Xukuumadda Somaliland Oo Mowqif Adag Iska Taagtay Ha dal Ka Soo
Yeedhay Wasiirka Afrika U Qaabilsan Ingiriiska Oo Sh eegay In S/Land
Lagu Marti Qaaday Shirka Somalia London Loogu Qabanayo

Hargeysa (TNN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa mowqif cad iska taagtay Shir ay marti
gelinayso Dawladda Ingiriisku oo loo qabanayo dhinacyada Siyaasadda
ee Somalia, kaas oo la sheegay in lagu marti qaaday Somaliland ka
qayb galkiisa.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland Dr. Maxamed C/llaahi Cumar,
ayaa sheegay in aanay Xukuumadda Somaliland ka qayb gelayn Shirka
Dawladda Ingiriisku wado qaban qaabadiisa ee la filayo in Bisha
February ee sanadka soo socda ka dhici doona Dalka Ingiriiska, kaas
oo lagaga had li doono arrimaha Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in aanay
Xukuumad ahaan diyaar u ahayn in ay ka qayb gasho Shirarka loo
qabanayo Kooxaha Siyaasadda ee Somalia.
Wasiirka Arrimaha Dibedda oo xalay u waramayey Wargeyska Saxansaxo,
waxa kale oo uu sheegay in aanu jirin wax marti qaad ah oo Dawladda
Ingiriisku soo gaadhsiisey oo la xidhiidha shirkaasi.
Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hadlaya Mowqifka Somaliland ee
Shirka Dawladda Ingiriisku u qabaneyso dhinacyada Somalia, ayaa waxa
hadaladiisii ka mid ahaa
“Waxay beryahan Saxaafadda qaarkeed Qorayeen warar aad moodo in ay
ogolaatay Somaliland inay ka qayb gasho shirka ay Dawladda
Ingiriisku u qabanayso Somalia Sannadka soo socda Bishiisa labaad oo
lagu qaban doono Magaalada London, waxaanu dooneynaa in aanu halkan
ka caddeyno in markii Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland ee dhowaan Safarka ku tegey Dalka
Ingiriiska,
Shirarkii uu la galay Dawladda Ingiriiska ee lagaga hadlayey
Xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska ee xaga Nabad gelyada,
Horumarka iyo Siyaasaddaba leh in ay ka soo baxday Doodo ku saabsan
in Dawladda Ingiriisku ay Qorsheynayso sidii ay horaanta Sannadka
soo socda shir ugu qaban lahayd Magaalada London, kaas oo lagaga
hadlayo arrimaha mandaqadda iyo Nabad gelyada, gaar ahaan Somalia
Shirkaasi inkasta oo aanan weli helin marti qaad rasmi ah oo
Dawladda Ingiriisku Somaliland kaga Codsaneyso inay ka soo qayb
gasho shirkaasi, haddana Dawladda Somaliland way ka hadashay
shirkaasi, waxaanay caddeysay Mawqifkeeda ku aaddan shirkaasi,
waxaanay cadaysay Somaliland in aanay Shirarka noocaas ah ka qayb
gelin oo ay tahay arimo u gaar ah Siyaasiyiinta isku haya Somalia oo
aanay Somaliland u oolin, mana jiro Marti qaad rasmi ah oo ay
Somaliland u soo dirtay Dawladda Ingiriisku”
Wasiirka Arrimaha Dibeddu waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi
“Dawladda Somaliland waxay taageersan tahay Dedaalka ay Beesha
Caalamku ugu jirto in wax laga qabto Xasillooni darrada Somalia iyo
Mushkilada raagtay ee Somalia haysata, nabadeynteeduna waxay
Maslaxad u tahay Somaliland iyo Waddamada Jaarka la ah , waxa laga
hadlayeyna waxa uu ahaa wada hadallo ku saabsan xidhiidhka
Somaliland iyo Ingiriiska.”
Wasiirka oo aanu weydiinay go’aanka ay qaadan doonaan haddii
Shirkaasi Dawladda Ingiriisku ku soo casuunto, waxaanu ku jawaabay
“Haddii ay Dawladda Ingiriisku nagu soo casuuntana waxaanu leenahay
Somaliland kama qayb gasho shirarka noocaas oo kale ah ee Somalia
khuseeya, waxaanu leenahay Somaliland Shirkaas maaha mid iyada u
yaala”
Hadalkan Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland uu ku caddeynayo
Mowqifka Xukuumadda ee ku aaddan Shirka ay Dawladda Ingiriisku ku
hawlan tahay, ayaa ku soo beegmaya, Xikki uu dhawaan Wasiirka
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ingiriiska u qaabilsan Afrika Henry
Bellingham uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) uu ka aqbalay inuu ka soo qayb galo
Shirka Nabadda ee Kooxaha Somalida loogu qabanayo Dalka Ingiriiska
horaanta sanadka soo socda.
“Raysal Wasaaraha Ingiriisku waxa uu ku baaqay in shir Caalami ah
loo qabto Somalia, kaas oo qabsoomi doona 23-ka February ee sanadka
soo socda, dabcan Somaliland waa lagu casuumay, waxaanan dhawaan
kulan la yeeshay Madaxweyne Siillaanyo, waxaanu u gudbinay marti
qaadkaas, isaga oo ballan qaaday inuu ka soo qayb geli doono. Runtii
waxay noqoneysaa talaabo muhiim ah oo hore loo qaaday, haddii
Somaliland ay shirarka dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Somalia ka
qaadato door buuxa oo xaqiiqo ah.” Ayuu yidhi Wasiirka oo Mudaneyaal
ka tirsan Aqalka Baarlamaanku wax ka weydiinayeen Qaddiyada
Somaliland.
Wargeyska Saxansaxo
|