagaan sharciyada aqoon sharcigana waxa Uu u
yaaqaanaa kolba waxa u doonayo, waana kii hore BBC-da uga yidhi
kolba qodobada distoorka aan u arko inaanay waxba dhimayn waan iska
jidhaa, qoonta Rayaale ee sharcigana waxa inagaga filan inuu sida uu
doono u jiidhjiidho.
S: Komishanka doorashooyinka khilaafka ka dhex oogan karti darada ka
muuqata iyo wada shaqay la’aantooda ayaa daliil looga dhigayaa dib u
dhac ku yimaada doorashada madaxtooyada, ma aaminsan tahay in
komishankani doorasho suurtagalin karaan?
J:Horta waxa nasiib daro ah in komishankii doorashada loo soo
doortay ay dhexdoodii wada shaqayn kari wayaan, wakhtigi doorashada
lagu qaban lahaana uu gabaabsi soo noqday, markii laysla ogolaaday
in afar xubnood lagu kordhiyo komishankana UDUB baa diiday waxaana
haboon in xubnaha komishanka xubno kale lagu kaabo.
S:Safarkii uu madaxweyne Rayale kaga soo laabtay dalka Kuwait sideed
u aragtaa?
J: Anigu safarkiisa Rayaale ee Kuwait waxaan u haystaa mid maxaafsi
sha xaad aan ka fogayn, wiil yar oo nin amiir ahi dhalay ayaa
safarkiisa soo qaban qaabiyey, iyadoo balanqaado hore oo badan oo u
dhagax ku dhigay warshado ay wada beenowdeen, iyadoo laba bilood oo
kaliyi xilkaygii ka hadhay anigu balan kale oo dhagax dhiga ummadan
kulamaan dhaceen.
Haatuf
|