Xisbiga KULMIYE oo Xisbiga UDUB si xarago leh ugaga badiyey Tartankii Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jam. Somaliland (Qaybtii 1-aad).
 

Prof/Dr.Mohamed Abdillahi Omar
KULMIYE Foreign Affairs Secretary
|PPP Club- KULMIYE|

VS

Hon. Abdillahi Mohamed Duale
Minister of Foreign Affairs of Somaliland
|APP Club- UDUB|

 KULMIYE vs UDUB

 |2 : 0|


 
Sannadka 2010-ka, Sannadkii guusha, horumarka, isbedelka khayrka leh iyo ictiraafkaba  Somalilan d u siday Rabbi (SWT) ha inooga dhigo (Aamiin).
Waxaan halkan ka salaamayaa dhammaanba umadda reer Somaliland, gudaha iyo dibaddaba, ee jecel nabadda, horumarka, wanaaga iyo gooni isu taagga Somaliland.



Hordhac:

Mulkiilayaasha, maamulayaasha iyo taba-barayaasha Kooxaha kubbadda cagta dunida ee ka qayb gala tartannada heerka ugu sarreeya (Professional Football Clubs), waxay mar walba ku  dadaala an inay helaan ciyaaryahanno xirfad leh aadna ugu xeel dheer fahanka iyo maaraynta kubadda  ca gta (talented and skilled footballers), ha noqoto difaaca, khadka dhexe ama weeraryahannadaba. Waxa kale oo iyadna muhiim ah in ay kooxda dhexdeeda ka jirto xil wadaag iyo masuuliyad wadajir ah (Collective responsibility and team sprit).


Arrintani waxay laf dhabar iyo lagama maarmaanba u tahay guusha iyo guuldarrada kooxaha  kub adda cagta. Qaabka iyo farsamada ciyaareed ee ay kooxdaasi soo bandhigto waxay u soo hoyn kartaa inay dunida dacalladeeda ka kasbato magac, maamuus iyo taageerayaal aan xad lahayn.
Sidoo kale, qaabka ay u hawlgalaan Xisbiyada siyaasiga ah ee dunidu waxaa la odhan karaa waa loolan ciyaareed oo u baahan aqoon iyo khibrad dheeraad ah, waxana lagu matali karaa in ay la mid yihiin ama u dhawyihiin tartanka kooxaha kubadda cagta oo kale.


Maqaalkan waxaynu kaga hadli doonnaa labada naadi ee ugu sarreeya kooxaha heerka koowaad ee tartanka horyaalka dalka Somaliland, kuwaasoo badanaaba iyagu isugu soo baxa ciyaarta kama dambaysta ah ee koobka loogu tartamayo. Labada naadi ee la filayo inay isku soo bixi doonaan isherdiga kama dambaysta ah waxay kala yihiin: |APP Club- UDUB| iyo |PPP Club- KULMIYE|. Laba dan kooxood waa kuwo iyagu si weyn ugu kala geddisan taariikhda soo jireenka ah ee ay ku  leey ihiin tartanka koobka horyaalka, xagga xeeladda iyo farsamada cayaarta, awoodda dhaqaale iyo weliba bulshada kala taageerta oo naadiyada aragtiyo iyo dano kala geddisan ku kala taageera.

1.0 |APP Club- UDUB|
vs |PPP Club- KULMIYE|


Dadweynaha Somaliland ee ku kala nool dalka gudihiisa iyo dunida dacalladeedaba waxay si weyn ugu hanqal taagayaan kulanka ciyaarta kama dambaysta ah ee loolanka koobka horyaalka  siyaas adda ee dalka Somaliland. Radio, TV ama Internet-ka kala socoyaa ama goob joog ahaayaaba  wax a uu qof wal oo Somalilander ah oo ciraaraha xiiseeyaa ku taamayaa in aan looga sheekayn is-her digaa kama dambaysta ah ee lagu kala hadhi doono. Waxaa bulshada dhexdeeda ka socda doodo iyo faallo aan kala go’ lahayn waxaana si weyn loo hadal hayaa goorta ay dhici doonto ciyaarta is-herdiga kama dambaysta ah iyo cidda ay guushu ku raaci doonto!


In kasta oo ay bulshadu aad u raagsatay qabsoomidda ciyaarta kama dambaysta ah, haddana weli lama oga waqtiga ay dhacayso ciyaar siyaasadeedka lagu kala baxayo, maadaama aysan weli guddida garsoorka dheesha siyaasaddu waqti u cayimin.

