YAA KU HADHAY UDUB? CODKAAGA KU CIIL BAX
Qormadii 28
Waxa ayaamahan dhegaha iyo indhaha Soomaliland buuxiyey
wararka tilmaamaaya sida looga hayaamay xisbi-xaakimka
oo u muuqda mid ku fashilay hoggaankii uu muddada dheer
hayey. Waxa ayaan darro ah in kolka hawlwadeenadii
xisbigu ay irridaha boobeen in Wasiiro aan la do
oran meelna aan ka soo gelin nidaamka dalka u yaal inay
xisbi sheegtaan ay yihiin kuwa sidii Ca li geeli
ba'ay baroorta iyo boodhka isku daray, fadhi iyo jog
diiday,hawshii qaranka ay u hayee na faraha ka
qaaday. Waxa qaarkood miciinsadeen cabaadkii laga maqli
jiray keli-taliyaasha xu kunkooda qoraxdu ka sii
dhacayso eek u hadaaqa" AMA LEY DOORAY AMBA DALKA LA WAA".
Waxaa se bushaara ah in nin kasta oo taas ku baqay in
isaga la waayey dalkuna jiro.
Waxaynu ogeen raggii Udub dhidibka u taagay ee
Madaxweynaha kursiga labada dhinac u qab tay inay
saaxadda ka maqan yihiin. Kow dhe waa Prof. Gees oo sida
cad u qoray inuu isagu sha rciga u jabiyey Daahir
oo uu kolkii Madax. Cigaal geeriyooday Alle ha u
naxariistee uu Konfur A frika kala soo hadlay
Qaybe iyo Cabdiqaadir Jirde si qodobka dastuurka ee
Madaxweyne doora sho ku yimid oo geeriyooday loo
qaato, lagana saaro meesha qodobka sharciga ah ee lagu
dha qmaayo intaan doorasho dhicin. Kaas oo ka dhigayey
in 45 Cisho Guddoomiyaha Guurtigu hayo, deedna ay
xildhibaanada Barlamanku isu soo sharaxaan, kii ku
guulaystana uu Madaxweyne no qdo. Weynu ognahay
sida foosha xun ee loo eryey Mudane Gees. Ayaamahan waxa
isna si cad u tilmaamay inaan UDUB waxba u oolin Mudane
Cabdiqaadir JIrde, Ummaddana ku booriyey inay xisbiga
Kulmiye u codeeyaan isagoo ku tilmaamay xisbiga ugu
nidaam wacan, aadna uga dayriy ey nidaam darrada
UDUB oon lahayn Gole Dhexe iyo Mid Fulineed toona.
Waxa ka horeeyey
raggii doorashadii hore guntiga gaabsaday oo noqonaaya
liis dheer bal se aan ka xasuusto Ismaaciil Aadan,
Cabdilaahi Derewal, Muuse Inji, Abiib Timacadde, Fu'aad
Adan Cadde, Waqaf, Cali Asad, Gaboose, Salaymaam Aadan.
Xataa waxa muuqata in Xaajigii xukunka ilaashan jiray oo
arko halka ay kafaddu u dheeliday, waa Xaaji Cabdikarime
uu ayaamahan she egaayo UDUB in haddii xilka laga
helo ay si nabad ah ku wareejiso.
Waxa iyana ka maqan intii niyad wanaaga ku raacday een
weli baran ballanka UDUB, intii lahayd dalka ha la
dhaqaajiyo oo Madaxweynah ha la barbar galo. Waxa culkan
ka hormood ah Maxam ed Xaashi Cilmi, Marwo Edna
Aadan, NGOyada dalka, dhalinta Jaamacadaha, iyo ururada
qurbaj ooga een u kala hadhin taageerada Madaxweynaha.
Xusuuso soodhoweyntii kolkii ugu horreys ay ee uu
dalkan Ingiriis soo cago dhigtay. Taa dabadeed midba
midda ay ka dambeyso ayey sii shiikheysay ilaa la waayey
goob Madaxweyne joogo oo jaaliyad lagu casuumo. Waa
barasho ho rteed hay nicin, manta se la baray oo la arag
waxqabadka xukuumada, maamule-xumada iyo c adaalad
darrada, ay weheliso musuqmaasuqa dalka ragaadiyey.
