Xuska 11-guurada Geeridii Marxuum Cigaal oo guddi qaban qaabo loo saaray
 


Waxa dhammaan shacbiga reer Somaliland – gude iyo dibadba- War-saxaafadeedkan lagu ogeysiinayaa in la isu diyaariyo Xuska 11-Guuurada ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday Madaxweynihii 2aad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Si maalintan qiimaha leh loo maammuuso, waxa la sameeyay Guddi-d adweyne oo qaban-qaabin doonta maalintan taariikhiga ah.

Haddaba shacbiga reer Somaliland waxa laga codsanayaa in ay maalintan taariikhiga ah si hagar-la’aan ah uga qayb-qaataan, iyada oo wixii qorshe iyo hawlo ah ay Guddi da Qaban-qaabadu cid kasta u soo bandhigi doonto.

Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal wuxu Jamhuuriyaddan Somaliland hogga aminayay 18/5/1993kii ilaa 3/5/2002dii, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Intaa waxa u sii dheeraa halgankii siyaasadeed ee uu dal iyo dadba u soo galay lixdannadii, isaga oo haddana markii danbe hoggaan u noqday Jamhuuriyaddii Sooma aliyeed. Waxa intaa u sii raacay sannadihii badnaa ee uu xaq-darrada ugu xidhnaa nidaamkii Maxamed Siyaad Barre.

Shaki kuma jiro in uu Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ahaa asaasihii hay kalka dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland soona hogaamiyena marxalad xasa asi ahayd oo uu dhismaha dawladnimo marayay.

Ka-soo-qayb-galkiinna xuskan 11-Guuradu waa muhiim, ee yaan waxba laga hagran milgaha iyo maamuuska Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.



Xubnaha Guddida Qaban-qaabada:

Sucaad Odowaa (Carmiye): Xidhiidhinta, e-mail: sucaaday@hotmail.com

Ayaan Ismaaciil,

Cali Cumar Guuleed,

Aadan Muuse Jibriil,

Saleebaan Yuusuf Cali Koore,

Farxaan Xaaji Cali,

Maxamed Cismaan Fadal,

Dr. Aadan Yuusuf Abokor,

Muniir Maxamed Abu Sita,

Sacdiya Axmed Muuse,

Axmed Cali Nuur,

Ibraahin Xaaji Muuse Wacays,

Boobe Yuusuf Ducaale,

Baashe Cabdi Gaboobe,

Xasan Cumar Halas,

Axmed Cabdi Kijaandhe,