|
Maraykanka
oo Sheegay in Qiimayn Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland

Maraykanka oo Sheegay in Qiimayn
Lagu Sameenayo Qaddiyadda Aqoonsiga Somalilan d lana soo hordhigo
Doono Congresska Maraykanka
Mas’uuliyiin dawladda Maraykanka u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa
sheegay in ay qiimeenayaan waddooyinka loo mari karo aqoonsiga
Somaliland.
Washington DC(
Timacade News)-Guddoomiyha Xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed
Maxa med Maxamud Silaanyo, oo uu weheliyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda
ee KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, oo dhawaanahanba booqosho
rasmi ah ku joogay dalka Ma raykanka ayaa intii ay joogeen
Maraykanka la kulmay Guddoomyaha Guddida Arrimaha Afrika ee
Baarlamaanka Maraykanka, Mudane Donald Payne iyo masuuliyiin sare oo
ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.
Hadaba waxaa dhawaanahan soo ifbaxaya xogo meelo kala duwan ka
imanaya oo dha maantood tibaaxaya arrimihii ugu waawaynee ee
ay kawada hadleen labada dhinaca, waxaana la sheegayaa in arrimaha
ugu waawayn ee socdaalka Gudoomiyahu daba soc oto dhowr qodod.
Waa ta hore waxay Wasaarada Arrimaha Dibadu ee Maraykanku siinaysay
masuuliyiin ta Xisbiga Mucaaridka qorshe saraakiisha dawlada
Maraykanka u qaabilsan arimaha sh arciga ku hawlan yihiin oo
la xidhiidha qaabkii ama wajigii dawlada Maraykanku ku caa win
lahayd Somaliland si toos ah marka doorashada Madaxtooyada ee
dhawaan dhaca ysaa dhamaato. Waxayna masuuliyiinta Maraykanu u
sheegeen waftiga Kulmiye in Da wlada Maraykanku dhawaan daah
furi doonto siyaasad cusub oo ay ku wajahan Somalil and, lana
baadhayo dariiqyada sharci ahaan loo mari karo aqoonsiga Somaliland
.
Waxaa kale oo la sheegay in kulankii waftigu la yeeshay Congressman
Donald Payne, oo ah mudane awood wayn ku leh siyaasad madaxwayne
Obaama ee Afrika ahaa mid lagaga wadahadalay sidii Congressman
Donald Payne uu u horkeeni lahaa qaddiyadda aqoonsiga Somaliland
Aqalka Kongresska Maraykanka.Wuxuuna u balan qaaday Congr
essman Donald Payne waftiga uu hogaaminayo Guddoomiye Axmed Silaanyo
in qiimayn lagu samayn doono arrimaha Somaliland, wafti Maraykanina
uu iman doona dalka wakh tiga doorashada madaxtooyadu dhacayso.
Waxaa kaloo la ogyahay in Donald uu u olal ynayao
madaxbanaanida Koonfurta-Sudan oo
dhawaan dawladdu Maraykanku ka soo saartay siyaasada cusub, lana
doonayao in afti laga qaado dadka ku
dhaqan Koonfurta Suudaan.
Arrinta sadexaad ayaa la dheegay inay la xidhiidho kaalmo xaga
dhaqaale ah oo la xid hiidha sidii loo kobcin lahaa geedi
socodka dimuqraadiadeed ee Somaliland ka bilaabm ay. Waxaana
jira warar sheegaya in dawlada Maraykanku ku talo jirto in kaalmo
dhaqa ale u fidiso xisbiyada mucaaridka ee Somaliland wakhtiga
olalaha doorashada socoto, maadaama xisbiga UDUB isagu isticmaalo
dhaqaalaha iyo war baahinta qaranka ka dha xaysa. Kaalmadaas
oo la filayo in loo soo marin doono ururada samafalka ee Somaliland
iyo Afrika ka hawl gala.
Source: Somaliland.Org
|
|