Waxa ka huleelay koox
culus muddaba la daalaa dhacaysay sidii ay xisbiga u
badbaadin lahaay een. Waxa Cabdilaahi Derwal la
kacay garab mug weyn oo xildhibaano degaan iyo qaar
barlam aaan leh, qaar Gole Fulineed iyo ku Dhexe leh,
qaar Guurti leh.
Sii akhri warkan oo
dhan: http://boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=4187:kulmiye-oo-xaflad-balaadhan-kusoo-dhaweeyey-isbadal-doonka-udub-sawiro&catid=34:wararka-intooda-kale
Waxa iyana shir jaraaiid qabtay dhowr nin oo xilal
waaweyn xisbiga u hayey. Dhammaan waxay dureen
sharciyadda xisbinimada oo runtii ay ahayd in hadday
sidaasi jirto in la kala diro waayo waxaa meel ka dhac
ay ku tahay dastuurka dalka in xisbi aan lahayn maamule
dhexe ha noqoto Gole Fulineed iyo Gole DHexe laga aqbalo
inay yeeshaan musharx Madaxweyne. Waa se Soom
aliland oo wey samir badantay, wey dulqaad weyntay. Waa
ha socotee yeynaan carqaladeen xiliga doorashada. "Codkeena
ayeynu ku diidi ee ha socoto"..Waa hadalka aan ka hayo
in badan oon la xidhiidhay inay arrintan dastuuriga u
fiirsadaan. Afeeftay bal se talada aqlibiyadda ayaa leh,
anna qaatay oo waa ha socoto oo aan Codkeena ku Ciil
Baxno.
Burco (Jam)- Mustafe Maxamuud Cali oo ka tirsanaa Golaha
Dhexe ee xisbiga UDUB, ayaa shee gay inuu iska
casilay xubninadii xisbigaas oo uu sheegay inuu qarka u
saran yahay burbur siya asadeed, isla markaana u
xuubsiibtay xulafaysi kooxeed dhexdiisa ku
hirdamaya.Masuulkani wa xa uu sheegay in xisbiga UDUB uu
talada ka qaato cidda aan nasteex u ahayn, isaga oo
xusay in uu qoraalo badan u gudbiyay, balse aannu ka
helin jawaab waafiya,
Kana waa Guddoomiyihii Xidhiidhka gobollada xisbiga UDUB
Md. Siciid Jaamac (Ilka-weyne) oo isna maanta yidhi
Cawralaay Cago!.
rajayn maayo doorashada madaxtooyadda inaanu sidii
berigii hore guul ka gaadhi doono inaa nu sii
daadegno mooye, xisbigana waxa iska wata rag shalay soo
wada galay oo xaaladiisa aan waxba kala socon."
Mudanahan oo
shirjaraa'id maanta ku qabtay Magaalada Hargeysa waxa uu
yidhi...
"Waxaan maanta oo taariikdu tahay 05.May.2010 aan iska
casilay xilkii aan muddo todbada sanno ah ka hayay
xisbiga UDUB, aniga iyo garabkaygii aan watay ee marii
hore ka yimi xisbiga UCID, oo qaarkood iga sii horeeyeen
oo iskaga tegeen markii waxba loo qaban waayay.
xisbiga UDUB ma shaqaynayo oo wuxuu ku shaqaynayaa
muhmal, waxaanu weyney kala-danba yntii iyo nidaamkii
xisbigu ku shaqayn jiray,shaqo ma hayno, golle dhexe ma
jiro, gudidii fullintu ka ma jirto, Guddoomiye-waxeedyo
ayaanu ahayn oo wax shaqo ah ma hayno dad kale ayaa
shaqadayadii qabta, talladii xisbuguna waxay gacantoodu
ku jirtaa kuwo dhawaan soo galay xisbiga.."
