Xisbiga Kulmiye La’aantii, Dalka iyo Dadkaba Dunidu way illaawi lahayd.ku dayasho ayuu mudan yahay xoghayah a rrimaha dibadda ee xisbiga kulmiye pro/DR.MOHAMED ABDILLAHI OMAR

(Qaybtii 2-aad)

 

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar
KULMIYE FOREIGN AFFAIRS SECRETARY

 

Waxaan halkan si baaxad leh uga salaamayaa dhammaanba umadda reer Somaliland gudaha iyo dibaddaba; ee nabadda, horumarka, wanaaga iyo gooni isu-taagga Somaliland jecel.



Hordhac:


Qaybtii 1-aad ee maqaalka cinwaankiisu kor ku xusanyahay, waxaynu guud ahaanba ku  fa lan-qaynay: Waxyaabaha saldhigga u ah in Xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye uu xushmad, karaamo iyo ixtiraamba ka helo dadweynihiisa reer Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulsh ada caalamka, dalalka iyo ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeya.


Waxa aynu is tusaalaynay in hanka beesha caalamku ay inoo qabto iyo hadal-haynta  Somali landba ay dunida ku yaraan lahayd, haddii aanu xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye qadiyadda iyo xaaladda siyaasadeed ee Somaliland mar walba heegan u ahayn oo aanu dhegaha iyo  in dhaha caalamka si joogto ah ugu baraarujinayn.

Waxa kale oo aynu maqaalka ku soo qaadnay doorka muuqda ee ammaanta iyo ku  dayosha daba mudan ee uu leeyahay Xoghaya Arrimaha. Dibadda ee Xisbiga Kulmiye  Prof/Dr.  Moha med Abdillahi Omar, iyo guulaha wax ku oolka ah ee uu dalkiisa, dadkiisa iyo xisbigiisaba u s oo hooyay.


Waxa iyana aynu maqaalkii 1-aad ku xusnay inay tahay arrin cad oo muuqata in guud  ahaa nba Xisbiga Kulmiye isagoon ahayn xisbul-xaakimka, uu hadana hayo masuuliyad qaran iyo xil-bulsho. Gaar ahaanna xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigu Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar inuu hayo xilkii iyo masuuliyaddii siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkeena hooyo, kaasoo laga rabay xukuumadda iyo xisbul-xaakimka, balse ay hagradeen kana seexdeen.


----------------------------------------------------------------------------------------------------
 

Qaybtan labaad ee maqaalka, waxaynu guud ahaanba ku lafa-guri doonnaa labada mawduuc ee soo socda:


1. Wax qabadka ballaadhan iyo dedaalka ku dayashada mudan ee uu Prof/Dr. Mohamed  Ab dillahi Omar dalkiisa iyo dadkiisaba u sameeyey xagga gooni isu-taagga Somaliland, ka hor  i ntaanu noqon xoghayaha arr. dibedda ee Kulmiye.

2. Wax qabadka iyo guulaha muuqda ee uu Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar sameeyey  kad dib markii uu qabtay hoggaanka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga siyaasiga Kulmiye.

1. Wax qabadka ballaadhan iyo dedaalka ee uu Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar xagga  goo ni isu-taagga Somaliland, ka hor intaanu noqon xoghayaha arr. dibedda ee Kulmiye:



Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar :

Waa aayaha, agabka iyo kaydka aqooneed ee ehelka iyo wehelkaba u ah daadihinta iyo  day actirka siyaasadda arrimaha dibadda ee ma huraanka dalkiisa hooyo (Somaliland).

Waa aqoonyahan iyo xeel-dheere siyaasadeed oo ku sifoobay halganka dheer ee uu ugu jiro danta guud ee dalka iyo maslaxadda umadda reer Somaliland, isagoo adeegsanaya  aqoont iisa, khibraddiisa iyo waayo arragnimadiisa balaadhan ee uu u leeyahay siyaasada caalamka ee casriga ah iyo qaababka ay dunidu waqtigan xaadirka ah wax isku dhaafsato.

Waa xeel-dheere siyaasadeed iyo khabiir si wanaagsan u fahansan macnaha iyo hab-dhaqa nka looga baahan yahay inuu la yimaado siyaasiga ay Somaliland maanta u ooman tahay. Waa nin leh kartidii, milgihii iyo maamuuskii uu qaranka iyo xisbigiisaba ku matali lahaa, kaga na midho dhalin lahaa xilka iyo masuuliyadda loo igmado nooc kasta iyo meel kasta oo ay  tah ayba.

