Holland: Xuska Boqorada Holland oo dhamaan la joojiyay ka dib markii 4 qof la dilay, 13 kalena la dhaawac !

 

Waxa gu' kasta 30-ka bisha afraad dalkan Holland oo boqortooyo ah la sameeyaa, xus lagu waynaynayo qoyska boqoqrtooyada dalkan leh, maalintan oo ku beegan maalin ay dhalatay boqorad ka mid ah boqoradihii soo maray dalkan Holland, ayaa waxa ay boqorada dalkan oo magaceeda la yidhaa, Beatrix tagtaa sanadba meel ka mid ah dalkan oo ay dadka kula ciidaa, tiiyoo dadka dalkan ku noolina maalintan ka fadhiyaan ama ka nastaan shaqada oo ay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo kale oo madadaalo, maarararow iyo mushtariba ah oo ka dhaca dhamaan dalkan gudihiisa, ha ugu waynaadaan kuwa ka dhacaa magaalooyinka waawayne.

Maanta oo ku beegan 30-04-2009, waxay xafladu ku bilaabantay sidii caadada ahayd farxad iyo faan iyo dadka oo u diyaar garoobay inay ama iibsadaan ama iibiyaan alaabooyin dadku caadaysteen inay maalintan oo kale ay qiimaha jaban kula kala wareegan oo wadooyinka lagu iibiyo oo la wadho, musiik cayanba cayn ah oo meel kastaba ka dhawaaqaya, ciyaaraha caruurta iyo dhaqdhaqaaqyo jaadad kale duwan leh oo aad u badan, hawada oo beryahanba la sii saadaalinayay ayaa iyaduna noqotay mid aad u fiican, taasina waxay keentay in dadku uu aad ugu dareero xaflada iyo ciidan, waxa iyaduna sidii uu qorshaha uu ahaa ama sidii caadada u ahayd boqorada dalku Beatrix, iyada iyo qoyskeedu ku kalaheen magaalo la yidhaa Apeldoorn, si ay ula soo xafladayso dadka magaaladaa ku nool, iyada oo weliba ay doorkan qoyska reer Boqor, gacan qaadayaan dadka, taasina ay keentay in dad badani uu goobtii boqoradu timid ku soo qulqulo, iyaga oo fursadan gacan-qaadista ah beegsanaya.

Waxa hadaba taasi carshcarsheeyay, fal uu sameeyay nin Hollandiisa oo 38-jir ah, oo baabuur uu waday oo xoog u socda jiidhsiiyay meel laga xidhay baabuurta oo dadka boqoqrada u socdaa ay marayeen, halkaasi oo uu ninkaasi ku waxyeeleeyay dad tiradoodu ay gaadhayso 17 qof, oo 4 ka mid ah ay hada dhinteen, 5 ka mid ahina ay dhaawac culus yihiin, 8-da soo hadhayna ay dhaawac fufud yihiin, araintaas naxdinta leh oo dadkii cabsi iyo argagax ku riday oo keentay in dalkii oo dhan la joojiyay xafladihii ka dhacayay badankooda, oo dawladu iyada oo amaanka dalka sugaysa amar ku bixisay in la soo afjaro dhamaanba waxii dhaqdhaqaaq ah ee ka socda dalka oo dhan.

Boqorada dalka Holland, Beatrix, ra-iisal-wasaare Balkanande iyo madaxda kale ee dalkan ayaa tacsi u diray dadkii ku dhintay, iyo kuwii ku dhaawacmay eheladoodii, iyo dhamaan dadka dalkan Holland. waxana ay argagax iyo afka kala qaaad ku tilmaameen oo naxdina ka muujiyeen dhacdadan iyaga oo ku tilmaamay mid aan looga baran dalkan Holland maalintanoo kale!.

Dhanka kale Bilayska iyo madaxda amaanka ee magaalada Apeldoorn ayaa shir jaraa-id oo ay qabteen ku tilmaamay in falkani ahaa mid uu ninka sameeyay si badheedh ah oo weliba qorshaysan oo u sameeyay, ninkaasi oo ah nin u dhashay dalakan Holland oo dadiisu tahay 38-jir, magacisa-se aan la dhabin, baabuurka falkan uu ku gaystay ee dadka uu jiidhsiiyay ayaa ahaa SUZUKI, kaasi oo ku baaba' ay ama ku burburay taalo uu aakhirkii ku dhuftay ninkani, ninkii faalka gaystay oo isna dhaawac ah ayaa hada lagu hayaa meel, lagu dawyanayo, booliiskuna waxa uu arintana u baadhayaa si balaadhani, iyada oo dadku aad ugu dhegtaagayo bal waxa ka soo kordha arinta..............
 

 

 


Cali Cumar Xasan.

Afraad_4@hotmail.com