Siday u dhacday Xafladdii Xuska 18 May ee
Magaalada London?

 

London (TNN)-Waxa ay ahayd madal loogu talo galay inay ka dhacdo xafladii 19 guradii ka soo ware egtay gooni isutaaga Somaliland oo lagu qabtay bariga magaalada London.

Sidaynu la wada soconayba waxa baryahaaba la hadal hayey Xafladda Xuska 18 May ee ka  dhaca ysa Magaalada london inay noqonayso mid aan hore loo arag, iyadoo markii hore la sugayey in ay Laba xafladood laakiinse ay isku noqdeen xaflad kaliya , taasi oo farxad wayn gelisay dadweynaha ku dhaqan wadankan Ingiriiska oo jaanis u helay inay goob kaliya ku xusaan Xaflada 18 May, hada ba siday Xafladaasi u dhacday?.


Jawaabtu waxay tahay inay Xafladaasi dhicisowday iyo dadweynihii ka soo qayb galayna ay ku kala tegeen cadho.

Waxa ay ahayd madal loogu talo galay inay ka dhacdo xafladii 19 guradii kasoo wareegtay gooni isutaaga Somaliland oo lagu qabtay bariga magaalada London, dadku waxa ay safaf dhaadheer sii galeen dhawr saacadood ka hor wakhtigii loogu talo galay inay xafladdu qabsoonto iyadoo dad weynahaas sharafta leh ee ay ka muuqatay wadaninimo albaabada loo furay ka wakhti danbe oo saacadda lagu qiyaasay 12 Habeenimo.

Markii dadkii waxoogaa galeen waxa dhacdey in qalalaase uu ka dhacay dibadda oo la sheegay in laysku laayey kadibna ay soo faro galiyeen Policeka dalkani iyagoo sugaaya amaanka.


Waxa aan ka mid ahaa dadkii ugu horeyey ee gudaha galay aniga oo uu iwehliyo Tifaftiraha Guud Shabekkeda caanka ah ee Oodweynenews CabdirashId Jaamac kaahin ,waxana ii suurowday inaan ogaado jawiga iyo inaan dadka su'aalo ka weydiiyo sida ay u arkaan Xafladan Caawa , dadweynahaas oo u soo diyaar garoobay xafladaas si heersare ah oo ay qurux iyo wadaninimo ka muuqato, waxaanay ka kala yimaadeen Nawaaxiga Magaalada London, Gobolada UK, iyo meelo ka mid ah qaaradda Yurub.

ahaanba waxa ugu wacnaa inaanay xafladaasi qabsoomin Maamul xumo iyo dad nabada ilaaliya(Security) oo aan badnayn, waxa gudana qadar yar madadaalinayey Iid Batalaale oo intii aanu dhameyn ay Policeku madashii Albaabada u xidheen noqoteyna wixii lasoo waday Hal bacaad lagu lisay.

 

 

 

 

 

Hamse Ahmed Salaan
London UK
hamse100@gmail.com