XUSKA GEERIDII MARXUUM MOHAMED HAJI IBRAHIM EGAL

 


 

Nafley kasta waxa ay ku xukumantahay geeri,ruux walibana wuxuu dhimanayaa  waqtigii sa,waana lama huraan hubaal ah balankaas ALLA qaaday oo ah (kulu Nafsin Daaiqatul Mut),naf walib way dhadhamin gerida Mutka.


Marxuum:-Mohamed H.I.Egal,uma bahna manta murugo,waxa uu u baahan yahay duco iyo quraan loo khriyo oo Alle loo baro(Naxariistii Jano Firdowsa Illaah Ha Ku Abaal  Mariyo,G odkana Alle Haw Nuuro)isaga iyo wixii muslim ah inana haynooga daba naxriisto AAMIIN AAMIIN AAMIIN .Marxuumku waxa uu talda dalka qabtay 1993 wuxuna geeriyooday 03-05-2002,waxa uuku geeriyooday (Pretoria Military Hospital)in(South Africa).is weydiin ma laha inta ka dhay xuskii geridaas manta oo ay tarikhdu tahay 22-04-2010,waxaa se Somaliland ma ogtahay,waxaan hubaa in dad yari ogyahay sababtuna waxa ay ku noqonay-sa cida dalka ka masuul ah iyo kuwa u hanqal taagaaya in ay noqdaan Madaxweyne,dadkana ka raba kalsooni iyo qadarin,waxa ay inagu wareeriyaan xisbiyo olole aan xiligoodiba gaadh,is nacayb, kala fogaansho IWM, mana oga milgaha iyo halkuu gaadhsiyey Maruumkaasi dalka ay ku nimcaysanayaan,waana nasiib daro haysata sadexda xisbi ba oon sooc lahayn.

Waxa aynu aragnaa 8Guuradii geridii halyeygeenii,waxaa qoraa badani xusay sida sanadba sanadka ka sii dambeeya ay u si daciifayo xuskaasu,dadku waa dan yar waana dad la  dhac dhacaaya nolol maalmeedka qaar badanina waxa bay ku soo helan quudka shaxaad ama baro ama dewersi dadban,dadku waxa ay ku jiraan waa nolol joogto ah oo adag,waxa aynu maqalaa reer hebalbaa shir qabsanaaya,waxa shirarka soo diyaariya Wasiiro waxa la  casu uma 500 ama 700 oo ruux xaflada waxa lagu qabtaa Hotel lada 3 Star ah oo qaali ah, waxa aynu akhrinaa xafladaas oo si heer sare ah loo soo agasimay,waxa aynu ognahay in barji
ka dambeeyo iyo xaabadii(Bal qime inta ku baxday) ma garanayo meel ay ka soo shaqayst een kuwasu,waa hubaal oo waa xoli ummaddu wada lahaayeen ee cashuurta oo ay  haboon ayd in ay ku baxdo dhakhtarada,xashiishka,ama nolasha bushada,waxaa se lagu bixiyaa  da n gaar kala fogeynta beelaha,hubaal xisbiyadu waa sidaas si leeg waxa ay wax ku bixiyaan reer hebel ba so galay oo ka yimi xisbi hebel,qaar waxa ay bixiyaan wixii yaraa ee loo soo uruiiyey,qaarna tii qaranka marka laga reebo inta ay lunsadeen ama leexsadeen,waxaa inaga fog wadaniyadii waxa aynu u xuub siibanay oo dib ugu noqonay beelaysigii taas oo an
cidna dan u ahayn burbur mooyee!!!,ma xasuusan kara markaas ruux inaga dhintay qimo weyn inagu lahaa wa may.....

Maruumku cid maanta uma baahna ALLE mooye waxaase ALLE ugu naxriisanayaa ducada islaanta milxda yar cadceda ku iibisa ee uu u unkay nabada yar ey ku fadhido,waan ogahay in ay caloosha uga ducayso hadh iyo habeen taas ayaa laga aqbalayaa ducadeeda waayo waxa caloosheeda ku jirta luqmad xalaal ah,in aynu xusi weyno Marxuumka waa qiimo dhac u soo hoydey qarankan gaar ahaan kuwa ku fadhiya kuraasta ee uu marxuumkii wax ka dhigay,inta ay ku fooraraan hafida wixii yara e bulshadu layd waxa ku wajiba in ay  xsuust an xabaasha lama huranka ah ee dhow.waxaan hubaa in taarikhdu xusi doonto  Marxuum Mohamed Haji Ibrahim Egel ilaa qiyaamaha kuna xusi donto khayr iyo wanaag,bal hala  ogaa do waxa ay kaa xusto adiga Mogow, moge ha kula macaanato nolosho sadambaad garane.
 

 

 

 

Qalinkii: Shaib Mohamed Gurux , UK