YAA INA HABAARAY –DHAMMAAD

 


Waxaad moodaa in habaarki kacayba, kolka aad dhugato ood  d hegaysato soo-dhoweyntii Hargeysi ku qaabishay  Mushar axa  Madaxweynaha Gud. Axmed Siilaanyo. Waxa muuqatay  kalsooni da, qadarinta iyo rajada shacabi weynahu ku qabo hoggaanka  Kulmiye. Waxa wadhi raacday UDUB iyo madaxdii dhowrka jeer ku celcelinaysay hadalo deelqaaf ah iyo ceeb qaran oon geedna loogu soo gaban, ilaa gaadhsanaa…Silaa nyo waa inuu cafis wey diistaa…Dadweynahu wey marag fureen, waxayna  mu ujiyeen inay garasho iyo  d areen ka sareeya kuwa dacaayadda fidinaayey ay leeyihiin. Waxay tuseen in  ma rkhaati beenaale isna is ogyahay, kan uu u  fura yna ogyahay, iyana ay ahaayeen goobjoogyaal taariikhda si dhab ah ula socda, dadkuna u kala suntan yahay. Taasi waa guul qaranku gaadhay oo muujinaysa biseelka shacbiga.


Intaanan maqaalka u daadegin aan idin xusuusiyo kii hore. Qaybtii kowaad    wa xa an ku soo qaadnay micnaha cinwaanka iyo dhacdooyinkii fajaca badnaa ee ka soo birqamaayey Wasiiro midba mid burinaayo, una muuqday dad aan  laha yn hogaan u jiheeya hadaf mideysan. Waxayna dhacdooyinkaasi qaawiyeen habacsanaanta xukuumadda iyo hogaan door biday inuu daba-gucleeyo oo uu juuqdhowro  muca aridka halkuu dalka ka hogaamin lahaa, taas oo u muuqata inay qulubaa-gadiyeen wajibkii iyo xilkii ummaddu u igmatay, ooy u dhaqmaan siday yihiin xisbi mucaarad ah, madasha siyaasadeed debed iyo gudabana ay hagayaan xisbiyada  mucaaradku.

Bal taas ag dhig sida xisbinimada ah ee Ku-simihii Guddoomiyahu Muuse Bixi iyo  Ta lsika sare ee xisbigu ay isku-duubnaan iyo foojignaan u muujiyeen, siday u  abaab uleen dadweynaha, iyo siday shukaanta sayaasadeed ula wareegeen iyagoo  muc aarid ah, iyo kaalinta uu buuxiyey Gud. Axmed Siilaanyo oo  xilkasni madiisu  dhaaf tay inuu u doodo xisbi, bal se uu u tafaxeytay inuu qaranka uu u soo halgamay  a anu cidna ku halayn ee uu u talaabsado danta guud iyo  ictira a f-raadinta iyo  qiim eynta himilada shacbiga. Waa astaan wacan iyo bushaare ay isku hambalyeeyan dhammaan inta jecel Qaranka Soomaliland, kana naxeen cadow iyo danayste ku naaxa xaaraan-maalka iyo sharci darro.


Maqaalkan oon habaarka ku soo gunaanadi doono, waxa aan ku eegi bal  hay'a da ha kale ee dawladeed sida ay iyana u dhaqmaan, oo u eeg mid iyana habaar  hay sto.


GOLAYAASHA BARLAMAANKA


1- Golaha Guurtida

Waxa ayaamahan socday khilaaf si ku-soo-boota ah u yimid isagoo Gud.  Sulay maana dalka ka maqan yahay. Haddaba iyadoo ayna weli dhammaan, bal se la badh qabtay oo is-casilaadii Gud. Xigeenka la baajiyey, ayaan si guud wax uga  tilmaam ayaa qodob ay mas'uuliiyn iyo xubnha Guurtida qaar ku hadlayn.