http://www.somalilandvoice.com/index.php?option=com_content&view=article&id=429:guddoomiyihii-xidhiidhka-gobollada-xisbiga-udub-md-siciid-jaamac-ilka-weyne-oo-isna-maanta-yidhi-cawralaay-cago&catid=1:latest-news&Itemid=117
Yaa hadhay? Waa xisbi
oo dindinkoodu dhammaan mayo, ee waa kuwan beelihii
tiirka u ahaa iyo madaxdii Boorame iyana ay yidhaahdeen
nalaguma haleeyo. Ku dar reer Dila iyo damaasha ad
oo kolkay sida lexaadka leh u taageereen Kulmiye xabsiga
loo taxaabay Taliyihii Boliskii ee Degmada lana yidhi
maxaad u joojin weyday. Mey garan in aan la joojin Karin
mawjad dad ah.
Waa Salal iyo Awdal oo yidhi dalka anagaa leh anaga
ayuuna hiil naga sugayaa. Ninkasta oo ku xiga Allaa kaa
xiga. Waxqabad iyo kartibaa madax lagu qiimeeyaa.
Annagaa hormood u ah isbedelka dalku u baahan yahay.
http://saylicipress.net/2010/05/27/the-people-of-awdalselelgabiley-left-rayaale-and-support-kulmiye/
Waa marwooyinkii Boorame oo sacab furan iyo gacan
codeysa ku soo dhoweeyey Kulmiye.- Borama, 30 kii May-
Munaasabad lagu qabtayb Hotel Rays ee magaalada Borama,
habeenkii sabtidii ee bishan 2 9 keedii, ayaa waxaa soo
agaasimay, garabka haweenka isbadalka doonka, ee xisbiga
Kulmiye iyo maamulka siyaasadeed ee Beesha HabarCafaan,
waxa ayna ugu tala galeen, inay ku soo dhaweeyaan,
Garabka Haweenka isbadal doonka Beelwaynta Habarcafaan.
Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay, Marwada
Koowaad ee Eng Saylici, iyo xubno kale oo aad u mihiim
ah, oo ay ka mid tahay, AMAAL XAJI MIISAAN iyo haween
faro badan oo hormood u ah Beesha HABAR CAFAAN oo ah tan
uga tirada badan deggaanka degmada Boorame iyo magaalada
caasimada ee iyada ah..
Sawiro: Haweenka Boorame iyo Kulmiye sii aakhri oo guji:
http://samotalis.blogspot.com/2010/05/garabka-haweenka-beelweynta-habar.html
Ugu dambeyn Waa xildhibaan Yuusuf Kirix iyo tunweyntii
UDUB oo mar keliya oodda jabisay.
Masuuliyiintan xilalka ay UDUB ka hayeen iska casilay oo
maanta shir jaraa'id ku qabtay Huteel Summer Time ee
magaalada Hargeysa oo tira badnaa, waxa hormuud u ahaa
Xildhibaan Yuusuf Kirix oo ka mid ahaa Xildhibaanada
Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa, Xoghayihii
Difaaca iyo nabadgalyada Xisbiga UDUB cabdillaahi
Maxamed Jaamac (Carray),Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga
arrimaha bulshada UDUB Axmed Cismaan Aw Cabdi,
Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga dhaqaaha Xisbiga UDUB
Xasan Abiib Maxamed, Farxaan Daa'uud oo ahaa xubin
golaha dhexe ee UDUB ka tirsan iyo xubno kale oo fara
badan oo isugu jira kuwo golaha dhexe ee UDUB Xubno ka
ahaa iyo kuwo wakhtigan xilal ka hayay UDUB.
Waxay yidhaahdeen: "Xisbigayagii UDUB, Xisbigii uu ahaa
maaha, Xisbigii wuu isbeddalay, meel uu ku socdana ma
garanayno. mawaxaad aragteen koox kooxdaadii ah, oo
garammadaadii ku ciyaaraysa oo aanad haddana dadka
kubbadda kuu ciyaaraya aanad midh ka garanaynin.
