Qaraxyo ka Dhacay Hotel Makka al-Mukarrama

 



Muqdisho (TNN):-Ugu yaraan 6 qof ayaa la xaqiijyay inay ku dhinteen kadib markii maanta ay laba qarax ka dhaceen sida la sheegay gudaha iyo bannaanka hore ee hotel Makka al-Mukarama ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa koowaad ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay gudaha Hotel-ka, si rasmi ah looma og a nooca uu ahaa qaraxaasi, waxaase jira warar sheegaya in la qabtay qof doonayay inuu isqarxiyo. Inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in qofkaasi la qabtay intii uusan qarxi n "Laptop ama Ipad" uu watay.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay bannaanka hore ee ganjeelka Hotel-ka. Qaraxan oo ahaa b aabuur ayaa qarxa, waxaana la sheegayaa in qaraxan uu geystay khasaare isugu jira dhi masho iyo dhaawac.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli, Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in ugu yaraan 6 qof ay ku dhintaan qaraxa labaad, waxaana dadka dhintay ku jira Dhube Aaden Cali, oo ka mid ahaa Soomaalida qurbjoogta UK.

Ridwaan, wuxuu kaloo sheegay in inkabadan 15 qof ay dhaawacmeen, oo uu ku jiro Soyan Cabdi Warsame, oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa canbaareeyay qaraxyada maanta ka dhacay Hotel Makka al-Makurama.

Source: VOA