Xuskii Sanad guurada 18-ka May ee Naadiga Akhriska Timacad de iyo
Bandhiga Buuga Sooyaalka Taariikhda Somaliland ee 1960-kii ka hor
Hargeisa (TNN)-Xaflad Balaadhan oo isugu jirtay Bandhiga Buugga
Sooyaalka Taariikhda Somalilan d intii ka horaysay 1960-kii oo uu
Qoray Gudoomiyaha Ururka Qorayaasha somaliland Sayid Maxa med Yuusuf
(Dhagey) iyo Dabaal Degga Maalinta Qaranimada Somaliland 18-may oo
Xalay lagu Xu say Hotel Summer time ee Magaalada Hargeisa
Xafladaasi oo ay soo Qaban qaabiyeen Naadiga Akhritayaasha Timacadde
ayaa Waxaa ka soo qay b galay Qoraaga Caanka ah ee Boobe Yuusuf
Ducaale, Qoraa Xasan Cabdi Madar, Abwaan Axmed Awgeedi Dheeraad,
Xoghayaha A iyo Dhalinyaro kale oo tiro badan.
Isu Duwaha Naadiga Timacadde Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
oo furitaankii Xaflada had al kooban ka jeediyay ayaa ka Warbixiyay
Ujeedada Naadiga Timacadde loo Aasaasay iyo Ka alinta ay kaga jiraan
Bulshada reer somaliland, Mustafe Waxa kale oo uu sheeegay in
Naadigu Fariin Ham balyo ah udirayo Shacabka Reer somaliland
munaasabada Xuska Sanadguurada 20-aad ee ka soo Wareegtay Gooni isu
Taaga Jamhuuriyada Somaliland.
Isaga oo Arimahaasi ka hadlayana Waxa uu yidhi ““Naadiga Akhriska
Timacadde Waxa uu Hamb alyo u Diraynaa Shacabka Reer Somaliland Meel
kasta oo ay joogaan munaasabada 18-ka awge ed waxaanu u rajaynaynaa
in Illaahay Sanadka Sanadkiisa inagu Gaadhsiiyo Nabad qab, Horum ar
buuxa iyo Ictiraaf ay Caalamka ka hesho, 18-ka May Waxey Ku Timi
Geesiyaal Badan Oo Naftoodii u Hurey Qiimaha Qaranimo Ee Maanta Aynu
Heysano , Waa In aan Munaasibadan ugu Ducayno Boqolaalkii Geesi Ee
Somaliland u Hurey Naftooda , Iyo Kunanaanka Caruur Ah Ee Ku
Agoomoobey Xornimada Iyo Xoriyadan Qaaliga Ah ee maanta aynu ku
naaloonayno, Waa Maalintii Gobanimadii 26 june 1960kii luntay la soo
ceshay.Waa Maalintii Beelaha Reer S/land ay ku heeshiyeen inay
Noqdaan qaran ka madax banaan wixii somaliya laysku odhan jiray,Waa
Maalintii la dhaxlay dhiigii Geesiyaashii ka dhiidhiyey Rajiimkii
Maxamed Siyaad bare, Waa Maalintii Dhidibada Loo tagay Qaranka aan
maanta hoosjoogno”
Mustafe C/raxman Caydiid oo isagu ahaa soo jeediyaha Buuga ayaa si
faahfaasan u soo koobay una Sharaxay ayaa waxa uu hadalkiisa ku
bilaabay “Marka hore waxaan jeclastay inaan ogaado muhiimada ay
leedahay inuu qofku ogaado tariikhdiisa gaar ahaan marka aan anigu
buugan akhriyey iyo ka hor is bedelkii aan isku soo arkay ayaan
jeclaan lahaa inaan dadka u sheego intaanan buugan tariikhda ku
xusan bilaabin markii hore intaanan buugan akhriyin runtii wax badan
kamaan aqoon taariikhda Somaliland laakiin waxaan ahaa Ardey
Somaliland wax ku baratay, waxaana lanoo dhigi jiray wax u badnaa
taariikh aanay lahayn Somaliland, waxaanan aad u xasuusinayaa dadka
muwaadiniinta ah inay aad u muhiim tahay ogaanshaha Tariikhda
Somaliland, oo qofku marka uu taariikhdiisa ogyahay waa qof meel ka
socda meelna u socda, laakiin qofku marka aanu taariikhdiisa ogayn
waxa weeyaan qof aanu meel uu ka socdo lahayn. Buugani waxa uu
iskugu jiraa sadex cutub, cutubka koowaad waxa uu ka sheekaynayaa
sooyaalkii taariikheed ee soomaalida , xidhiidhkii Soomaalida iyo
faraaciiniyiinta, marka aynu ka sheekaynayno ilbaxnimada
faraaciiniyiinta waxaynu ognahay inay ahaayeen ilbaxnimadii ugu
weynaa ee dhulka soo maray oo aad wax badan maqasheen, markaa
xidhiidh badan baa ka dhaxayn jiray Soomaalida iyo Faraaciniyiinta,
waxaanay Soomaalida u yaqaaneen laba magac oo kala ah Puntland oo
magaceedu noqonayo dhulkii uduga iyo Land of Gods oo noqonaya
Dhulkii Ilaahyada, aniga marka la eego cilmi ahan ama aan buugaag
badan akhriyay waxaan is idhi Faraaciniiyiintu waxay ka tageen sida
taariikho badan oo imika soo baxayaa sheegayaan dhulkan Soomaalida
oo waxay raaceen wabigan Niilka oo markii dambe Ilbaxnimadoodu ku
salaysnayd, markaa Soomaalidu raad aad u weyn bay lahaayeen oo
dhulkeena waxa jira waxyaabo badan oo loogu yimid inay
faraaciniyiintu dhulkeenan xidhiidh adag la lahayeen, Dhulkan
Soomaalida markaad eegto waa dhulkii ay ugu soo horaysay Diinta
Islaamku, oo Boqortooyada ka dhisnaan jirtay Awdal loo wareejiyay
Herar, aniga oo aan waxba ku sii dheeraanayn, sadexda cutub ee
buugani ka kooban yahay waxa ka mid ah bilawgii Magaalooyinka
Somaliland oo Somaliland waxay leedahay magaalooyin aad u qadiimi ah
sida Magaalooyinka Berber a, Saylac iyo Magaalooyinka ka bilaabmay
Bariga, oo magaalada Saylac waxa jira raadad muujinaya
boqortooyooyinka qadiimiga ah ee soo maray kuwaas oo ay ka mid
yihiin Masaajidka labada qiblo leh ee loo yaqaano qiblataynka oo
Boqortooyadii gobolka Awdal oo soo martay marxalado kala duwan oo
ilaa ku soo dambaysay Axmed guray, faahfaahinta intaa ka badan
waxaan u dhaafi doonaa dadka akhriyi doona. Cutubka labaad waxa uu
sheegayaa soo galistii Ingiriiska ee Somaliland, ingiriisku goortuu
yimid iyo siduu Somaliland ku soo galay heshiiskii dhex maray
Ingiriiska iyo Somaliland ayuu ka sheekaynayaa, waxa kale oo uu ka
sheekaynayaa gaadhsiintii maamulka ee Ingiriiska sida uu u soo dhex
galay iyo wakhtigii ay ku qaadatay, waxa kale oo iyana ku jirta
saldhigii u horeeyay ee ingiriisku ka sameeyay gayiga Soomaalida,
sidoo kale waxa ku jirta dagaalkii dhex maray Sayid Maxamed Cabdule
Xasan iyo Ingiriiska, waxa kale oo ku jirta wax qabad la’aantii
Ingiriiska, halkan waxa ku cad markuu Ingiriisku arkay inay
Soomaalidu u qaybsan tahay qabiilo oo aanu jirin maamul dhex ah oo
ka shaqeeyaa waxaan u malaynayaa sida uu qoruhu sheegayo inay sabab
u ahayd wax qabad la’aantii Ingiriiska.Cutubka sadexaad ee buuggani
waa halgankii gobonimo doonka, isaga oo ku xusaya qoraagu Sayid
Maxamed Cabdale Xasan , oo gobanimadan aynu maanta haysano dhibtii
loo soo maray, murankii dhulka hawd oo ah Resrve area iyo sidii uu
Ingiriisku ugu wareejiyay Itoobiya dhulkaa Somaliland way ku xusan
tahay, waxa kale oo iyana ku jirta bilawgii Saxaafada Somaliland,
Saxaafada Somaliland waxay leedahay taariikh dheer ilaa laga soo
bilaabo 1949 waxay saxaafadii ugu horeysay ee Somaliland oo ka soo
bixi jirtay dalka Yemen wargeyskii la odhan jirya Al soomaal oo
cadan lagu daabaci jiray, laakiin wargeyskii ugu horeeyay ee lagu
daabaco Somaliland magaciisa waxa la odhan jiray Aliwad, waxa kale
oo iyana ku xusan bilawgii waxbarashada casriga Somaliland, sidoo
kale waxa buuggan ku xusan maansadii caanka ahayd ee kaana siib kana
saar, waxa ugu dambeeya cutubka maansada Sooyaalka intaa wixii ka
faahfaahsan waxaan u dhaafi doonaa akhristayaasha, waxaanan
aaminsanahay inuu buuggan qofka akhriya ka dhigi doono qof reer
Somaliland ah oo sax ah” ayuu ku soo koobay hadalkiisa Mustafe
C/raxman Caydiid.
Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Qorayaasha waaweyn ee Reer
Somaliland oo madashaasi ka hadlay ayaa dhambaal hambalyo ah u diray
umadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isaga oo ugu
hambalyeeyay labaatan guurada ka soo wareegtay la soo noqoshadii
xornimada Somaliland ee halawday sanadkii lixdamaadkii.
Qoraaga oo hadal dheer halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu ku
bilaabay“Dhamaan Umadda Somalil and waxaanu ku hambalyaynaynaa
20-guurada ka soo wareegtay 18-ka May oo Burco lagaga dha waaqay
1991-kii oo aynaan maalintaa malayn karaynin oo aanay biyo jirin,
laydh jirin. Waxaan doo nayaa in aan inyar yara soxo in kasta oo
aanan buuga wada akhriyin laakiin aan yara akhriyay intii aan halkan
fadhiyay, waxaan doonayaa in aan in yar saxo taas oo ah Saxaafada
Somaliland sidii ay ku soo bilaabantay, waa run oo jariiraadii u
horaysay ee halkan ka soo baxda oo todobaadle ahayd oo af carabi
ahayd waxa lagu soo daabaci jiray Cadan, dabeedna iyada oo daabacan
ayaa halkan la keeni jiray xaflaha iyo tafaftiruhu waxa uu ahaa
Maxamuud Jaamac Uur-Doox Naxariistii Jano ALLE ha siiyee, dadkii
halgamayaasha ah buu ka mid ahaa Xisbigii SNL buu ka mid ahaa, mida
kale ee aan doonayo inaan saxo waxa weeyaan ninka aanu walaalaha
nahay ee halkan ku qoran ee Axmed Yuusuf Ducaale oo halka ka soo
jeediyay inuu tafaftire ka ahaa Jariiradii Al ilwaad, waxa tafaftire
ka ahaa Axmed Maxamed Guuleed oo Axmed Jimcaale”
Qoraagu isaga oo hadalkiisa sii watana Waxa uu yidhi “Axmed Jicmaale
oo ahaa Guddoomiyihii u horeeyay ee SNL oo ahaa Badhasaabkii u
dambeeyay ee la doorto Magaalada Hargeysa, oo la xidhay ka dib
markii uu inqilaabku dhacay, Axmed Jimcaale Bishii January
labadeedii 1992-kii ayaa waxa uu ku dhintay Magaalada Qaahira,
ninkaasaa ahaa waliya taxriir Axmed Yuusuf Ducaale Segretar Taxriir
buu ahaa.Intaasii waa sixid, marka aad is weydiiso maxaa wax badan
loo qori waayay wax kale maaha dul qaadkaa dadka ku yar, waayo
markaad imika is tidhaahdo 18-kii May wax ka qor ilaa 1991-kii
hadaad maktabad ka weydo waxay kugu kalifaysaa inaad woxoogaa yara
soc socoto dhawr hebel u tagto, dadkaa aad u tagaysana way ku
adagtahay inuu ku yidhaahdo waxaa ma garana wuu ku jiidhsiinayaa oo
wuxuu ku odhanayaa waa sidaa iyo sidaas markaa waxay ku kalifaysaa
inaad qof kale iyo qof kale u tagto, taasina waxay doonaysaa dul
qaad ILAAHAY ayaa og dhibtaad u marayso waxaad qorayso ilayn
dhikshineeri aad ka eegaysaa ma jire e qoraalkuna dulqaad ayuu u
baahan yahay, akhriskuna isaguna dulqaad ayuu u baahan yahay .Waa
arin wanaagsan inay intaynu isku nimaadno aynu saxno wixii gal
daloolooyin ku jira, meel la joogana halkanaa ugu wanaagsan, waxaan
idiin sheegayaa anagu waanu iska sii soconaaye Timacadaa mar uu
Dhalinyarada la hadlayey ayaa waxa uu yidhi idinkaa dhaqaalaha
wakhtigu yah ay dhigiinii, markaa haddii aad garan waydaan wakhtigu
qiimaha uu
Qoraaga Caanka ah ee Xasan Cabdi Madar oo ka mid ah ururka
Qorayaasha Somaliland iyo Abwaan Axmed Aw Geedi Dheeraad oo iyaguna
Xafladaasi ka hadlay ayaa Mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Naadiga
Akhristayaasha Timacadde oo Xafladaasi soo Qaban Qaabiyay waxaanay
Si Qoto dheer uga Hadleen Sooyaalkii Taariikheed ee lixdankii
Somaliland soo martay iyaga si Cilmiyaysan u faaleeyay Buuga uu
Qoray Sayid maxamed yuusuf.
Xafladan oo aad u balaadhnayd ayaa waxaa iyaguna Faalooyin ka
dhiibtay Buuga Dadwaynihii ka soo Qayb galay iyaga oo Su,aalo ka
waydiiyay Qorayaasha madasha Fadhiyay.
Sacad Muuse
Hargeisa/somaliland
timacaddereaders@hotmail.com
|