Aas qaran oo Maanta Loo Sameeyey Marxuun Cumar Xuseen Ibraahim


 


Waxaa lagu aasay Tuulada Jufada oo ku taala galbeedka Gobolka Gabiley.........., Daawo Sawirro badan


Gabiley (TNN)-Marxuun Cumar Xuseen Ibraahim oo dabayaaqadii ramadaanta ku geeriyood ay dalka Canada ayaa maanta aas qaran loogu sameeyey tuulada jufada oo ku taala galbe edka gobolka gabiley.

Aaskaasi qaran ee maanta loo sameeyey Marxuun Cumar Xuseen Ibraahim ayaa waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland c/raxmaan ciro, gudoomiyaha xis biga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi, lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada a biib diiriye nuur, Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Somaliland Abiib axmed cali, ag aasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga iyo khayraadka bada maxamed Cilmi ilkacase, xildhibaan C/lahi Xuseen Cige (Black) Iyo Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo kamida Xild hibaanada golaha wakiilada Somaliland, Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Nasiye Axm ed Taliyaani, Suldaanka Guud Ee gobolka gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, Xog hayaha Dawlada Hoose Ee Degmede Gabiley C/raxmaan nuur Abokor, Cuqaal, waxgarad, iyo dhalinyaro aad u tiro badan.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday shakhsiyada marxuunka isaga oo ku tilmaamay inuu ahaa nin dadnimo leh waxaanu yidhi “Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi raajucuun Maanta waxaynu joognaa aaskii cumar xuseen ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee, bilaa aadmigu dhamaantii wuxuu ku xukumanyahay geeri maalinba qofka saacadiisu dhamaato ayaa lasoo qabanayaa ilaahay ha unaxariisto cumar xuseen wuxuu ahaa adoon wanaagsan oo alla kacabsi leh oo umadana u shaqeeya buu-ahaa, kolay aniga waxaanu isku baranay wakhtigii halgankii oo aan gudoomiyihii gudida ka ahaa aagaanu ka dagaal gali jirnay, Cumar xuseen Wuxu Ahaa nin alla kacabsi leh oo ehelu diin ah nin if iyo aakhiraba u shaqaystay buu ahaa nin dad badan wax taraybuu ahaa oo dad badana soo koriyay oo wax baray ilaahay haka jasaa,I siiyee, ilaahay isaga iyo intii dhimatayba ha u naxariisto inagana ilaahay haynooga daba naxariisto, caruurtiisii iyo eheladii uu ka baxayba ilaahay samir iyo iimaan hakasiiyo” Ayuu Yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Suldaanka Guud ee Gobolka gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan, oo ma dashaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay inuu cumar Xuseen ahaa ninkii ugu horeeyey ee baanka Somaliland ka shaqaysiiyey waxaanu Yidhi “ Inaalilaahi Wa Inaa Ilayhi raajucuun waxaan shacab waynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanaba ka tacs iyadaynayaa geeridaa naxdinta leh eek u timid marxuun cumar xuseen ibraahim alla ha unaxariistee marxuun cumar xuseen ibraahin wuxuu ahaa nin qarankan wax usoo qabtay oo halgankii qayb libaax kasoo qaatay markii dambe ee dib u dhiskana nin aad iyo aad uga qayb qaataybuu ahaa, waxyaabaha lagu xasuusto waxa kamid ahaa horta bangi Somalila nd ihi ma shaqaynin cumar xuseen hortii isagaa bilaabay, intaa kadib waxaan ka tacsiyad aynayaa ehelkii, qoyskii iyo qaraabadii in ilaahay badal khayr qaba kasiiyo samir iyo iimaana kasiiyo, isagana waxaan ilaahay uga baryayaa in ilaahay naxariistiisa waasic uga dhigo, in ilaahay qabriga u nuuro in ilaahay dambigiisa dhaafo ayaan ilaahay u baryaynaa dhamaant een isaga iyo inta kale ee dhimatayba in ilaahay dambigooga dhaafo ayaan ilaahay uga ba ryaynaa” Ayuu yidhi Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan.

Isaguna xildhibaan Ibraahim axmed haybe oo kamida xildhibaanada golaha wakiilada Somal iland ayaa isaguna ku dheeraaday shakhsiyada marxuunka sidoo kalena sheegay inuu ahaa macalimiintii ugu tayada wanaagsanaa ee dadka wax baray Waxaanu Yidhi “ waxaan tacsi tiiraanyo leh gaadhsiinayanaa Qoyskii qaraabadii, ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday cumar xuseen ibraahim waxaan leenahay samir iyo iimaan alle haynaga siiyo isagana ilaah ay janooyinkiisii wanaagsanaa hageeyo, runtii anuu inbadan baan aqaanay cumar macalimi in baanu wada ahayn macalimiintii ugu wanaagsanayd ee deegaanka ka shaqeeyay buu ahaa dadkii uu waxsoo baray maanta waa wax aniga ileeg iyo wax iga waawayn, ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo cumar xuseen ehelkii iyo qaraabadii uu kabaxna samir iyo iimaan hakasiyo.

Iyaguna waxaa munaasibadaasi aaska qaran loogu sameeyey marxuun cumar xuseen had lo kasoo jeedi lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada abiib diiriye nuur, xoghaya ha dawlada hoose ee degmeda gabiley c/raxman nuur abokor, Agaasimaha guud ee wasa arada ganacsiga Somaliland Abiib axmed cali kuwaas oo dhamaantood tacsi u diray ehelkii iyo qarabadii uu ka baxay cumar xuseen ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee.


Guuleed Muxumed Ibahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Gabiley Somaliland