Xukuumada Siilaanyo Ma Dayntii Cawil ku Wareejiy bay ka
Mag dhabaysaa Gabiley?.
Maxaa Wax looga Qaban laayahay waxa maalin walba ka
dhacaya Gobolka ee dib u dhaca ku keenaya?
Caqliga Saliim ahi
waxaa fiican inuu is waydiiyo dhacdooyinka is daba jooga
ah ee Xukuumada Siilaanyo kula kacayso Masuuliyiintii
Xukuumadii hore xilalka ka hayay Gabiley kuwaasi oo
lagula kacay Cadaaw ad iyo Cadaalad Darro is barkan oo
ku Suntan Taariikhda Somaliland.
Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa hore u sheegtay in
aanay wax talaabo ah ka qaadi doonin wi xii ka horeeyay
intii ay xilka la wareegeen, balse waxaa isa soo taraya
ugaadhsiga lagu hayo qaar ka mid ah Masuuliyiintii
Xukuumadii Madaxwayne Rayaale ee Gobolka Gabiley kuwaasi
oo qaarkood in ka badan 7 bilood
ku Xidhanyihiin Jeelka wax danbi ah oo loo
haystaana aanay jirin marka laga yimaado
UDUB ayay ahaan jireen.
Waxaa isa soo taraya xaq darooyinka iyo Cadaalada Darada
garsoorka iyo Maamulka Gobolka Gabiley la daba
taaganyihiin Masuuliyiintii Xukuumadii hore ee gabiley
ka talin jiray oo uu ka mid yahay
Qawra x Muuse.
Hanti dhawrka ayaa ku daba jira isla markaana dalbaday
in la soo qabto Jaamac Daa,uud Ibraahin oo wakhtigii
Dawladii Rayaale Xoghaye ka ahaa Degmada Wajaale Xilkana
Wareejiyay 15/06/2010 kuna Wareejiyay Cabdi Siciid
Iimaan oo ahaa ku Simaha Xoghayaha Fulinta Degmada
Wajaale.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in ay jiraan
masuuliyiin kale oo la Raadinayo oo iyana ka mid ahaa
Xukuumadii hore oo lagu eedaynay in ay wax isdaba
mariyeen Wakhtidii Dawladii Rayaale balse waxaa is
waydiin leh Hanti Dhawrku ma Hay'ad loo Sameeyay Gabiley
baa mise waa mid lagu kala dila yo isla markaana
sumacadda laga Xayuubinayo Dadka ka soo jeeda Gobolka
Gabiley.
Dad badan oo siyaasiyiin ah ayaa qaba in
Xukuumadu dayntii ay ka soo
saari wayday Cawil iyo
Wasiir adii Xukuumadii hore
ay ka mag dhabayso Gabiley,
kuna tumanayso Sumcada iyo
Karaamada dadkii soo doortay.
Maxaa wax looga qaban laayahay waxa maalin walba ka
dhacaya Gobolka ee dib udhaca ku keenaya? Waxaa hubaal
ah oo marag ma doon ah in Dawlada Hoose ee Gabiley ay ka
shaqayn kari laadahay Hanti dhawr La soo Laaluusho oo
Ugaadhsanaya Dad gaar ah oo Magacyadooda uu sito.
Taariikhdu waa ma guurto waa mid ku suntan Siyaasada
Xukuumadu ku maamulayso Gobolada iyo De gmooyinka Dalka
waana mid u gaar ah Gabiley oo aanay illaawi doonin
shacabka ku dhaqan Gobol wa ynaha Gabiley.
Gunaanadkii waxaan u soo jeedin lahaa Xukuumada haddii
aan Cadaalad laga samayn Gobolada iyo De gmooyin oo wax
laga qaban waayo Hayadahan Dawladu Gabiley u samaysatay
in Dalku ku danbayn do ono kala Goo'go iyo Nidaam ka
Baxsan Dawladnimad oo laga dhiidhiyi doono Gumaysiga
Casriga ah ee Gabiley lagu hayo.
Wa bilaahi tawfiiq
|