Xusbiga UCID oo hooryaaleysanayaa

Madashu waa Hargeysa.
Tebiyaha sheekada (narrator): Cayaarta Hooryaaleysiga oo
ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee somalida
ayaa ka bilaabanatay magaalada Hargeysa. Waxaana
bilaabay laba kooxood oo ka soo jeeda xus biga UCID oo
ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Xusbiga Mudane Faysal
iyo Guddoomiyaha Wakiilada Mudane Cirro. Laakiin
cayaartu inta badan waxay dhexmaraysaa, Cirro, Muse inj.
iyo Waqaf oo isku dhinac ah iyo Guddoomiyaha Xusbiga
Mudane Faysal oo keligii dhinac ka soo jeedda.
Daawadayaasha cayaartu wa a xubnihii oo la kala safan,
labadii xusbi ee kale iyo xubnahoodii. Waxaa kale oo
wariyaal la kala safan iyo qaar dhexdhexaad ah. Cayaarta
waxaa garsoore ka ah Xubin ka tirsan Golaha Guurtid.
Garoonka lagu caya arayo waxaa magaciisa la yidhaa iiga
kac kursiga iyo kaaga kicimaayo. Cayaartu si nabadgelaya
ah ayay u socotaa. Lama ogol in budh, waran, toorey iyo
hub kale toona garoonka lala soo galo. Waa haraati oo
keli ya waxa la isla dhacaya. Laakiin lama ogola in
haraatida aad kala eegato xubnaha taranka, taasi
cayaarta way ka reeban tahay. Cayaarta Faysal waxaa loo
ogolaaday in hirdina Isticmaalo maadaama ay ka tiro
badan yihiin
Garsoorihii (Firinbigii afuuf)
wuxuu kor ugu dhawaaqay: Is haraaaaatiya, hooryaaleysta.
Cirro oo in dhawrsan yahay la moodo: Hooryaley
Faysal oo doobinaya:
Hooryaley (Lugta midig ayuu ku haraatiyey)
Waqaf dhibi shaxanaya:
Hooryaley
Faysal oo doobinaya: Ma
adna, hooryaley(lugta bidix ayuu ku haraatiyey)
Muse Inji oo gaarufanaya: Hooryaley
Faysal oo doobinaya: xataa
anta yaa haabaan, Hooryaley (wuu hirdiyey).
Cirro: Xusbiga waa la
hadhee ka horkac, hooryaley
waad fududahaye ka horkaca, hooryaley
Faysal: Adigaa i heeroo i
hoosaasinaye, hooryale, yur
Waa dhex horudee, farba ma adigaa dhaqaajiyey, hooryale,
yur
Waa taad garkeenii xajin weydey, dhab libaax hiil iyo
hooba ku diid, hooryaley, yur
Markaan sida carsaanyada gees walba u cararaayey ee aan
codka raadinayey hooryaley, yur
Waa taad sidii hablaweynta hoos u foorartey hooryaley,
yur
hurantiina ka baqaysey hooryaley, yur
Cidlaa laga kaxaystee miyaa cudud la ii sheegtay,
hooryaley, yur
Waqaf: Heshiisyadii waad
burburisee naga horkac, hooryaley
Haweenkaa ku sheegaya naga horkac , hooryaley
Dimoqraadiyadii baad halaysaya naga horkaca, hooryaley
Faysal: Shirkii Gar adagbaa
hadalkuugu danbeeysaye, hooryaley, yur
Heshiiskii la galaybaa hoos hoos u fulineysee, hooryaley,
yur
Dusha ka UCID hoosta ka kulmiyaad ahayde , hooryaley,
yur
Maalintii UCID baad ahayd habeenkiina habar baad ahayd,
hooryaley, yur
Ma aragtaad i dheertahay maxaad igu eryeyneysaa,
hooryaley, yur
Muse Inji: Horta wadar iyo waaxid yaa waalan, hooryaaley,
Hesha geela cuntee cabaadaad tahaye, hooryaley
Laba jaar baad hadhee , ka horkac, hooryaley
Waanu kugu habsaanee, ka horkaca, hooryaley
Faysal: Xataa annaa yaa
haabaan,
Afka garaw lagu cunaa, imma gaadhayee (taasi waa hirdi,
laakiin garsooraha ayaa u ogolaaday, raalina ahaada),
hooryaley, yur
Waataad gabdhaha awrta wada gar-adag geeseen hooryalay,
yur
Waatay kula garamareen codcodka iyo miidiiye, hooryale,
yur
Ibna Hargeysaan ahaye, sidaa ma ogsoon tahay, hooryaley,
yur
Adduun waan is ogeyne iyo orod waxaan dhigay, hooryaley,
yur
Aragtina ma haysaane maxaad ii eryeyneysaan, hooryaley,
yur
Tebiye (narrator): Markay
halkaa marayso ayuu garsoorihii siidhigii ku dhuftay oo
ku dhawaaqay in la isku yara nasto.
Haddaba akhristoo waqtiga nasashada inta laga jiro
kooxaha cayaartan ka faalloonaysaa waxay fadhiyaan
badhtamaha xaadhinta Oodweyne.news .com.
Qaybta kale ee Cayaarta iyo dhibcaha dadweynuhu kala
siinayo, iyo garsooraha oo natiijada ku dhawaaqi doona
kala soc una gudbi xaadhinta Longlivesomaliland amma
Timacadde.news
Daawade 2: Cayaartu waxay u
egtahay in Guddoomiya ku-xigeenka golaha wakiiladu uu
Kulmiye badha soo goosanayo oo uu garabka Cirro ku biiru
doona, halkaa ay ka bilaami doont Ururo furashadii.
Daawade 2: Ka hordhici natiijada, laakiin sida
guddoomiyaha Kulmiye ka dhawaajiyey Hay'ad Qaran ayaa
Xusbiyadii qaranka burburineysabaa la oo waxaa laga
cabsi qabaa in Samaale ku soo sikado.
|