Xuska 25-Guurada Maalinta Shuhadada ee SNM
17/10/1984kii – 17/10/2009
Qaybtii Kowaad

 

 

Waa 25-guuradii xuska mujaahidiintii ku shahiiday jihaadkii xaqa ahaa ee SNM, oo uu isku soo dubariday, Muj, Boobe Yuusuf Ducaale.



“Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,
Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com

Qormadii: 1aad

Giblo iyo mashxarad…Gelbis iyo ciyaar….Gardaadinta guul ku timid xinjiro gobo’ yidhi iyo nafo ku go’ay goobo sharafeed……Xuska geesiyaal u shahiiday geyi dadkii ku uummanaa gumeysi ku habsaday…..Gallad iyo abaal intii halganka guddoonsatay….Intii gabannadoodii u soo xidhay ee u sadqeysay…..Intii u gurmatay…..Intii garab iyo gaashaanba u noqotay……Intii gunyada u hurtay…….Intii gumuca iyo gasiinkaba aan ka hagran…….Intii gunnaysay…..Intii gargaartay…..Intii aan gabban ee ka badheedhay…..Intii ka gabayday…..Intii ka geeraartay…..Intii guubaabo iyo goohba la soognayd….Intii gudaha ku sugnayd…..Inti qurbaha ku go’doonsanayd……Intii geela raacaysay……Intii gasiinka beeraysay…….Dheddiggii gurmaday….Lab gadoodsanaa…..Gurbood ciillanaa.

Xuska maalin sharfan oo si qiimo iyo qaddarinba leh ugu xardhan bogagga  taari i khda ma-guuraanka ah. Xusuusta geesiyaal naftoodii u sadqeeyay  dibuxorey nta dal iyo dad gumeysi aan meel fog ka imani ku habsaday.

Waa 25-guuradii ka soo wareegtay maalintii la isku haleelay Burco-duurrey  17/10/1984kii. Waa 25-Guuradii Maxamed Xaashi Diiriye Lixle iyo geesiyaashii la shahiiday maalintaa ee Burco-duurrey iyo Lafta Ceelka Reer Xasan ka dagaal galay. Waa 25-Guuradii maalintii ugu shuhadada badnayd halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Maalintaa waxa shahiiday ciidan dhammaa 57 shahiid oo ku kala qudh-baxay laba goobood oo la isku haleelay: Burco-duurrey iyo dagaalkii dhabar-jebinta ahaa ee Lafta Ceelka Reer Xasan. 26 Mujaahid waxay ku shahiideen dagaalkii dhabarka, 31na waxay ku shahiideen Burco-duurrey. Dagaalladaas oo dhacay 17kii Oktoobar 1984kii oo maalin Arbaca ahayd markii hore Burco-duurrey waxa laga soo qaaday 29 shahiid, subaxnimadii Khamiistiina waxa la keenay Rabaso meydkii shahiid Lixle iyo Mujaahid kale. Sidaas ayaa Rabaso loogu aasay maalintaa 57 shahiid. Waa 25-Guuradii maalintii Rabaso lagu aasay shuhadii ugu badnayd ee maalin qudha ah wada shahiidda. Sidaas ayay ku noqotay maalintan amran ee sharfani maalintii shihadada SNM.

Maalmuhu iskuma jiraane, waa 25-Guuro. Shan iyo labaatan guurooyinkuna  isk uma jiraane, waa shan iyo labaatan guuradii maalinta shuhadada ee SNM.

Mujaahid Yuusf Meydal Cumar oo dagaalkaa Burco-duurrey ka qayb-galay kuna dhaawacmay goobtaa oo ka jawaabayay su’aal ahayd: ‘Waagu side ayuu idiin ku beryay subaxdaa, mar aan ku wareystay Xarunta VTC-da Sooyaal  15/10/1997kii ayaa iigy jawaabay:

“Subaxaa waagu wuxu noogu baryay fasal wanaagsan oo aanu filaynay in  weli ba cadawguna na soo weeraro.”

Waa qalbi-samaantii iyo niyad-adayggii Mujaahidiinta. Dagaalkaa badnaa.  Siyaa baha la isu hirdiyay ama foodda la isu daray ayaa badnayd. Hubka iyo ciidanka waxa dheeraa ka nafsiga ah iyo ka saykoolojiga ah. Wax waliba sidaad ka  dhig ato ayuu ahaa. Haweenkii Hargeysa ka qaxayayba, dayuuradihii nidaamkii  Siy aadkii Barre u yaqaannay Hawkar iyo Miig, waxay u yaqaanneen Caasha biyo sida oo cidiba waxba iskagama tirin jirin.

Bal hadda aynu ku noqonno mudaakaradii Yuusuf Meydal Cumar. Markanna waxaan maalintaa weydiiyay:



(La soco………)




Waxa qoray Boobe Yuusuf Ducaale





 


Posted by: Cali Cumar Xasan