Xisbigii UDUB sidaas ayuu noqday oo dadka maanta wata
qof annagayagaasi UDUB ahi ka garan mayno. markaa
Xisbigii UDUB sidii Riwaayaddii aw Bustaale ee ay ku
jirtay Sheekhi wuu hagaas ay, hagaasay, sii
hagaasay, dabadeedna wuu madhay weeye, oo UDUB Wuu
hagaasay, hagaas ay oo inuu kidinka ka baxo ayuunbaa u
hadhay." Sidaa ayuu yidhi Mr. Carray, waxaanu isaga oo
ku dhawaaqaya is-casilaaddiisa yidhi;
"Xilkii aan UDUB ka hayay ee xoghayaha nabadgalyada iyo
difaaca intaan hayay dambigii aan ku galay Illaahay
hayga saamaxo, inta dambena laga bilaabo maanta oo ay
bisha May 29 tah ay, waan iska casilay. UDUB-na
kamaanaan bixin ee dhexdeeda ayaannu ku dagaallamaynaa.
Waxaannu noqon gaadhay sidii Saddaam Xuseen oo Ciraaq
dabaabaad iyo Hub khatar ah ayay haysatay, markii
isbahaysigu soo galay meel ay mareen ciidamadii khatarta
ahaa iyo Dabaaba adkii Ciraaq waa lawaayay,
wuxuunbaynu aragnay Saddaam oo god lag soo saaray oo aan
la garanayn oo ilkihiisa toosh lagu hayo oo la leeyahay
Saddaam ma yaha mise waa nin kale,imaka marbaa la odhan
gaadhay waar ninkani Carray ma yahay inta toosh afka
nalagaga qabto. Inta maanta UDUB hor ordaysana waxaan u
sheegayaa inay Sidaa Saddaam inta god laga soo saaro la
arki doono iyada oo Toosh afka lagaga hayo...."
Xildhibaan Yuusuf
Kirix, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa
Golihii dhexe ee ug u horreeyey ee Xisbiga UDUB
yeesho, ka dibna ka mid noqday mudanayaashii Golaha
deegaan ka ugu tartamay UDUB ee guulaystay, waxaanu
sheegay inuu maanta laga bilaabo iska casilay
xubinnimadii golaha dhexe ee UDUB. "Laga bilaabo maanta
waxaan iska casilay xubinnimadii gol aha dhexe ee
Xisbiga UDUB oo aan aasaasayaashii seeska u dhigay ka
mid ahaa. ka dib markii hore iyo dib midna u
socon-waayay, siyaasaddiisina noqotay mid ka duwan tii
Xisbigaas aanu u ku dhisnay." ayuu yidhi Xildhibaan
Yuusuf Kirin.
Faalo kale ku darimaayo oo Tunweynta UDUB ayaa
dhammeeyey.Iyagaa tilmaan buuxda ka bax shay
maamul-xumada iyo waxqabad la'aanta. Su'aasha ah yaa ku
hadhayna aan u dhaafo dad weynaha, oo kolka ay
inta aan halkan ku xusay iyo kuwa kale eenan magacaabin
ay maankoo da la kaashadaana gran kara cida ku
hadhay iyo miisaankooda.
CODKAAGA KU CIIL BAX.
Oo u codee isbedelka dhabta ah, ha khasaarin hana la
seexan ee ka d hig mid aad ku hubsato xisbiga
Kulmiye.
Mahad oo dhan Alle ayaa leh,
Waa inoo qormo kale iyo maalinteed, Insha Allah
Guji LINKAN oo akhri Barnaamajka KULMIYE:
https://docs.google.com/fileview?id=0B2ihL4hM00JYZjk2MDI0YjQtM2YyOS00ODZmLTgxNDItOTYzNDAxOGYwYWI1&hl=en_GB
Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
JOIN SAMOTALIS Group
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/group.php?gid=143687650990&ref=mf
JOIN SAMOTALIS Page AT:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=mf#!/pages/SAMOTALIS/238585618589
http://samotalis.blogspot.com/
Ahmed
Arwo
samotalis@gmail.com |
|