Xoghayihii Guud ee Xisbiga UCID oo is casilay
Aniga oo ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)
waxa maanta oo Arbaca ah taariikhduna tahay 6 November, 2013 aan ku
cadeynayaa qoraalkan hord haca ah in aan xilkii Xoghayaha Guud ee
Xisbiga Ucid iska casilay. Xilkaasi oo la ii magacaab ay 12/07/2012
isla markaasina lagu ansixiyay Kalfadhigii Golaha Dhexe ee
Xisbigaasi ee qabsoomay 28/10/2012. Runtii waxa ay is-casilaadaydu
salka ku heysaa ka dib markii aan arkay in Taladii Xisbiga la
tahriibiyay oo iyada oo aan jirin wax la isku raacsan yahay ama aan
la is qancin lagu dhawaaqay guddi qaban-qaabo oo kala shaqeyn doonta
xisbiga kale ee Waddani gudidiisa qabanqaabada shir loogu yeedhay
Tallo ama Dood Qaran taariikhdud markay ahay 04/11/2013. Runtii waxa
aad moodaa in cid danno gaar ah lihi ay dabada ka riixayaan
xisbiyadda mucaaridka oo aad moodo in ay ka ilaalinayaan in ay
helaan waqti ku filan si ay uga baaraan degaan ama u lafo guraan
TALLADDA SOO DHACDAY ee Madasha Wadatashigu ku wareejiyeen
Xisbiyadda Mucaaridka sida ay sheegeen 23/10/2013.
Tallo ama Dood Qaran waxa qaban-qaabadeeda iyo qabashadeedaba leh
xukuumadda mar kaasi talada dalka heysa hadii loo baahdo. Xisbiyadda
Mucaaridkuna waxa uu waajibkood iyo mas’uulliyadoodu tahay in ay
xukuumadda markaasi jirta ay dhaliilaan weliba dhaliil to gan una soo
bandhigaan ummadda iyo codbixiyayaasha barnaamij siyaasadeed iyo mid
w ax-qabad iyo waxa ay kaga fiicnaan karaan xukuumadaasi ay rabaan in
ay bedelaan si ay u helaan kalsoonida cod-bixiyayaasha iyo
codadkoodaba. Sida aynu ka baranay dalalka dacf aray dimuqraadiyadda
iyo nidaamka asxaabta badan weligay ma arag xisbiyo mucaarid ah oo
leh shir qaran ayaa la qabanayaa si loo saxo dhaliilaha xukuumada
halka ay ka faa’iidey san lahaayeen dhaliilahaasi oo ay ku kasban
lahaayeen codad badan marka ay sheegaan sida ay u saxayaan ama wax
uga qabanayaan dhalliilaha xukuumaddaasi.
Haddaba, waxa aan xilkaygii xoghayaha guud iyo hankaygii siyaasadeed
u sadqeynayaa iminka in aan xor u noqdo fikirkayga iyo aragtidayda
siyaasadeed si aan uga qeyb qaato kaalinta igaga soo aadi doonta
badbaadinta qaranka, xisbiyada qaranka iyo dumuqraadiyada JSL. Waxa
aan marka denbe ka hadli doonaa halka fikirkani ka yimid iyo
maraxaladaha uu soo maray iyo weliba cida aan u arkaayay in ay
dabada ka riixaysay Shirka Tallo Qaran. Waxa aan weliba mutihin
doona waqtiga ay Xisbiyadda Mucaaridka ee Ucid iyo Wadani ay il
duufeen iyo xilliga ay saqiiri doonaan hadii ay masiirkooda iyo
tallada xisbiyadooda u daba fadhiistaan dad Suuq Joogayaal ah.
Waxa aan guul iyo gobanimo u rajeynayaa ummadda reer Somaliland guud
ahaan, gaar ahaana bahweynta xisbiga Ucid.
Allah Mahad Leh
Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid
|