XUSKII 18 May oo lagu qabtay Magaalada Helsinki
ee Dalka Finland


 

Finland May 15 2010 (TNN)-- Munaasabad ballaadhan oo loogu dabaaldegayo maalinta la soo  n oqoshada madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu qabtay masraxa rästis oo ku yaal magaala madaxda wadanka Finland ee Helsinki.Xafladan oo ay u dhamaayeen  dhammaa nba qaybaha kala duwan ee bulshaweynta reer somaliland ee ku dhaqan dalka Finland yar iyo weynba oo ay qabanqaabisay Jaaliyadda somaliland ee dalka Finland.Xafladan waxaa  daadihina ayey Warda Axmed iyo Axmed cabdiraxman.

Gudoomiyaha jaaliyadda somaliland Xasan cali sadexle ayaa furay xafladda,kuna soo  dhaweey ey dadwaynaha iyo martisharafta ka soo qayb galay xafladda.

Bilawgii xafladda waxaa wacdi diini ah ka soo jeediyey Liibaan yaxya Ibrahim; wacdiga oo ka  ko obnaa tilmaamo uu u jeediyey dadweynihii munaasabadda ka soo qayb galay gaar ahaan  dhalli nyarada inay dhaqankooda ilaashadaan waxaa uu si faahfaahsan uu cashar uga bixiyey  waalli diinta iyo xidhiidhka ay la leeyihiin carruurtooda.

Munaasabadda waxaa khudbado taariikhda somaliland lagaga waramayo ka soo jeediyey Xasan Nur kagana waramay taariikhdii hore iyo tan casriga ee Somaliland.Foosiya xandulle oo iyana  d hammaystir ku samaysay qaybaha taariikhda somaliland, Canab Axmed Goox oo ku hadashay  m agaca haweenka reer somaliland ee wadanka Finland iyo kaalinta ay kaga jiraan marxalad  wal ba oo dalkeennu soo maray.Maxamed Axmed ayaa ka hadlay waayaha dhallinta qurbaha.

Gudoomiye ku xigeenka jaaliyadda Cabdillahi Adan Roble, ayaa Xafladda ka tiriyey gabay ka  wa ramaya taariikhda,astaamaha calanka,Halgankii iyo halka ay marayso maanta somaliland. cabd illahii oo ah suugaan yahan dhaqan yaqaan ah ayaa aad ugu riyaaqeen suugaantiisa ka soo  qa yb galayaashu,dhallinayaradana cashar lama ilaawaan ah u noqday.


Waxaa xaflada lagu gudoonsiiyey Koobka Kubadda cagta(kooxda Järvenpää) oo ku guuleysatay tartan lagu xusayey 18ka May ayna u tartameen kooxaha kubbada cagta ee dhallinyarada reer somaliland.

Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay bandhig- faneed , kana koobnaa riwaayad ay aad u jeclaysteen dadweynahu iyo halxidhaalayaal , heeso iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo ay soo bandhigeen garabka dhallinyarada ee jaaliyadda Somaliland (SOlAY) ee wadanka  Finland Barnaamijka dhaqanka oo uu tababaray dhalinyarada gudoomiye xigeenka Jaaliyadda  Cabdilla ahi Adan Roble.

Dhinaca Heesaha iyo muusiga waxaa qayb weyn ka qaatay kuna farayaraystay kooxda  (Somali land band).

Gudoomiye ku xigeenka cabdillaahi adan Rooble ayaa gebegabadii munaasabadda uga mahad celiyey dhammaanba maritisharaftii ka soo qayb galay xuska 18ka May ee  sanadkan. Islamark aana Fariin hambalyo ah u direy ummadda reer somaliland meel kasta ee ay joogaan.

Munaasabadan oo ay aad ugu bogeen dhammaanba dadweynihii ka soo qaybgalay iyo marti  sh araftii kaleba.waxaa gabayo calanka ku saabsan iyo xornimadena ka soo jeediyay iyana aadan iyo faarax oo labaduba gabayo qiiro leh ka jeediyay madashaas.

 

 

 

 

Adan Yuusuf
Freelance Journalist
Helsinki Finland