TACSI MADAXWEYNE





Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dira yaa Eheladii, Qoysaskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geeridii ku timid Alle ha u naxariistee 5 qof oo muwaadiniin ah oo shil baabuur ugu geeriyooday 19/11/2013 galbeedka Hargeysa.

ALLE ha u naxariistee muwaadiniintaasi waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland illaahay uga rajeeyey inuu naxaristii janno ka waraabiyo Eheladii iyo qaraabadii ay ka tege ena Illaahay samir iyo iiman ka siiyo.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadeeyey Gudoomiyaha Shirkada Somcable M axamed Aw Siciid Geedi oo walaalkii Maxamuud Aw Siciid Geedi uu ku geeriyooday shilkaasi, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu caafimaad u baryey dhamaan dadkii ku dhaawacmay shilkaasi in illaahay caafimaad sareecana uu siiyo.
 

 

Axmed Saleebaan Dhuxul


Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland