Diiwaangelinta
Codbixiyeyaasha Oo Si Habsamile Uga Socota Degmooyinka
Salaxley Iyo Sabowanaag
Howsha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa si habsami ah uga socota
deegaanada degmooyinka Salaxley iyo Sabowanaag, waxaaney dadku safaf
ugu jiraan si ay isu diiwaangelin lahaayeen una qaadan lahaayeen
kaadhadhka codbixinta iyo aqoonsiga muwaadinimo.
Wasiirka beeraha Somaliland Aadan Axmed Dhoolayare oo kormeer ku soo
marey maanta deeganadaasi ayaa sheegey in dadku si fiican isu
diiwaangelinayaan, haseyyeeshee waxa uu walaac ka muujiyay xaalad
abaareed oo ka jirta deeganadaasi oo aan helin sanadka roobab fiican,
sidaa awgeed dadkii u hayaameen xagga Itoobiya.
Mudane Dhoolayare waxa kale oo uu sheegay in arrintaa awgeed dadka
loo direy gaaadiid soo daadgureeya oo keena agoobaha doorashada iyo
in dadka goobahaasi loogu diyaariyay raashin ay quutaan inta
diiwaangelintu socoto. Wasiirku waxa uu intaa ku darey in goobaha
dadku ka hayaameen ay komishanka doorashooyinku oggolaadeen in hadba
loo raro meelaha lagu badaan yahay. Isaga oo xusey goobha ku yaala
xuduuda oo kale dadku ku badan yihiin oo ay safaf dhaadheer ugu
jiraan diiwaangelinta.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maalintii saddexaad mareysa
gobolka Hargeysa waxa la sheegayaa in maalinba maalinta ka dambeysa
ay sii kordhayaan dadka isdiiwaangelinaya maalinba.
Faysal Cabdilaahi.
Hargeysa/Hormoodnews
|