Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada Ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qormadii: 2aad

Miyaad ka
war-qabteen cadawga?
Yuusuf Meydal Cumar isaga oo meel fog oo hortiisa ah eegaya anna is-leeyahay
muuqaalladii maalintaas ayay hadba sidii hillaaca u soo maraya, ayuu
iigu jawaabay:
“Waxaanu ka war-qabnay dareenka guud sidii uu ahaa, wararkii ay na
siinayeen dadkii reer miyiga ahaa ee aanu la degganayn iyo aniga oo
arkaynay in ay naga dul guurayaan oo dareen galay. Waxaanu
dareensanayn in ay dadku wararka ka helayeen Qol-buulalle oo ay ka
war hayeen in meesha lagu soo kordhay. Sidaa awgeed ayuu dareenka
nagu jiray u ahaa in uu weerar na qabsan doono.”
Halkaa markii uu marayay, waxaan Yuusuf Meydal Cumar ka wareystay
goortii la soo weeraray iyo laxaad-beenaadkii cadawga la soo
majaro-habaabiyay. Sidan ayaan maalintaa su’aasha ugu dhigay:
Goor ma ayaa la idin soo weeraray?
Mujaahid Yuusuf Meydal Cumar isaga oo magan u ahaa xusuustiisii
dihineyd ee maalintaa iyo goobtaa taariikhiga ahayd, wuxu si
kalsooniyi ku dheehan tahay iigu jawaabay:
“Waxa nala soo weeraray markii ay saacaddu ahayd 1.17 daqiiqadood ee
gelinkii danbe. Waxaanu ahayn saddex Urur. Waxaanu ahayn Ururka 1aad
oo Cabdirasaaq Maxamed Cali haystay, Ururka 2aad oo Cabdikariim
Xaashi haystay, Ururka 3aad oo Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) Taliye
Urur u ahaa, taliye guudna uu saddexdayada Ururba u ahaa”
Bal hadda aan eegno Mujaahidiintii goobtaa cadawga ku haleeshay
sidii ay u hubeysnaayeen. Waa kan Yuusuf Meydal Cumar oo aynu
gaaxdiisii sii maallaa, waxaanu intaa hore ku kabay:
“Hub waxaanu ka haysannay hubka fudud ee loo yaqaan ‘small arms’.
Waxa noogu weynaa qoryaha loo kala yaqaan sebenka iyo BKM-ka. Waxa
kale wuxu ahaa qoriga AK-ga ahaa ee aanu Dugsigii Tababarka kala soo
baxnay kaas oo loo yaqaannay ‘Nuur-Madoobe.”
Haddii ay Mujaahidiintii naf-hurka iyo geesinnimada aan wax loo
dhigaa jirin ku dagaallamaysay sidaa uu Yuusuf Meydal Cumar sheegay
u hubeysneyd, ciidammadii cadawga ee hooyo-boobyada ahaa maxay ku
hubeysnaayeen. Waa tan war-bixin laga soo xigtay Ibraahin Kood-buur
oo uu soo tebiyay Yuusuf Meydal Cumar waxaanu yidhi:
“Sidii uu ku war bixiyay Ibraahin Kood-buur, cadawgu wuxu ka koobnaa
500 oo askari. Waxay wateen gawaadhida gaashaaman oo ahayd 10
Beebbee, 4 Jiib, 2 Shilke, 2 Zuu iyo laba Toyote oo xanbaarsanaa
laba qori oo ‘Brown’ ah.”
Waa halkii maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawiye aan idhaahdo:
“Haki Maxamed Genyada,
Hasha Goray u yeedh-yeedh,
Godol oo u gaal-gaal,
Gabantana ka yara celi,”
Bal hadda sheekadaa ka yara nasta ama haddaad doontaanba ku yara
raasukha oo inta aan ka rogo aan laba saaro. Maxay xilligaa SNM ku
sugnayd? Ma u baahan tihiin in aan sawir guud idinka siiyo si aad
sheekada isugu xidhataan. Waxay ila tahay in jawaabtiinnu tahay haa.
Waa tahay. Bal hadda tanna dhegta u raariciya ama indhahaba ku
daalacda.
Waxaynu ka hadlaynay 17kii Oktoobar 1984kii oo ku suntan Maalinta
Shuhadadii SNM. Weliba manta waa 25-guuro oo maalmaha iyo
sannadahaba kuma jirto. Ilaahay baa inagu simay. Maalintaa 72
maalmood ayaa laga joogay Shirweynihii 4aad ee SNM oo ka furmay
magaalada Jigjiga Xaruntii Gaaskii 10aad ee Ciidammada Itoobiya.
Shirweynahaa 4aad wuxu furmay 6dii Ogos 1984kii. Shirweynahaa 4aad
Shahiid Cabdilqaadir Koosaar Cabdi ayaa xilkii Guddoomiyennmo ku
wareejiyay Axmed Maxamuud Siilaanyo. Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye,
Lixle, wuxu ka mid ahaa Guddidii Fulinta ee markaa xilka wareejisay
isaga oo gacanta ku hayay Ciidammada Xoreynta ee SNM. Haddii aanay
xusuustaydu I dagayn Shirweynahaba kama soo qayb-gelin oo wuxu ku
sugnaa oo la joogay Ciidammada Awaare ku tabobaranayay.
Dugsigaa Tababarka ee Awaare waxa la furay bishii Abriil 1984kii oo
halkaa ku qabsoomay Kal-fadhi Gole Dhexe oo go’aammo badan oo dhaxal-gal
ahaa lagu gaadhay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:
1. Calankii SNM oo markii ugu horreysay la oggolaaday,
2. Awaare oo laga dhigay Xaruntii Ururka SNM,
3. Awaare oo markii ugu horreysay laga furay Dugsigii tababarka
Ciidammada,
4. La-wareegidda baabuurtii Toyotaha ahayd ee dadweynuhu lahaa si
qoryo loo saaro, iyada oo markiiba halkaa lagu soo xereeyay ila 64
baabuur oo Toyota ah,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale
cankaabo@hotmail.com
(La soco……………..)
Posted by : Cali Cumar Xasan
|