1.1 |APP Club- UDUB| |Anti Patriotic Party|


Naadiga APP-UDUB waa naadi aad ugu xeel dheer maamulka, maaraynta iyo soo bandhigidda  farsa mooyinka ciyaar siyaasadeedka nooc kasta oo ay tahayba. Naadiga APP-UDUB waxa uu isku dayaa wax kasta oo u suurto gelinaya hanashada koobka horyaalka siyaasadeed, xumaan iyo samaan ta ay noqotaba.. Naadigani magac weyn ayuu ku lahaa bulshada dhexdeeda, balse muran iyo  ismari waa ka dhex abuurmay maamulka kooxda iyo aasaasayaashii iyagu dhidibada u taagay naadiga, ayaa waxa uu dhaliyey in hal doorkii iyo ciyaartooygii rug caddaaga ahaa kooxda laga eryo. Wixii intaa ka dambeeyeyna waxa uu naadiga APP-Udub u gacan galay nin maalqabeen ah (balse ay  da dku ku xantaan inuu yahay nin hayntaba ka madhan) mudane R.K.D. COHEN iyo shaqsiyaad kooban oo aan magac iyo maamuus midnaba ku lahaan jirin maamulka iyo maaraynta naadiyada heerka 1-aad. Ciyaar wanaag lagu kala guulaystana naadiga APP-Udub waxay ka xigaan dhimasho iyo qudh gooyo. Taasina waa tilmaamaha iyo tabaha ay kooxdan APP-Udub taagerayaasheedu ku jecel  yih iin ee ay welina daacadda ugu yihiin.


Arrintu si kastaba ha ahaatee, dadka ku xeel dheer falanqaynta kullamada iyo is-herdiga ka dhaca fagaarayaasha ciyaaraha siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxay si weyn u saadaalin jireen in aysan marnaba muran ku jirin in kooxda ciyaaryahannada Xisbul-xaakimku (APP-UDUB) ay si aad iyo aad ah ugaga gacan sarrayn doonaan xulka ciyaartooyga xisbiyada macaaridka ah oo la isku daray, xulka kooxda Kulmiyena (PPP-KULMIYE) iyaga daaba hadalkooda!.


Saadaashan iyo ifa-faalahani waxay keeneen in dad aad u badan oo xiiseeya ciyaaraha  siyaasad du ay si weyn u taageeraan kooxda APP-Udub, oo ay sharadkoodii dul dhigteen kooxda (APP-UDUB), iibsadeen saamiyada iyo tikidhada kooxda, calannada, funaanadaha iyo astaamaha lagama maarmaanka u ah fagaarayaasha lagu soo bandhigo is-herdiga siyaasadeed.


Dhinaca kale, maamulka iyo hoggaanka ugu sarreeya ee kooxda APP-UDUB(, oo uu hormuud ka  ya hay mudane R.K.D. COHEN oo ah nin ku caan baxay macangagnimo iyo loodsan la’aan, waxa uu si adag kooxda iyo taageerayaashiisaba ugu sheegay inay ka go’antahay in kooxdiisu, sidii doorkii hore oo kale, ay mar labaad wax kasta oo ay ku kacaysaba ku guulaysan doonto koobka horyaalka siyaasadda ee loo wada hamuun qabo.

Waxana uu ballan qaaday inuu arrin iyo adduunba u huri doono sidii uu kooxda APP-Udub ugu soo iibin lahaa ciyaartooy iyo xeeldheerayaal fir-fircoon oo khibrad iyo waayo aragnimaba u leh  xirfa dda ciyaaraha ee siyaasadda, kuwaasoo wacdaro ku soo bandhigi doona fagaarayaasha loolanka siyaasadda marka ay is-herdiyaan kooxaha ka soo horjeeda. Kooxahaa oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo iyaga heerkooda aad uga hooseeya oo ciyaar siyaasadeedda ka xantaysanaya balse aan lahayn xeeladdii iyo xarfaddii fagaaraha looga baahnaa.


Waxa kale oo hoggaanka APP-UDUB uu kooxda iyo taageerayaashaba ugu ballan qaaday inay  nida amka iyo kala dambaynta si weyn u adkayn doonaan, si taageerayaasha PPP-KULMIYE, oo lagu yaqaanno rabshad iyo buuq marka ay ciyaar soo bandhigi waayaan, waa sida uu mudane R.K.D. COHEN hadalka u dhigaye, ayna nabad gelyada khatar iyo khalkhal u gelinin.

