Aadaabta Soonka

 


 

Soonku maadaama uu yahay Cibaado Ilaahay loogu dhawaanayo, isla markaana uu addoonku kaga doonayo abaal marin iyo dambi dhaaf, waxaa fiican inuu addoonku waxyaalaha Khayrka ah badsado, oo iska ilaaliyo waxyaalaha u keeni kara Soonkiisa Ajar yaraan iyo nusqaan, waxyaalaha qaofka looga baahan yahay inuu ku dadaalana waxaa ka mid :-

1-Akhrinta Quraanka oo ay tahay in mar walba uu addoonku ku dadaalo Quraanka akhrintiisa iyo barashadiisaba, hase yeeshee ay tahay inuu bisha Soon sii kordhiyo sidii u Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye yeeli jiray oo kale. Bukhaari waxa uu soo wariyay in Ina Cabbaas Ilaahay isaga iyo aabihii ha ka raalli ahaadee inuu yidhi:- Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ka ugu deeqsisan dadka , waxaanu ugu sii deeqsisanaa bisha Ramadaan oo uu Jibriil la kulmi jiray, waxaanu la kulmi jiray habeen kasta oo Ramadaanka ka mid ah , markaasuu bari jiray Quraanka, markaa Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuu uga deeqsi badnaa khayrka dabaysha dhabata.

2-Tobanka dambe ee bisha Ramadaan oo Cibaadada lagu dadaalo, iyadoo ka sugnaatay Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu umaddiisa ku booriyay inay habenka Laylatul-Qadriga ka baadhaan tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Bukhaari iyo Muslim waxay soo wariyeen inay Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee ay tidhi:- "Nabigu naxariis iyo nabadgalyo eebbe korkiisa ahaataye marka ay tobanka dambe soo galaan habeenkii ayuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu kicin jiray, guntiga ayuuna giigsan jiray".

3-Suxuurta oo ah inuu qofka muslinka ahi uu cuno cunto haba yaraatee. Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-" Suxuurta, Suxuurtu waa Barako e" Muslim iyo Bukhaari ayaa wariyay. Umadda Muslimiinta ahina waxay isku raaceen inay arrin wanaagsan tahay, laakiin qofkii ka taga dambi ma raacayo. Waqtigeeduna waa gelinta dambe ee habeenkii ilaa waagu ka dillaacayo, iyadoo ay wanaagsan tahay in dib loo dhigo. Sayd Binu Thaabit ayaa yidhi:- "Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye ayaanu la Suxuurannay, markaasaanu Salaaddii isku taagnay (Salaaddii Subax). Markaasaa la waydiiyay inteebaa u dhaxaysay?, wuxuu yidhi:- Konton aayadood in la akhriyo".Bukhaari iyo Muslim baa wariyay.

4-Afurka oo la dadajiyo, taasoo ah inu qofka Soomani uu dadajiyo afurka marka uu hubsado in cadceeddi dhacday. Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Dadku khayr bay ku jiraan inta ay afurka dadajinayaan" Bukhaari iyo Muslim baa wariyay. Waxaana fiican in uu qofku ku af billaabo timir, haddii uu waayana biyo. Nabigeenu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu yidhi:-"Haddii midkiin Sooman yahay ha ku af billaabo timir, haddii u timir waayana biyo ha ku af billaabo, biyuhu waa daahire" Axmed iyo Tirmiidi ayaa wariyay. Sida fiicanna waa inuu Salaadda ka dambaysiiyo afurka. Sidoo kale waxaa fiican inuu qofka afurayaa ducaysto. Nabigeenna naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye waxaa laga soo wariyay inuu yidhi:-" Saddex Ducadooda lama celiyo (Eebbe wuu ka aqbalaa):-Ka Sooman ilaa uu ka afuro,Imaanka caadilka ah iyo dulmanaha" Tirmiidi baa wariyay.


5-Iska ilaalinta wax Soonkiisa wax u dhimi kara, taasoo ah inuu qofku iska ilaaliyo wax Soonkiisa wax u gaysan kara, iyadoo ay tahay in Soonku kaliya uu yahay in laga Soomo cuntada,cabitaanka iyo waxyaalah reeban ee kaleba balse uu yahay camal suubanaan Ilaahay loogu dhawaanayo. Abii Hurayra Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxa uu soo wariyay in Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe  kork iisa ahaataye uu yidhi:-"Ka aan ka tagin beentu iyo ku shaqaynteeda, markaa Ilaahay waxba ku fali maayo inuu iska daayo cuntadiisa iyo cabitaankiisa" Kooxdaa warisay Muslim mooyaane. Waxaa kale uu Nabigeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uidhi:-"Badanaa qof Sooman oo aan gaajo mooyaane Soonkiisa waxba ku lahayn, badanaana mid taagan (oo Salaadda habeenkii u taa gan) oo taagnidiisa ku lahayn soo jeed mooyaane" waxaa wariyay Annisaa'i,Ibnu Maajah iyo Al-Xaakim.

La soco qaybta 7aad………..
 

 

 

Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office Somaliland