Xisbiga KULMIYE iyo Sheekada Federaalka
 

 

Xeegadi Cabdillaahi Yuusuf soo haraatiyey dadbadan ayey hoos martay, hase ahaat e halkuu la maaganaa marnaba may hareer marine; gantaalku markuu cuskaday bar tilmaameedii, firka naxii durba hadalo si lama filaan ah looga sanqadhiyey  ayey nu m aqlaynaa.

Waxay iyana marinkii seegtay jawaabta Md. Axmed Maxamed Maxamuud ka bixiyey hadaladii ka soo yeedhay Cabdillaahi Yuusuf. Halkii uu toos uga jawaabilaahi  sua’a asha weriyaha, Md. Axmed Siilaanyo doc kaleetto ayuu ka wareemay doodii, ka  dib na waa tan ilaa manta guuxeedii demi la’yahay. Erey la yidhaa “Federaal” oo  umma dda Somaliland ku dhaqani yar iyo weyn xassaasiyad ka qabto ayuu Md. Axmed  Sii laanyo wareysigii ku dhextuuray; marlabaad ayaa Md. Axmed arrinta “federaalka” su’aal la xidhiidha lagu weydiiyey shir ka dhacay Gobolka Virginia ee dalka  Mareyka n bishan January 17th, 2009, waxaanu kaga jawaabay in uu hadda u sharaxan  yah ay madaxweynenimada Somaliland, ka hadalka arrintuna tahay mid laga  hor  dhaca yo oo “Premature” ama dhicis ah!!??


Su’aasha meesha taal waxay tahay: Md. Axmed Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, iyo Cabdillaahi Yuusuf oo hadda magangelyo siyaasadeed Yaman ku jooga , waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya? Muddo intee le’eg ayaa cilaaqaadkoodu soo taxnaa? Sua’aalahan jawaabtoodu waxa weeye: Xidhiidhka labada nin waa mid soo jireen ah, waxanu xoogeystey xiligii doorashadii madaxtooyada Somaliland ee  20 03.


Cabdillaahi Yuusuf, Cali Mahdi, iyo Cabdulqaasim Salaad waxay taageero dhaqaale toos ugu fidiyeen Xisbiga Kulmiye iyaga oo si weyn u daneynayey in haddii Kulmiye doorashada ku guuleysto si hawl yar loo dhaqaajin karo dowlad qaabka “Federaalka” awood qaybsigeedu ku salaysdanyahay. Waar dugsiga iyo dayaxu isku toosana: Bal dib u raadraaca wareysigii gacan ku dhiigle Jan. Maxamed Cali Samater ee BBC laanta Afka Soomaaliga xiligii shirweynihi SNM ee Baligubadle dhammaaday??

Si kastaba saadaashu ha noqote, wallee sir maqaba rabaa u sahan ah. Duulduulka  sh eekadani waa mid qoto dheer oo muddoba la saadaalinayey in ay iskeed u soo  shaac baxdo. Waa Ilaahay mahadii mar haddii ay maanta ina hortaal oo mareegaha  warbaa hintu dareenada arrinta ku xeeran si hagar la’aan ah inooga haqabtireen.

In kastoon dadweynaha reer Somaliland si qoto dheer uga warqabin, riwaayadda  fe deraalku waxa bilaabantay ka dib markii ummadda reer Somaliland go’aansadeen in midowgii 1960 dhexmaray Koonfur iyo Waqooyi dib looga noqdo, madaxbannaanidii dalkana dib loo soo cesho. Sannadihii u dhexeyyey 1993- 2000 sheekada federaalka si weyn ayaa loo buunbuuninayey. Tusaalo ahaan: Shirkii Carta loogu qabtay dagaal oogayaashii Koonfurta waxa madashii laga soo jeediyey in nidaamka federaalka  awo oda lagu qaybsado si Soomaaliyadii burburtay marlabaad dib la isugu qobtolo.

Xiliga Md. Axmed Maxamed Maxamuud warqadda federaal doonka ah wuxu qorey  qiy aastii 1994, oo ku beegan xiligii dagaalada sokeeye ka qarxeen Somaliland. Waxay  ah ayd marxaladii ugu adkayd ee in soo marta iyadoo gacamo shisheeye ina soo  faroge liyeen. Illahay mahadii inagoon cidna la kaashan ayeynu colaadihii soo afjarney; wixii dib u dhac inaga soo gaadheyna maanta weynu ka soo kabaynay.

Haddaba maanta ma haboontahay in taariikhdii halgankii qadhaadha docda lagaga  xi dhiidhiyo wax loogu yeedho “Federaal”? Jawaabtu waa maya oo laba aan sinaba  goo b la isugu geyn Karin oon isgeyin.

Somaliland Hajirto Oo Hajoogto Oo Haka Guulaysato Cadawgeeda Gudaha Iyo Ka  Diba daba; Midnimo, Nabadgelyo, Horumar, Sinaan Iyo Guul


 


UDUB North America

Warsame Yussuf Ducaale
warsameducaale@gmail.com