Yaa ka Masuul ah Nadaafad-Xumada iyo Dariiq yada Boholaha Noqday ee Degmada TogWajaale wakhtiyada Roobka?

 

Nadaafaddu waxay ka mid tahay waxyaalaha lagama maar maanka u ah  no losha bani aadamka ee wakhtigan, waxan a bulshada caafimaadka qabta  h ad iyo jeer looga baahan yahay ama ku fekertaa horumar, halka kuwa  caa fimaad darradu haysaa aanay ka fikirin dhinacaasi iyo wixii la mid ah.

Dalkan Jamhuuriyada Somaliland oo dadkiisa looga bartay nadaafadda, dh aqanna ay u ahayd inay had iyo jeer la dagaalamaan qashinka , nadaa fad darrada iyo wax kasta oo xanuun u keeni kara ayaa baryahan dambe  wa xa ku soo kordhay dhaqammo aanay hore u lahaan jirin ama loola yimi  ka ddib markii ay burburtay xukuumaddii milateriga ahayd ee Rajiimkii  Maxam ed Siyaad Barre. Gaar ahaan magaaladan Tog-wajaale oo ku taala  Xuduu da udhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia waxay sannadahan u dambeeyeyba dadkiisu ka cawdaan nadaafad xumo ka dhalata qashinka tuulan  suuqya da,iyo Toga-wayn ee kala badha labada daamood ee Somalida iyo  Xabash ida. Saxarada bacaha lagu rido ee suuqyada lagu daadiyo, bulaacadaha  si dii webiyada u qaadaya suuqyada Magaalada Wajaale, Biyaha wasakhda ah ee suuqyada lagu daadinayo, dhiiqida tuulan suuqyada ganacsiga  hort ooda oo uqabta qashinka oo dhan, iyada oo ay suuqyada waawayn iyo  m eheradaha hortooda oo aan maalmaha qaar la mari karin, Baabuurtuna ku xanibanto maalmo iyo habeeno badan. iyo waxyaale kale oo foolxumo iyo caafimaad darro ku ah dhaqankeenna, diinteenna iyo caafimaadkeennaba.

Degmada Wajaale ayaa ah Degmo curdin ah oo isku xidha Somaliland iyo  E thopia iyada oo ah isha ganacsiga ee wadama Geeska Africa, taasi oo  kul misa dadwayne kala duwan oo ka kala yimi Daafaha Dunida. Hadaba  waay adan dambe Dadwaynaha Reer Wajaale waxay ka cawdaan waxa ay  daw ladda Hoose ee Degmada Wajaale wax uga qaban laadahay waajibadkii ka saarnaa Muuqalka,bilicda iyo Jidadka Xaniban ee Magaalada, ugana qaadi weyday bacaha qashinka iyo saxaraduba ku jiraan,ee dhoobada iyo  Taa yirka Baabuurti ku walaaqeen Faras magaalaha Tog-wajaale isla markaana buux dhaafiyay gabiyada toga-wayn ee Degmada wajaale. iyadoo dhinaca kalena la ogyahay sida xoogga dhaqaale ee hawshaasi lagu qabanayo  loo ga helayo dadweynaha ganacsatada ah ee Reer Wajaale oo sida looga  qa ado cashuuraha ku waajibay, iyada oo ay diyaar uyihiin cid kasta oo wax la qabanaysa laakiin aanay jirin cid uu ku jiro fikirkii wax lagaga qaban  lah aa Mustaqbalka Degmadaasi Ganacsi, oo hadii aan wax laga qaban noqon doonta mid laga haajiro.

Dadwaynaha Reer Wajaale ayaa Dusha ka saaraya Masuuliyadda iyo Wax ka qabashada Bilicda Magaalad Wajaale,iyaga oo ka gaabiyay waajibaadkii ka saarnaa wax ka qaabashada Qashinka iyo Wadooyinka Xaniban  wakh tiyada Roobka oo halis ku ah Caafimaadka Dadwaynaha Degmada Wajaale.

Waxaa marag ma doon ah inaanay dadwayana reer Wajaale si dhab ah  ug ala xisaabtamin cashuurta laga qaado halka ay ku baxdo iyo waxa lagu  ce liyo wax ka qabashada Danta guud ee Degmada, iyada oo aanay ilaa  wak htii ay tuulada ahay ilaa imika oo ay dagmo tahay aanay lahayn xataa hal cusbitaal oo lagu daaweeyo bukaanka. Waxaana loola cararaa qofka uu ku yimaado xanuun ama shil ku dhaco Magaalooyinka Borame, Gabiley, iyo  Ma gaalada Jig-jiga ee kililka shanaad ee Ethiopia.taasina ay dhabar jab iyo  c eeb ku tahay Dadka sheeganaya inay Masuul ka yihiin Degmada ugu  Gana csiga wayn Somaliland iyo geeska Africa-ba.