Waxay leeyihiin xubno weliba raba inay xilalka ugu weyn ee Golaha qabtaan, G ola hau ma aha Gole siyaasi!

Xubnaha sidaas qabaa waa dar aan fahmin xilka ay hayaan, iyagoo ah Gole  bar la maan, oo shaci-dejin ah. Haddaan barlamaan iyo sharci-dejintu ahayn  siyaas ad , maba jirto siyaasadi. Waxay xubnahani ku gafeen dastuurka iyo hawshii  l oo  igm aday.


Malaha waxay u jeedaan Golahu ma aha xisbi. Waa dhab oo Golahani kuma  im an  h ab xusbi ee waxuu ku yimid hab beelaad, taasi se kama dhigeyso Gole ka duwan kan Wakiilada kolka loo eego hawsha ay hayaan. Weliba iyaga waxa u gaar ah  m as'uuliyadda ay sida quraanka u xafideen ee ku cad qodobka 83…kuna saabsan korodhsiimada muddada madaxtooyada iyadoo la raacaayo shuu radaha  qodobk aas ku cad. Waa maxay siyaasadda ka weyn inay noqdaan  ku wa muddada u  kor dhin kara mansabka dalka ugu sareeya. Sidoo kale ayey  ar rimaha nabadda oo ah qodobka ugu muhiimsan ee siyaasad dal leeyahay uu xil gaar ihi ka saran yahay.


Waxa waajib ah in xubnaha Guurtidu darsaan dastuurka ooy bartaan xilka  sar an iyo in hawshoodu ka weyntay ooyna ku koobnayn qodobka 83naad ee ay  si doo kale u gutaan wajibaadka ku cad qodobada kale oon qaar, halkan ku dhejin doono qodobka caddaynaaya xilkooda oo ah inay ka horeysiiyaan wax walba waxa ka mid ah:

QODOBKA 61AAD

AWOODDA IYO WAAJIBMDKA

GOLAHA GUURTIDA


1. Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, dhaqanka iyo nabadgelyada.

2. Dib-u-eegidda xeerarka Golaha Wakiiladu ansixiyo xeerka maaliyadda  mooya ane, waxaanu ku celin karaa Golaha Wakiilada hal mar, muddo 30 (soddon)  ma alm ood gudahood oo ka bilaabanta maalinta loo soo gudbiyo xafiiska Shir-gud doonka Golaha Guurtida, isagoo sababaha aragtidiisa qoraal ahaan ugu gudbinaya.

3. Ka-talo-bixinta dhalliilaha maamul ee Xukuumadda iyo ogaysiintooda Golaha  W akiilada.

4. Ka-gacan-siinta Xukuumadda arrimaha Ia xidhiidha Diinta, nabadgelyada, di faaca, dhaqanka, dhaqaalaha iyo bulshada; iyagoo kaashanaya madax­dhaqme edka beelaha.

5. U yeedhidda xubnaha Xukuumadda iyo wax-ka-waydjinta gudashada  xilkoo da.
 
6. Waxa kaloo Golaha Guurtidu awood u Ieeyahay inuu Golaha Wakiilada u  gud biyo soo jeedin mashruuc, si Golaha Wakiiladu uga doodo, go'aana uga gaadho.


Qodobada kale ee muhiimka ah waxa ka mid ah77 iyo 78 dhammaan qayaxaaya in Golahani yahay Gole siyaasi, ninka taas aan ku dhaqmini yahay nin aan fahmin waajibka saran iyo xilka uu qaaday.


2- GOLHA WAKIILADA


Inkasata oo Golaha ay curyaamisay wado-shaaqyn l'aanta iyaga iyo Guurtida iyo Golaha Fulintu si gaar ah madaxtooyadu, waxa ka muuqata gaabis iyo niyad jab aan loo baahnayn.

