9 Wasiir Oo Hadhimo Sharafeed ku Sooryeeyay Wasiirka Khaarajiga Somaliland

 



Jabuuti (TNN):- Wasiirro ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa shalay hadhimo sh araf eed ku qaabilay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Bi ixi Yoonis iyo Agaasimihiisa guud Maxamed Siciid oo socdaal shaqo ku jogs dalkaasi.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-murtiyeed maanta ka soo baxay xarunta wasaaradda Khaaraji ga Somaliland, waxaana lagaga xog-waramay meeqaamkii loogu soo dhaweeyay dalka Somalil and la dariska ah ee Jabuuti oo sida la sheegay ay ka wada hadli doonaan xoojinta wax wada q absiga labada dal.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa si wey n loogu soo dhaweeyay Dalka Djibouti.

Wasiirka oo ku jira socdaal shaqo oo ku tagay wadamo ay ka mid yihiin Masar iyo Ingiriiska ay aa ka soo degay 11:00 subaxnimo gegida diyaaradaha dalka DJibouti halkaasi oo ay ku soo dhawee yeen Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane: Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Shaqada Mudane Cab di Xussen iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan dawlada Djibouti.

Socdaalkan Wasiirka oo ku weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Mudane Maxamed Xas an Siciid, waxa qado sharaf u sameeyay wasiirka shaqada iyado ay ka soo qayb galeen wasiirro bad an oo ay ka mid yihiin wasiirrada Arrimaha dibada, Maaliyada iyo Dhaqaalaha, Arrimaha gu daha, Cadaalada, Miisaaniyada, difaaca, warfaafinta iyo isgaadhsiinta. Waxa kale oo casuumad aasi lagu soo dhawaynayay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland ka soo qayb galay, gudoomiya ha bangiga, madaxa amniga qaranka, xoghayaha guud ee xukuumada, xoghayaha guud ee xafi iska Raysal wasaaraha, taliyaha bileyska Djibouti, taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyadda, xildhibaano iyo ganacsatada waawayn ee reer Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Biixi Yoonis, waxa uu kul amo la yeelan doonaa Madaxda dawlada Djibouti, oo wado hadal ka yeelan doonaan si xooj inta x idhiidhka ka dhexeeya labada dal.”
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland