|
Dr
Mohamed Omar oo Sheegay in Xukuumadda Rayaale ka Khal khashay
Safarka Siilaanyo ee Maraykanka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda
Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka
Booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee Maraykanku Waxay Degenaansho
La’aan ku Ri day Maamulka Rayaale oo Waa Kuwaa Wasiirradiisii
Kala Hadlaya’
Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda
Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka
“Taageeradda dhaqaale Marayka nku sida tooska u ugu fidin karo
Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan
musuq ahayn oo iska xejin kara xajmiga maaliyadda la inagu
taageerayo”
“Waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo aanay ka khalkhalin
booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u soo hoyatay shacbiga
iyo dalka Somaliland”
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar
London (Timacade News) - Xoghayaha Arrimaha Dibedda xisbiga KULMIYE
Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa shaaca ka qaaday in safarkii
guddoomiye Axmed-Siilaanyo iyo weftigiisu ku tageen dalka Maraykanka
uu degenaansho la’aan ku riday maamulka madax weyne Ray
aale, isla markaana ka naxday guulaha siyaasadeed ee KULMIYE u soo
hooy ey shacabka Somaliland.
Dr. Maxamed Cabdillaahi oo isagoo jooga magaalada London ee carriga
Ingiriiska xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay
xalay, ayaa sheegay inuu maamulka madax weyne Rayaale hinsaase
xoogan ka qaaday sida diiran ee guddoomiyaha xisbiga mucaa
ridka ah ee KULMIYE loogu soo dhaweeyey dalka Maraykanka, arrintaasi
oo sababtay in madaxweynaha iyo wasiiradiisu siyaabo kala duwan oo
khalkhal ku jiro uga hadleen booq asha Axmed Siilaanyo ku
joogo Maraykanka, waxaanu xoghayaha arrimaha dibedda KUL MIYE
uu xukuumadda ugu baaqay inay ilaaliyaan degennaansha dhexdooda,
islamarkaana iska ilaaliyaan kala hadalka dhexdooda ah.
Xoghayaha arrimaha dibedda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo
ugu horayn ka hadlay arrimihii ugu waaweynaa ee ay kala hadleen
masuuliyiinta dawladda Maraykanka ee ay kulama la yeesheen waxa uu
yidhi;
“Arrimaha aan isleeyahay way ugu waaweynaayeen guulihii Somaliland
uga soo hoyatay booqashadii rasmiga ahayd ee Guddoomiyaha KULMIYE
iyo weftigiisu ku tageen dalka Ma raykanka waxa ka mid ah
annagoo waydiisanay in la laban-laabo, isla markaana toos loo
gu soo gudbiyo caawimooyinka Maraykanku u fidiyo Somaliland oo hadda
gacan saddexa ad la soo mariyo, arrintaasna waa nalaga aqbalay.
Waxa kale oo ka mid ahaa guulaha Somaliland uga soo hoyday
safarkayaga, annaga oo Senator Donald Payne ka codsanay inuu
Baarlamaanka dalka Maraykanka u gudbiyo moo shin ku saabsan
qaddiyadda Somaliland iyo sidii taageero loogu fidin lahaa,
arrintaasna wuu naga aqbalay, waxaannu noo sheegay inuu waqtiga ugu
fiican ee munaasibka ah u gudbin doono Baarlamaanka mooshin ku
saabsan Somaliland.
Waxaannu Donald Payne ka codsanay sida uu ugu ololeynayo qaddiyadda
Koonfurta Su dan inay gooni noqoto inuu Somaliland-na sidaas
oo kale ugu ololeeyo, annagoo dhinaca kalena ku taageernay
tallaabada Payne iyo dalkiisa Maraykanku ugu ololeynayaan goo
nni-isu-taagga Koonfurta Sudan.
Waxa kale oo aannu ka codsanay in Maraykanku joogteeyo taageerada
iyo dhaqaalaha uu ku bixiyo Somaliland, isla markaana goob-joogayaal
caalami ah u soo diro doorashoo yinka dalka ka dhacaya, taasna
waa nalaga aqbalay.
Arrimahaas oo dhan waxaannu kala hadlanay qaybaha kala duwan ee
wasaaradaha iyo hay’adaha Maraykana ee aannu ka kulanay, annaga oo
si gaar ah ula kulana Donald Pa yne iyo mudane kale oo ka mid
ah kuwa ugu awoodda badan Aqalka Kongeraska dalka Maraykanka,
taageeradda dhaqaale Maraykanku sida tooska u ugu fidin karo
Somaliland waxay ku xidhan tahay in dalka laga sameeyo maamul aan
musuq ahayn oo iska xejin ka ra xajmiga maaliyadda la inagu
taageerayo”
Xoghayaha oo la weydiiyey sida uu u arko eedaha xukuumadda Rayaale u
jeediso Sena tor Donald Payne ee ah inuu ka soo horjeedo
qaddiyadda Somaliland, waxa uu ku jawa abay; “Donald Payne
maaha nin cadow ku ah Somaliland, waa nin saaxiib inala ah oo
aw ood badan ku dhex leh dalka Maraykanka, isla markaana u qaabilsan
arrimaha Geeska Af rika iyo qaybo ka mid ah Carabta oo ay
Yemen ku jirto.
Dawladda Maraykanku waa dal danaynaya inuu wax la qabto Somaliland,
waxaanna lala yaabay oo bulshada amakaag ku noqotay in la yidhaahdo
Donald Payne waa cadowga Somaliland, arrintaasna aad buu la ayaabay
markii xukuumaddu tidhi; ‘Weftigii KULMIYE waxay la kulmeen Donald
Payne oo ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland.’ Runtiina ha
ddii Baarlamaanka iyo dawladda Maraykanku innaga soo horjeedaan
waxba innooga soc on maayaan siyaasadeena, dhaqaalaheena iyo
horumarka dalkeena, weftiga KULMIYE si heer qaran ah looma qaabileen
oo la casuumeen ay sabab ay Axmed Siilaanyo ula kulma anna may
jireen, haddii Donald Payne iyo Maraykanku neceb yihiin maamulka
Rayaale wa a la saaxiib shacabka Somaliland, sida naloo
casuumayna waxay muujinaysaa in Marayk anku saaxiib la yahay
Somaliland.”
Waxa kale oo Xoghayuhu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya xisbiga
mucaaradka ee KULM IYE iyo dalalka jaarka ah, sida Ethiopia oo
kale, isaga oo sheegay in safarkii Axmed Siilaa nyo ku soo
maray Addis Ababa wax weyn ka beddelay xidhiidhka iyo
saaxiibtinimada lab ada dhinaca, waxaannu xusay in safarkaasi
meesha ka saaray dacaayado xukuumaddu xidhiidhka KULMIYE iyo
Ethiopia.
“Ethiopia waa dawlad aynu daris nahay oo xidhiidh qoto dheeri innaga
dhexeeyey ilaa iyo waqtigii halgankii, isaga oo Axmed Siilaanyana
ilaa waqtigaa macaamil lahaa Ethiopia oo qayb libaax ka soo qaadatay
halgankii dib-u-xorreynta dalka. Intii uu Guddoomiyaha KUL
MIYE booqashada ku joogay Ethiopia waxay la kulmeen madax iyo
masuuliyiin sare oo ka tirsan dalkaas, waxaanna xisbi ahaan naga
go’an in aannu xidhiidh fiican la yeelano haddii aannu doorashada ku
guulaysano dalalka deriska ah,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi
Cumar.
Xoghayaha oo aannu weydiinay sida ay u arkaan eedayntii Madaxweyne
Rayaale u soo jeediyey qurbo-joogga Somaliland ee ahaa inay
Somaliland ma jirto qaadhaan ku bixiyaan, waxa uu yidhi; “Arrintaas
waxay noqotay mid ay qurbo-joogga reer Somaliland oo udub-dhexaad u
ah horumarka dalku ay aad ula yaabeen, runtiina xisbi ahaan aad
baanu uga xunnahay, waxaananu aaminsannahay in hadalkaasi uu yahay
mid ku kooban Rayaale iyo maamulkiisa oo ay shacabka intiisa kale la
qabin, dadkuna gudo iyo dibedba aad bay ula yaabeen, waxaanna
hadalkaa xukuumadda ka keenay khalkhal iyo hinaase ka qaadeen
safarka Guddoomiyaha KULMIYE ku tegay dalka Maraykanka iyo madaxda
sare ee ay la kulmeen.”
Mar la weydiiyey Xoghayaha sida ay u arkaan hadalkii ka soo yeedhay
wasiir-ku-xigeenk a arrimaha dibedda ee ahaa Guddoomiyaha KULMIYE
dalka ma soo geli karo ilaa iyo inta uu cafis weydiisanayo shacabiga,
waxa uu ku jawaabay; “Hadalkaasi wuxuu ahaa wax la gu qoslo,
Axmed-Siilaanyo-na dalka ma soo geli karo lama odhan, runtiina dadku
aad bay ula yaabeen, waayo Axmed-Siilaanyo iyo madaxda KULMIYE,
dalka way uga lexejeclo ba dan yihiin Rayaale iyo maamulkiisan
dalka iyo dadkan oo muddo aad u dheer ay duurka ugu jireen
xorayntiisa, iyaga oo maalkoodii iyo dhiigoodiiba u soo huray
xorayntii dalka, Axmed Siilaanyo waxa uu ahaa guddoomiyihii ugu
muddada dheeraa SNM, markaa in aay ar la iska yidhaa dalka ma
soo geli karo waa wax lagu qoslo.
Imikana iyaga ayuun baa mar labaad yidhi cidi may odhan Axmed
Siilaanyo ma soo geli ka ro dalka oo way kala hadlayaan,
waxana muuqata in booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee dalka
Maraykanku degenaansho la’aan ku riday maamulka Rayaale oo waa kuwaa
wasiirradiisii kala hadlaya, waxaan ugu baaqayaa inay is-dejiyaan oo
aanay ka khalkhalin booqashada KULMIYE ee Maraykanka oo ah guul u
soo hoyatay shacbiga iyo dalka Soma liland, isla markaana iska
ilaaliyaan xasillooni-darrada dhexdooda ka jirta ee ka dhalatay
hinaasaha ay ka qaadeen booqashadaas,” ayuu yidhi Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar.
Source: Jamhuuriya Online
|
|