‘Aad Baan ugu Qushuucay Waxa Somaliland ka Socda’ Mr. Mark Bowden'

 


Washington (TNN)-Xidhiidhiyaha dhinaca gargaarka u qaabilsan Qaramada Midoobay Mr. Mark Bow den, ayaa sheegay inuu aad ugu qushuucay waxqabadka Somaliland ka socda, isaga oo xusay in  s annadka soo socda ee 2011 la laban-laabi doono taageerada dhaqaale ee beesha caalamku u  fidi so Somaliland.

Warbixin dhinacyo badan taabanaysa oo shalay lagu baahiyey bogga Internet-ka wargeyska Wall Streer Journal, ayuu Mr. Mark Bowden ku sheegay in caawimooyinka sannadkasta Somaliland la  sii yo oo gaadhaya ilaa $100 milyan oo dollar la laban laabi doono sannadka soo socda.

Waxa warbixinta wargeyska lagu daabacay lagu sheegay in aqoonsi la’aantu sababtay in  Somalila nd aanay bangiyada caalamiga ah ammaaho ka qaadan karin, isla markaana aanay heshiisyo la geli karin dawladdaha kale, iyada oo aanay maalgashiga shisheeyaha siin karin dammaanadda dhinaca xasiloonida ay ka dalbadaan. Waxaanna warbixinta lagu xusay in Somaliland ku tiirsan tahay  gana csi ga gaarka ah oo dad badan shaqaalaysiiya, qalabka dibadaha laga soo waaridu, maalgelinta  dh aqaalaha iyo deeqaha dawladda la siiyo.

Degennaanshaha Somaliland ka jira wuxuu deeq-bixiyeyaasha ku dhiirigeliyey inay la yimaadaan  f ikir cusub oo lagu taageerayo. “Aad baan ugu qushuucay waxa Somaliland ka socda.” Sidaa waxa yidhi xidhiidhiyaha gargaarka bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay Mr. Mark Bowden, isaga oo xusay in caawimooyinka sannad kasta Somaliland la siiyo oo gaadhaysa $100 millyan oo doollar la laban laabi doono sannadka soo socda.

Sida lagu faafiyey Wall Street Journal kaalmada Maraylanku siiyo Somaliland oo ahayd sannadkii 2009 ahayd $7 milyan oo dollar, waxa hadda la gaadhsiiyey $26 milyan oo dollar, iyada oo  arrintaa sina uu caddeeyey diblomaasiga ugu sareeya Maraykanka ee Afrika qaabilsan Mr. Johnnie Carson. Waxayna dawladda Maraykanku ballanqaaday inay Somaliland ula shaqayn doonto si ka meeqaam sareeya sidii ay hore ula macaamili jirtay.

Sida warbintaasi lagu sheegay waxa bulshadda caalamku ka cabsi qabtaa in aqoonsiga Somaliland horeseedi doono murrano ka dhasha dhinaca xuduudaha Afrika, balse maadaama xuduudaha dawladda Soomaaliya ee dhinaca Koonfurtu ay burburayaan, fikirkaasi waxa uu hadda u muuqdaa mid bilaabay inuu isbeddelo.

“Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Midawga Afrika, ayaa aamisan in kooxda Al-shab aab joogto Somaliland, waxayna dawladda Somaliland si feejigan ula socotaa illaalinta  maleeshiya adka, iyada oo la kaashanaysa qaybo badan oo shacabka ka mid ah oo iskaashi ka dhexeeyo, laak iin kooxda Al-shabaab iyo kooxaha kale ee mitidka ahiba waxay weli awoodaan inay khalkhaliyaan xasiloonida gobolka,” ayaa lagu yidhi warbixinta lagu baahiyey wargeyska Wall Street Journal.

“Shirkaddo waaweyn ayaa xarrumo ku leh waddooyinka boodhka miidhan ah ee gaadhi  dameerad aha iyo baabuurtu isdhex yaacayaan, iyada oo dumar masaro midabo qurux badani leh xidhana ay hareeraha jidadka ku haystaan goodhiyo yaryar oo lagu iibiyo allaabooyin yaryar.” Ayaa lagu soo koobay warbixinta Somaliland laga qoray ee shalay lagu baahiyey wargayska Maraykanka ah ee Wall Street Journal.



Source: Jamhuuriya Online