Abaal Laawe: Hogaamiyihii Aan Hogaaminta Lahayn
(Qormada 1aad) .....Mujaahid Cali Guray
Waa Muqdisho 1980/81, xilayadaas oo xaaladii kacaanka iyo guud ahaa
Somalia ay si kale noqotay weji ama wejiyo kale na yeelatay waxa na
sabab u ahaa arimihii dhacay daba yaaqada todobaatane eyada oo ay ugu
muhiim sanaayeen dagaalkii lagu soo jebiyay ciidamadii Somalia iyo
dhibaatooyinkii ka dhashay sida qaxootigii faraha badnaa, burburkii
dhaqaale, dhibaatooyinkii dhinaca nabad gelya da ilaa isku daygii af
gambigii dhicisoobay ee Cirro.
Taliskii Siyaad Barre markaa xidhay dhoolihiisii iyo dabadi dheerayd.
Qabyaaladii oo shaadh kacaan tolatay ayaa shaaraca u soo baxday,
musuq maasuqii, eexdii iyo qaraabo kiilkii ayaa noqday wax a an la
qarsan. Marka ay dib u milicsano xiliyadaasi tiihii iyo asqadii
jirtay waxay marag cad u yihiin in dagaalkii 1977kii ay Somalia ku
qaaday Itoobiya uu ku noqday taliskii Siyaad Barre bulawgii
dhamaa dkiisa Xiliyadaa ay xaaladaasi jirtay ayaa dhawr wasiir oo ka
tirsanaa golihii wasiirada ee wakhtigaasi, saaxiibo isu dhaw na ahi
ay faq ku sheekaysteen.
Mawduucu dabcan wax kale muu ahayn ee waxay ahayd xaaladda dalka iyo
marxaladda uu ku jiro oo dabcan laga hilaadin karo halka uu ku socdo
oo aan hadda inooga baahnaayn faahfaahin ka bad an inta aynu soo
sheegnay.
Doodo iyo falanqaymo dheer ka dib wasiirada saaxiibada ahaa ee
Siyaad Bare waxay ugu dambays tii ku soo gunaanadeen doodahoodii "
walaahi sidani si maaha in aynu sii eeganaa na waa inoo doqo niimo eh
aan iska ogolaano dee doqoniimada", talo kale ma jirto.
Halkaa markuu xaalku marayo ayuu Axmed Silanyo oo isagu ah shakhsiga
aan ka soo xigtay sheek adan kana mid ahaa wasiirada faqa ku sheekay
sanayay yidh" anigu doqoniimo waan ogolahay hadii se ay dhaafto oo
khaayinnimo gaadho ku sugi maayo oo dad kayga khiyaamayn maayo beena
u she egi maayo" Axmed Silanyo kumuu sii raagin xukuumadiis uu
wasiirka ka ahaa ee Siyaad Bare laba sa nadood in kar na wuxu noqday
mucaarid ka soo horjeeda, lakiin SNM iyo SSDF oo ahaa labada
dhaq dhaqaaq ee mucaaridka ahaa xiligaasi midna kumuu biirin.
Intii aanu SNM aanu gudoomiyaha ka noqon sanadkii 1984 ee uu London
joogay waxa lagu tirin jiray koox la magac baxday " Somalia First"
oo u badnaa ragii kacaanka ka dhacay lakiin markii hore xilal sare
ka soo qabtay sida Axmed Silanyo oo isugu jiray reer waqooyi iyo
reer koonfureed ba.
Intii uu wasiirka ka ahaa xukuumadii kacaanka Axmed Silanyo wuxu ku
sifoobay , intii hore oo dhan, firfir cooni, karti, dadaal iyo
daacadnimo isaga oo si gaar ah loogu tilmaami jiray dhiiranaan ilaa
iyo xad fikirkiisa iyo waxa uu qabo aanu kala gaban xataa Siyaad
Barre oo ahaa coomir aan badiya run ta lagu la dhici jirin.
Silanyo wakhtigaasi waxa la odhan kara wuxu marka ugu horeysa nin
Somali ah marka xigtana reer waqooyi ah, halkaa na aan hoos uga
degin, taas oo uu kaga duwaanaa Ismaciil Cali Abokor oo isagu ka mid
ahaa saraakiishii af gembiga kula wareegtay xukunka 21/10/1969kii,
muddo dheerna ka mid ahaa ragii Siyaad Bare ku barbar taagnaa inu
xukunkiisu dhidibada aasto,.
Hase ahaato goor dambe oo xeedhiyo fandhaal ka dhaceen ku soo
ambabaray dareenkii saameeyay reer Sh. isaxaaq ee SNM ay ka
dhalatay, Ismail iyo Cumar Carte na lagu xidhay iyadoo loo
nisbaynay ay inay ku lug lahaayeen arimahaa.
Markii ugu dambaysay ee Silanyo isaga oo wasiir ah uu Hargeisa soo
gaadhay waxay ahayd badhta mihii 1981kii intii aan la xidhxidhin
kooxdii UFO uu badankoodu ka mid ahaa ragii guriga shaqaalaha ku la
hadlay isaga iyo Ina laxwas waxa na xusud in jawaabta ay ka kala
bixiyeen hadaladii cabashooyin ka u badnaa ee reer hargeysa intii
habeenkaa ka hadashay munaasibadaas, oo silanyo markaa ba u muuqday
nin garwaaqsan xaqiiqada cabashooyinka goobta laga soo jeediyay.
Munaasibada habeen kaasi waxa lagu tiriyaa inay ka mid tahay meelihii
laga raacay kooxda UFO, ragii loogu hor xidhay na waxay ahayeen
kuwii habeenkaa goobta ka hadlay iyo saaxibadood.
Rontii markii Silanyo iyo AHN Saaxiibkii Ibraahim Maygaag ay ka soo
qayb galeen Shirwaynihii 4aad ee SNM oo lagu qabtay magaalada
Jigjiga badhtamihii sanadkii 1984kii.
ujeedadoodu may ahayn inay si buuxda uga mid noqdaan SNM oo markaa
fadhigeedu ahaa Itoobiya, hadii aanay goŽaankaa qaadan ka hor intii
aanay u soo ambabixin Itoobiya balse waxa hubaal ah Shirwaynaha na
ay ka sheegeen in aanay ku soo talogelin inay wax xil ah ka qabtaan
SNM iyo inay la sii joogaan marka shirwaynuhu dhamaado toona.
Hada ba " waa suaŽaal daŽ waynoo madaxa daalinayse eh" sidee ayuu
hadana Axmed Silanyo ku no q day Gudoomiyaha SNM isaga oon weli
goobtii dhinac na uga dhaqaaqin?
La Soco.....................
|