Kooxda APP-UDUB (|Anti Patriotic Party|) waxay haysteen wax kasta iyo awood kasta oo u  suur togelin karaysey inay si dhib yar kaga guulaystaan kooxaha ka soo horjeeda. Hoggaamiyaha sare ee kooxda, ahna mulkiilaha leh saamiga ugu badan, mudane R.K.D. COHEN oo ku can baxay  curyaa minta iyo shirqoollada kooxaha kale, ayaa wuxuu kooxdiisa si hagar la’aan ah uga ka haqab tiray arrimahan:

o Awood dhaqaale oo aan xad lahayn,
o Taba-bare aqoon iyo waayo aragnimo u leh ciyaarta oo aad u dhega nugul,
o Agab iyo adeeg aan qiyaas lahayn,
o Dirays iyo qalab ciyaareed oo bilicsan,
o Gaadiidkii iyo ammaan(nabad) sugeyaal aad u tiro badan oo aan cidi is dhaqaajin karin,
o Garoomadii iyo madashii uu loolanku ka dhici lahaa oo dhammaantood mulkiilaha iyo kooxdiisa gacantooda ku jira,
o Taageerayaal aad u tiro badan oo mushahar iyo mushqaayadba loo qoray oo garoonnada soo buux dhaafin doona, oo guul iyo guuldarroba sacab iyo sawaxan aan kala joojin doonin,
o Huteeladii iyo maqaaxiyihii oo cabitaan kulayl, qabow iyo cunto kala nooc-nooca laga dur-duuran doono ciyaarta dabadeed, oo aan loo oggolayn in cid kale foodda soo geliso, balmay harraad iyo macaluul u dhintaan!
o Garsoorayasha iyo calan walayaasha dheel siyaasadeedka oo si fiican inoola shaqaynaya,
o Iyo weliba ciyaaryahannada ka soo cadhooda kooxda PPP-Kulmiye oo si shuruud la’aan ah APP-Udub uga mid noqon doona, la siin doono mushahar iyo gunne badan, xaqna u heli doono inay xulka 1-aad ee kooxda ka mid noqdaan!


1.2 |PPP Club- KULMIYE| |Patriotic People’s Party|

Naadiga PPP-Kulmiye waa koox aan awood iyo muruq dhaqaale oo buuran lahayn, balse magac iyo maamuusba bulshada ciyaaraha xiisaysa dhexdeeda ku leh. Waxay ku doodaan inay yihiin  asaasa yaashii iyo kuwii suurto geliyey inuu yimaaddo loollan ciyaareed oo noocan oo kale ah, maadaama ay si weyn ugaga adkaadeen ciyaarihii ay la galeen kooxii dirayska askarta ku ciyaari jiray, kuwaa soo haddii laga badiyana la soo bixi jiray AK-47-ka. Mabda’a uu naadiga PPP-Kulmiye aa minsan ya hay waxa uu yahay: haddii la soo bandhigo ciyaar wanaag iyo ciyaar farsamo sare leh waxa  hub aal ah in kooxaha dalka Somaliland loo oggolaan doono inay ka qayb galaan tartanka horyaalka naadiyada qarammada adduunka ee heerka 1-aad.


Dhinaca kale haddaynu eegno awoodda iyo xaallada kooxda PPP-KULMIYE halaka ay taagan tahay; iyadu lama awood aha kooxda APP-Udub, waxana ay weli tirsanayaan in koobkii horyaalkii hore aanu caddaalad u dhicin oo ay garsoorayaashii ciyaarta dhexdhexaadinayey ay uga eexdeen  koox da APP-Udub oo rigoore(penalty)been ah la siiyey.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, kooxda PPP-Kulmiye waxa hortaagan duruufo, culays iyo carqalado ay ka mid yihiin:

o PPP-Kulmiye ma laha dhaqaale fiican oo ay si hagar la’aan ah himilooyinkeeda ku wajahan  dhee sha siyaasadda ugu fushan karto. Dhaqaalaha yar ee ay ku soc-socotaa waa tabarruc iyo  taagee ro aan buurnayn oo ka soo gala dadweynaha iyo taageerayaasha kooxda daacadda u ah  kuwaa soo aaminsan in kooxdoodu ay maalin maalmaha ka mid ah noqon doonto horyaalka looga hadhay ciyaar siyaasadeedka dalka hooyo.

o Dhaqaalahan yarna uma gooyn karo inay soo gataan ciyaar yahanno qaaliya. Taa badalkeeda waxay ku mitidaan sidii ay dhallinta ka tirsan bulshada qaybeheeda kala duwan ay uga kasban lahaayeen magac fikirkoodana uga dhaadhicin lahaayeen si aan loogu lug-gooynin lacag badan iyo ballan qaadyo beena marka dambena la fadhiisiyo bankiinaha(pench) fursad uu ku ciyaarana la siin waayo.


