WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu di greeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3319/052015 uu ku magaca abay Gudoomiyaha Maxkamada sare .

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somalilan d; Markuu Arkay: Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda; Markuu Aqoonsaday: Baahida weyn ee loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Markuu ku Qancay: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Isku Qanciyey: In uu hanan karo xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka;

Wuxuu Go’aansaday


In Mudane, Aadan Xaaji Cali Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomi yaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 


ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL,
ahna ku simaha af-hayeenka Madaxtooyada JSL.