- Miisaaniyadda oo ah xil iyaga dastuurku si gaar ah u siiyey ansixinteeda iyo  x isaab celinta xukuumadda oo waajib ku ah, ilaa maanta wax wadwadaa ma  jir aan, kuwii hore si habaq ah oon lahayn raadraac iyo xisaab cad laguna dabogeli karo xukuumadda ayna jirin ayaa loo ansixiyey.

- Ansixinta Wasiirada. Waxay caadaysteen inay ku qancaan cid kasta oo la  h or-keeno, iyagoon baadhis waafii ah ku samayn CVga oon soo xajiijin amba  sha acin si dadweynahu uga marag furan waxa ay sheegteen. Ma jiraan su'aalo  da bogal leh iyo xaqiijin barnaamaj tooni. Xataa kuwa muddo-dhaafa wey sii  daa yaan. Waxay siiyeen Wasiir walba muddo 5mirir ah inay hadlaan ooy sheegaan taariikhdooda, deedna waxa lagu ansixiyaa gacan tag. Waa arrin ay ka muuqato xilkasnimo  da rro iyo dhayalsi.

- U-yeeddhista madaxda xukuumadda ma aha mid barnaamajkooda ka mid ah, si habaq ah ayey ugu yeedheen deedna su'aaalo ayey weydiiyeen  wax`dabosoc od ahna kuma sameeyaan. Cidda diida ma mariyaan sharciga oo dacwad kuma  ooga an. Taas oo ka dhigtay karaamadii shacbigu siiyey mid aan waxba ka jirin. Dunida dumuquraadiga ah, cid yeedhista barlamaanka diidi kartaa ma jirto, xat aa qof shacbi ah oon xil hayn, diidmaduna waa dambi xadhiga ugu yari yahay shan sano metal dalkan UK.

- Miisaaniyadda, iyo ansixinta Wasiirada iyo hawlkha culus ee ay u foodaan, wa xa habboon inay miisaan u yeelaan ooy ka daayaan gacan tag, bal se ay  noqo to mid qarsoon oo warqad sanduuq lagu rido ah…waa habka ugu habboon ee qofku uu u codeeyo damiirkiisa, amba dhaameel ha qaato siday sheegaan amba yuuna qaadane.

- Labada Gole Wakiilada iyo Guurtidu waxay ka siman yihiin inay iska moosi kari-waayeen farogelinta Golaha Fulinta, iyo inay ka baaqdeen waajibka dastuuriga ah ee ah inay la xisaabtamaan Golaha Fulinta iyagoo wakiil ka ah sahacbiga.

Waxa muuqata sax iyo qaladba in xubnahu u kala baxeen muxaafid iyo  mucaa rid. Kolka sharci jabin iyo musuq laga doodaayo arrintu waa mid qaran oo ka weyn xisbi iyo is-garbin.

- Gole-fadhiisigooda oon ka badnaan in kooramka la buuxiyo ilaa ay jirto arrin dhaameel waa sida ay afkooda ka sheegaane.

- Asluubta Golha oo aan sharci la marin, ilaa ay gaadho in yooyootan iyo xataa bastoolad la soo baxa aan ciqaab la marin. Kolka Golahu sharcigiisa fulin waayo, siduu u dhowri karaa sharciga qaranka?


3- Waaxda Garsoorka


- Waa Waaxda ugu fadhiidsan, hawsha qarankuna ku hoobatay. Xilalka ay  hay aan taliska boliska, xeer-ilaalinta iyo maxkamaduhu, waxay noqdeen qaar hoos taga halkii laga ilaalin jiray, waxa ay noqdeen gacan u adeegta Golaha Fulinta (Xukuumadda), si gaar ah Madaxtooyada..

- Waxaad maqlaysaa boliska oo leh hebel waxa na amray inaanu xidhno..Wasiir hebel…waa gef iyo dambi ay qiranayaan bolisku, una baahan in sidiisa loo sheego, ciqaabtana la mariyo iyaga laftooda.