Haddaba maxaa sababay in Magaalada Ganacsiga intaa leeg iyo lacagta  u gu badan Somaliland ka soo baxdo, waxba loogu qaban waayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo  adeeg yada kale ee muhiimka u ah nolosha bani aadamka. Waxay aniga fakir  aha an ila tahay, dawladu iyo Maamulka wajaale-ba way gabeen kaalintii ay ku lahayd degmada tog-wajaale, waxaana ugu wacan.waxa aan jirin cid kala xisaabtamaysa ama ku hadasha afka reer wajaale oo danta guud ka  had asha, qofkasta waxaa uu ka horaysiinayaa dantii guud ee Dadwaynaha dantiisa gaarka, waana ta ay Somaliland meel la gaadhi laadahay,  waaye elkeeda iyo waxgaradkeedii ayaa ka seexday wax ka qabashada iyo  Cawa aqib xumada ka dhalan karta Degmada tog-wajaale hadii aan wax laga  qa ban.

Cimilada iyo ciida Degmada Tog-wajaale ayaa ah Dhul beereed aad ujilicsan oo dega wakhtiyada roobka, halka jiilaalka iyo wakhtiyada xagaaga Siigada iyo dabayshu kala xidho deegaankaasi, waxay ku hal qabsadaan  dadway nuhu marka wajaale la soo hadal qaado “ama siblatay ama siigo ku  qaad ay” waxaana looga jeedaa waxay udhaxaysaa wakhti dhiidhidu kala xidhay iyo wakhti siigadu kala qariso. Waxaana looga baahnaa Ganacsatada iyo Dadwaynaha Deegaanka inay iska kaashadaan Sidii qof waliba uga bilaabi lahaa meheradiisa iyo gurigiisa inta ka horaysa, waxaana hubaal ah hadii uu qof waliba daboolo godka hortiisa ee biyuhu fadhiisanayaan ee  qashi nkuna ku dhex milmayo,inay gaadhi lahayd horumar la taaban karo. kaasi oo ay ka dhalan karaan cuduradda faafa. Waxaan lagama maarmaan ah in aanay waxba ka sugin Dawlad iyo Maamulka wajaale ee ku tartama sidii ay jeebabkooda uga fuudh yeeli lahaayeen danta guud ee Degmada kaliya ee ay ku faanto Ganacsigeeda Somaliland oo dhan ee ay dadwaynuhu  garta an waajibka ka saran Degmada Wajaale oo sanadahan danbe loogu  yeed ho (Dubia Africa) laakiinse nasiib daro kama muuqato bilicdii dubia iyo wax udhaw toona.

Waxyaabihii iigu layaabka badnaa ee aan wajaale ku arkay waxaa ka mid ahaa, mar aan dhawaan kormeer hawleed ku soo maray meelaha muhiimka ah ee dadwaynu ku kulmaan, mar aan marayay qolalka yaryar ee  Maam ulka Dawlada Hoose ee Wajaale deganyahay oo hortiisu noqoday ceelasha Biyaha oo kale baabuurtuna tumanyihiin oo laga saari kari waayay, iyada oo qashinka bacaha iyo garaabada qaadku isku walaaqmeen qadhmuunka iyo fool xumada halkaasina aanay dareemaynin Maamulka wajaale, markaa bal akhristoow adigaba aan kuu dhiibee qofka wax ka qaban waayay  guri giisa ama xafiiskiisa hortiisa wax ma uqaban karaa dadwayne kale.

Jawaabtu way iska cadahay baan umalaynayaa. Cabaar markii aan suuqa hore usii galay waxaan dhaafi kari waayay Biyaha fadhiya godadka  haroo yinka la moodo ee ka jeexmay Badhtamaha Suuqyada waawayn ee  Waja ale, inyar dabadeedna waxaan la kulmay baabuur wayn oo ku rogmaday Badhtamaha suuqa, ka soo horjeedka Meherada Samaale General Trading Company iyo Tayo phone Dhexdooda, halkaasi oo uu khasaare ku  gaad hsiiyay baabuur kale oo uu lahaa Samaale Company oo meherada hortiisa yaalay, waxaana sababay dariiq xumada iyo Godadka Ceelasha noqday ee aan cidina waxba ka qaban.

Isku soo wada duuboo nadaafadxumada xanuunadu ka dhalan karaan ee Tog-wajaale taalla, waxa ka masuul ah dadweynaha reer Wajaale oo kala xisaabta Cidii ay u igmadeen inay fuliso hawshaasi, dawladda Hoose ma dhigin qashinka, dhiiqida iyo saxarada bacaha oromada iyo sikraanku ku daadiyo Togga wayn ee Degmada wajaale, laakiin ay muhiim tahay inay  Fii ro gaar ah yeeshaan wax ka qabashada Bilicda iyo Danta Guud ee  Degm ada.

sidaa darteedna waa in Dadwaynaha reer Wajaale ka fikiraan sidii  magaal adooda bilicdeeda iyo Caafimaad qabkeedaba meel looga soo wada  jeeds an lahaa iyada oo aan wax laga sugin oo kaliya Dawlada hoose, laakiin muh i imadu tahay inay dadku ku baraarugaan sidii looga hortagi lahaa  musta qbalka iyo ilaalinta suuqyada Ganacsiga ee Degmada Wajaale, si ay  dadw ayaha iyo ganacsataduba ugu nagaadaan Deganaanshaha Degmada Tog-wajaale.


Wa bilaahi Tawfiiq.

 

 

Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Hargeysa Somaliland