o Ma jiro mulkiile maalqabeen ah oo isagu kooxda PPP-Kulmiye iska leh dhaqaalena ku asqeeya. Maalqabeenno badan oo soo hungureeyeyna waxa ka hor joogsaday sharciga naadiga u yaalla kaasoo si cad u qeexaya inaan kooxdu marnaba u gacan geli karin mulkiile isagu kooxda keligii iska yeesha oo sida uu doono ka yeella.


o Sharciga naadiga PPP-Kulimiye waxa uu si cad u qeexayaa in naadigu uu yahay mid ay leeyihiin maamulkiisa iyo aayo ka talintiisaba dadweynaha iyo bulsho weynta Somaliland ee jecel ciyaar farsamadeedu sarrayso asluub wanaagna ku dheehan tahay.

o Waxa kale oo iyana jirta in PPP-Kulmiye uu mashaakil badani ka haysto xagga garoonnada iyo madalaha lagu soo bandhigo cayaaraha. Ma laha garoon weyn oo si hagar la’aan ah ay ugu taba-baran karaan, taageerayaashoodana isugu yeedhi karaan, maadaama hay’daha qaabilsan  ciyaa raha iyo kuwa kale ee dawliga ahiba ay dhammaantood jeebka ugu jiraan kooxda APP-Udub.

o Sidoo kale waxaa PPP-Kulmiye xayiraad ka saaran tahay xagga faafinta iyo soo bandhigidda farsamadooda ciyaareed iyo hadafka iyo himilooyinka uu naadigu hiigsanayo oo aan loo ogolayn in laga siidaayo idaacadaha iyo telefishannada caanka ah. Si aan looga soo dayna, lacagta baahinta ciyaaraha ee saxaafaddu qaadato ayaa cirkaa lagu shareeray, PPP-Kulmiyena iskamaba bixin karaan.


o Halka kaliya ee ay ka hadhi la’yihiin naadiga PPP-Kulmiye waa xagga taageerayaashooda oo aad daacad ugu ah, aaminsanna farsamada iyo xirfadda ciyaareed ee kooxda PPP-Kulmiye ku caan baxday iyo taariikhdooda soo jireenka ah.


o Sidoo kale taagerayaasha PPP-Kulmiye waxaa dhibaato weyn ku haya xoogagga sugidda  nabad da iyo ka hortagga rabshadaha ciyaaraha, kuwaasoo taagerayaasha PPP-Kulmiye sabab la’aan iska xidh-xidha si aanay taageero iyo dhiirri gelin ugu muujin kooxdooda.

o Taageerayaasha PPP-Kulmiye waxa aad loogu yareeyaa tigidhada lagu galo garoonnada  ciyaara ha, si looga xanaaqsiiyo oo ay rabshado u sameeyaan dabeedna loo xidh-xidho.

Labadan naadi waxaa dhexmaray is-aragyo iyo kullammo qadhaadh oo dhawr ah, kaasoo koox  wel iba aysan xeel iyo xarfad midna la hadhin si ay kooxda kale ee ka soo horjeedda jilbaha dhulka ugu dhufatto. Itaal meel uu dhigaba, waxaa la isku adeegsaday af iyo addinba si ay kooxiba kooxda  ka le bulshada ugu tuso inay yihiin kuwo aan waxba ka garanayn ciyaarta balse sharafteedii iyo  hay baddeediiba dilay. Arrintu si kastaba ha ahaatee, ma uu rumoobin ifa-faalihii iyo odoroskii ay  rugc addaaga iyo xeeldheerayaasha u dhuun daloola dheeshan ka sii saadaaliyeen in kooxda PPP-Kul miye duhur dheer la diri doono, oo si weyn looga gacan sarrayn doono marka la siku arko  fagaara ha is-herdiga iyo loolanka siyaasadeed.

1.3 Kulanadii bilaa Garsooraha ahaa iyo Garoomadii madhnaa:


Waxa kale oo iyadna xusid mudan in naadiga awoodda badan leh ee APP-UDUB, uu bilihii dhexe ee sannadkii 2009-ka uu tartanka ciyaaraha ku soo kordhiyey fikrad cusub oo aad uga yaabisay bulsho weynta dunida, taasoo ahayd dhacdo aan ciyaaraha noocana hore loogu arag.

