Xuska 24ka March ee malinta qaaxada addunka oo lagu qabtay Cubitalka Burco

 


Waxa saaka cisbitaalka guud ee magaalada burco ka dhacday munaasibad lagu xusayey maalin ta qaaxada aduunka.



Burco (TNN)- Xafladan ayaa ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin iyo bulsho aad utiro badan.xafladan ayaa waxa masuuliyiinti kasoo qaybgashay ka mid ahaa Dr:Iid maxamed cali,isu  duwa ha G/tog-dheer Aadan cilmi diiriye ,waxana ugu  horay nti ka hadlay Dr:iid maxamed cali waxanu ku dheraaday xuska maalinta qaaxada isagoo  sheeg ay in tiro dhan dadka qaaxada qabaa ay yihiin 430 qof,laguna xanaaneyo dhakhtarka wayn ee magaalada burco.

Daawooyinkana ay  u qataan si toosa ,daawada lasiiyaana ay tahay bilaash isagoo hadalkiisa sii wata dr: iid waxa uu yidhi waa in dadka qaba cudurka ay dawada uqataan si ay dhakhso uga bogsadaan waxaanu gaba gabadii hadalkiisa u mahad naqay haayada WFB oo gacan ka  gaysat ay daawaynta  bukay aasha,waxa kaloo xafladan ka hadlay isuduwaha wasaradda caafimaadka G/togdheer Dr:Aadan cilmi diiriye isagoo ugu horaynti mahad naq ujeediyay marti sharafta  ka soo qaybgashay xaflada , waxa kaloo hambalyo ujeediyay haay'ada WFB oo gacan wayn ka  ga ysatay qaybta  caafima adka,wxaa kaloo sheegay inay dhakhtarka ka baxeen dad aad utiro  ba dan kuwaaso si fiican  u dhamaystay dawadii halka ay ku dhinteen 9 qof kuwaaso aan si toosa uqaadan dawada, waxa kaloo kacodsaday dadka isaga shakiya cudurka qaaxada inay lasoo xidhidhaan shaybaarka T.B da si uu isaga baadho cudurka waxaanu kacodsaday inay joojiyaan dadka dawada qataa falalka ka mamnuuca ah intay dawada qaadanayaan sida qaadka,sigaarka iyo wax yaabaha dhalinaa inuu cudurku faafo, ilaaliyaana caafimaadka gaar ahaaned iyo guud ahaanedba.

xafladan oo ay soo agaasimeen gudiga caafimaadka iyo haayada W.F.B ayaa lagu soo ban  dhig ay riwaayado,heeso iyo gabayo ka turjumaya caafimaadka ,xafladan ayaa ku dhamaatay si ay farxadi ku dheehantahay.





Ifraax Cawil Siciid

Timacade News reporter
Burco s/ land