DAWLADA SOMALILAND OO MARKII UGU HORAYSAY KU GUULAYSATAY BEDELAADA LACAGTA GIIMBAARTA AH EE GOBOLKA TOGDHEER


 



Bedelaada lacagta giimbaarta ah ayaa laga bilaabay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Tog-Dheer


Burco (TNN)-Waxaa maalintii Arbacada ahayd ee aynu soo dhaafnay so gaadhay magaalda Burco ee xar unta Gobolkan Tog-Dheer , madax ka tirsan Bangiga Dalka,  Wasaarada Maaliyada iyo qaar ka mida mad axda dalkan.Kuwaasi oo siday lacagtii lagu bedeli lahaa lacagta Giimbaarta ah ,ee ragaadisay dhaqaalaha Gobolka ,hoos u dhac iyo dhibna ku haysay bulshada reer Tog-Dheer.

Waxa dhamaan bulshada reer Burco soo dhaweeyeen bedelida lacagtani ,oo ay ku fashilmeen madaxdii ka horaysay Siilanyo bedelideeda.Bedelida lacagtani ayaa waxay ka mid ahayd balan qaadadii uu Siilanyo iyo xisbigiisa Kulmiye ku galeen kambaynka doorashada , ee ay reer Burcona ka sugayeen.

Hawsha bedelaada lacagtani , ayaa waxay si xawliya uga socotaa Baanka Gobolka Togdheer,  iyadoo ga waadhi waa waynina ay daabulayaan lacagtii giimbaarta ahayd , kuna soo bedelayaan lacagta Qaranka Somalialand.

Sariflayaashii reer Burco ,oo  awalkii hore ku sarifi jiray lacagta miisas waa wayn , oo kabadho ka samy san,  kabadhadaasi oo waagaasi buux dhaafi jirayba, ayaa hada waxaad arkaysaa xidh mooyin yar yar oo yaal yaala miisaskii .Hawshani ayaa waxay noqonaysa hawshii ugu cuslayd ee uu Siilanyo ka qabto Gobolkan Tog-Dheer mudadii koobnayd ee uu xilka hayay , walow ay jiraan hawlo badan oo laga wado Go bolkan Tog-Dheer

 




Weriye Axmed-hanad Guray Baqaye

hanad_baqaye@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco , Gobolka Tog-Dheer