Naadiga APP-Udub waxay soo jeediyeen fikir odhanaya: si loogu soo baxo is aragga ciyaarta kama dambaysta ah loomaba baahna in kooxuhu si toos ah isu arkaan oo u tartamaan.
Dad aad u badan ayey arrintani ka cadhaysiisay oo u arkayey inay tani la mid tahay xabaal nololin iyo ka takhaluska tartanka ciyaaraha. Waxaba taa ka sii darnaa markii ay guddidii iyo  garsooraya ashii dhex-dhexaadin lahaa ciyaarta kama dambaysta ah ay fikirka kooxda APP-Udub qaateen  ku na khasbeen in kooxaha kale ay fikirkan aqbalaan!


Waxaa dabadeed abuurmay buuq, mudaharaad iyo gadood dawyne kuwaasoo iyagu u badnaa  taa geerayaasha kooxda PPP-Kulmiye (|Patriotic People’s Party|) doonayeyna inay badbaadiyaan sumcadda iyo magaca ciyaaraha ee soo jireenka ah, si ay naadiyada dalku fursad ugu helaan inay ka qayb galaan tartannada horyaalka dunida.


Balse naadiga APP-Udub dheg umay dhigin dhawaaqyadii bulshda ka soo yeedhayey iyo  dhaleeca yntii caalamka ee tooda ayey iska wateen. Mulkiilaha naadiga mudane COHEN waxa uu amar ku bixiyey in naadiga dhexdiisa laga sameeyo laba kooxood (2 teams) oo iyagu wada ciyaara, direys iyo funaanado isku mid ahna loo geliyo, aanu jirin siidhi iyo calan wale dhexdhexaadiya, taageera yaashana loogu sheego in tartankii si wacan u socdo, kooxdii ka soo qayb geli weydana yeelkeed. Iyagu naadiga PPP-Kulmiye si toos ah ayey arrintan u qaadaceen, waxayna taageerayaashooda ugu baqeen inayna garoomada ka soo xaadirin.

Qisoba waa ta dambaysee, kulankii ugu horreeyey ee ay APP-Udub dhexdeedu wada ciyaaraan waxa garoonka soo galay laba kooxood(team) oo sita dirays isku mid ah.



Markii ay ciyaartii bilaabantay, waxa durbadiiba bilaabmay buuq, sawaxan iyo foodhi ay  samaynay een taageerayaasha kooxda APP-Udub oo ku asqoobay kalana garan waayey cidda wada  ciyaar aysa iyo ciddii ay kala taageeri lahaayeen. Sidoo kale waxay arki waayeen oo iyaguna meesha ka maqnaa garsoorihii (siidhi wale) iyo labadii calan wale.


Arrintani waxay dhalisay in taageerayaal aad u badan oo kooxdani lahayd ay si toos ah ugu soo horjeestaan, maadaama ay dareemayeen in mulkiilaha kooxdu R.K.D. COHEN aanu daacad ahayn iyagana uu been ku maaweelinayo, tartankii haryaalka ciyaaruhuna uu qarka u saran yahay inuu bur-buro oo lagu kala tago! Qofkii hadlaayaba ha iska hadlo, naadiga APP-Udub (|Anti Patriotic Party|) dheg umay dhigin dhawaaqyadii bulshda ka soo yeedhayey iyo dhaleecayntii caalamka ee tooda ayey iska sii wateen. Balse waxaa ku wacad furay taageerayaashii beryo naadiga daacdda u ahaan jiray oo garoomadii ka soo xaadiri waayey. Ceeb, weji gabax iyo in qofba ka kale eedeeyo ayaa dabadeed maamulkii sare ee naadiga APP-Udub ka dhex billaabantay.


Si aan gabasho lahayn ayay dad badan oo naadiga magac ku lahaa ugu baaqayeen in mulkiilaha Mr. COHEN xilka laga xayuubiyo oo la eryo, maadaama uu hantidii naadiga ku tagri falay, indhahana ka qarsaday duruufaha iyo xaaldaha qallafsan ee la soo darsay tartankii koobka horyaalka ee bu lshadu sida weyn u sugaysey.

Niyad jab aad u culus ayaa ku habsaday kooxdii oo idil guud ahaan, gaar ahaanna ciyaar  yahanna dii ugu cad-caddaa naadiga waxay liqi kari waayeen oo laf dhuun gashay ku noqotay kala qaybinta naadiga laga sameeyey laba tiim oo iyagu dhexdooda wada ciyaara, si bulshada loogu tuso in horyaalkii si caadiya uu u socdo………………

La soco qaybta 2-aad ee maqaalka:

Xisbiga KULMIYE oo Xisbiga UDUB si xarago leh ugaga badiyey
Tartankii Siyaasadda Arrimaha Dibedda Jam. Somaliland (Qaybtii 1-aad).

 

 

 


By:Eng/Architect Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| |UK & Holland|