- Sidoo kale ayey u dhaqmaan Xeer-ilaalintu oo ma aqbalaan dacwad ayna  ma daxa u ruxin Madaxtooyadu, imisa dacwadood ayey qadimeen mucaaridku oon  mid na galkii laga furin. Iyana waxaay galayaan dambi la-xisaabtankiisu sugaaya.

- Sidoo kale ayey yihiin maxkamadahu, wax kale iska daa ee maamaulkooda ilaa erigooda waxa walaaqda Wasaaradda Cadaaladda, kolka dastuurku u  sameey ey hawshaas `Guddiga Cadaaladda..haddaba kolka ,maxkamaddu  maamaulkee da ilaa eriga xukaamta ay si sharci darro u fulinayso, ma cid kale ayey sharci marin kartaa? Hadduu xaakimku ogalyahay in si sharciga ka baxsan loo eryo ma cid kale ayuu sharci ugu hiilin karaa?


Habaarku intaas kuma koobna oo waxa ka mid ah shaqaalaha iyo ciidamada   da r ajo la'aanta ku hawl gala, haddana sida xaq-darrada ah farta loogu yeedho, lagana dhigto gacanta sharci darrada fulisa. Waxa ka mid ah idaacadda  qarank a iyo Tvga cayda iyo ceebeenta caadaystay. Iyana waa dar gees maray xaq dastuurku siiyey ee madaxbanaanida ah. Waana mid lagala xisaabtami, ooyna noqonayn waa ley amray mid ka badbaadin karta kolka xaqqu soo laabto.

Cali Doob-ilkoole ayaan ana maalin kale weedhii uu yidhi ku ceshay…"waar  Cali yow manta ayaa anna habaarkii deyrka iiga soo dhacay..". Waxay ahayd  maa lintii Cali-Guray UDUB ku biiray, waxaan se raacsaday.."Tolow Cali siduu UDUB ula shaqayn.", anigoo la yaaban sida arrintani u dhacday welina aan garan, ha ddana maanka aadmiga lama maleeyo…


Yaa ina habaaray, waxay tahay weedh kolka waxaadan fileyn oon marna  maan kaaga ku soo dhicin, ood weydo meel aad u af-saarto iyo meel aad ku tiiriso, ayey noqonaysaa meesha keliya eed u riixi karto.

Habarka aan ku soo jarno duco aynu wadajir u ducaysano oon Alle barino inuu habacsanaanta naga dul-qaado, inuu naga yeelo kuwa `xaqqa arka, ku camal fala kuna dhaqma. Allow daalin, beenaale, iyo laaluush cune naga xoreeye. Allow naga yeel kuwa aan damiirkooda la baayicin.Aamiin.


Dhinaca kale fariimo badan ayaa igaga yimid akhristayaasha oo iga dalbay  ina anan joojin maqaaladii ahaa CODKAAGA KU CIIL BAX… iyagoo leh waa ishaaro xun ee ha joojin, oo yaan xaalku noqon CUDUDAADA KU CIIL BAX…waan qaatay waana sidii hore iyo innagoo ku toosan sidii loo heli lahaa in CODKAAGA AAD KU CIIL BAXDO…toosi cid kasta oo arrinkaas hor-taagan, buuxi meesha madhan, taageer cidda u hawlan, kana qabo kuwa carqaladeenaaya…waa inoo  dooras ho xalaal ah oo xaq ah, mid kii Codkiisu Cadowga ku Noqday ku ciil baxo, mid ay ku rumowdo himmilada shacbiga si walba u haraadani, ka qatan qabnigooda, ka qaawan tacliin, kana fog cadaalad iyo sinnaan.


Waa inoo maqaal kale Insha Allah,

 

 

 

Ahmed Arwo
samotalis@gmail.com
Join SAMOTALIS at:
http://www.facebook.com/pages/SAMOTALIS/238585618589?ref=nf
http://samotalis.blogspot.com/