Waxa uu heegan ugu jiraa difaaca iyo horumarinta danaha dalka iyo dadka Somaliland  duni da dacalladeeda kaga baylahsan. Talo wax ku ool ah iyo hogo-tusaaleyn ayuu ka soo  jeediy aa wixii uu u arko inay danta guud ku jirto. Sidoo kale waxa uu mawqif cad iska taagaa  wax yaabaha uu u arko inaanay u adeegayn danaha aasaasiga ah ee shacabka Somaliland ama aysan danta guud ee Somaliland ku jirin.

Waa aqoonyahay ku sifoobay aaminsanna in mucaarid , muxaafid iyo shacbiba meel looga s oo wada jeesto sidii dalkeena hooyo aan:


Aqoonsi ugu raadin lahayn, guulaha aynu gaadhayna dunida uga iibin lahayn.
Nabadiisa u adkeyn laheyn, khilaafkana isu-tanaasul iyo is-afgarad ugu dhammayn laha yn.
Uga wada shaqayn lahayn dheellitirka iyo dhamaystirka hannaanka dimuqraadiyada.
Cadawgiisa meel uga soo wada jeedsan lahayn.
Dib u dhiska, maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha iyo adeegyada asaasiga ah iyo  horumarkii saba si wadajir ah uga wada shaqayn lahayn.
Sumcaddiisa kor ugu qaadi lahayn, iwm.

Tilmaamaha iyo maamuusta qofnimo ee uu Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar leeyahay ma  a ha kuwo qoraal iyo maqaallo toona lagu soo koobi karo. Waa muwaadin ay  Somalilandernim adu ku dheer tahay oo leh kartidii, aqoontii, magacii, milgihii iyo maamuustii hogaamiyenima ba.

Waxyaabaha ugu doorka roon ee uu qabtay, ka hor intaan loo magacaabin Xoghayaha  Arri maha Dibedda ee Xisbiga mucaaridka Kulmiye, waxaa ka mid ahaa:

Dedaalka gooni isu-taagga iyo ictiraafka qaranka Somaliland:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu mar walba heegan u yahay halgan dheer iyo  de daalna ugu jiraa sidii uu qaranka Somaliland uu heli lahaa aqoonsi iyo ictiraaf caalami ah. Wa xa uu ka qayb galay doodo uu ku difaacayo qaddiyadda gooni isu-taagga Somaliland oo ay  a buuleen Jaamacado iyo Warbaahinta caalmaka. Waxayna u muuqataa in Dr. Mohamed uu  ha yo xilkii iyo masuuliyaddii siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkeena hooyo.


Dood Cilmiyeed Jammacadda caanka ah Emperial College ee London .

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu ka mid ahaa aqoon yahannadii ugu cad-cadaa ee ka qayb galay Dood Cilmiyeed ay abuubushay Jammacadda caanka ah Emperial College ee  L ondon. Dood Cilmiyeedkan waxa lagu lafa-gurayey colaadaha daba dheeraaday ee ka jira  ca alamka sida arrinta Falastiin, colaadaha Geeska Afrika, Daarfuur iyo kuwa kaleba. Dr. Moham ed waxa uu dood iyo warbixin la yaab leh ka soo jeediyey madashii dood cilmiyeedka. Waxa uu si mug iyo farshaxannimoba leh uga hadlay doorka ay Somaliland ku leedahay maslaxad-wadaagga iyo nabadgelyo ku wada noolaanshaha gobolka geeska Afrika. Waxa uu si cad u  s oo bandhigey baaxadda uu le’ekaa bur-burkii iyo xasuuqii loo geystay dalkeena, iyo sida ay Somaliland waqti aad u gaaban ugu guulaysatay inay dhisato nabadgelyo waarta iyo  adee gyadii dawladnimo, taasoo ay dunidu Somaliland kaga dayan karto.


Shir weynayaal hay'adda SOPRI 2005-kii iyo 2006-kii Los Angeles iyo Washington:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar Waxa uu hadal caaqiibo leh oo ku saabsan hurumarka  siy aasadeed ee Somaliland ku tallaabsatay iyo caqabadaha hor taagan ka jeediyay shir  wayna yaal ay hay'adda SOPRI ku kala qabatay Los Angeles iyo Washington, 2005-kii iyo 2006-kii.

Ka qaybgalka Shir weynayaal Caalami ah:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar Isaga oo matalaya magaca qaranka Somaliland waxa uu ka qaybgalay shirwaynahayaal caalami aha oo ka mid yihin: Shirwaynihii xisbiyada liberaalka ee dunida ee Belfast 2007, Shirwayhii xisbiya Yururb ELDR ee Sweden, Shirwayhii IGAD  abuaab ushay 2008 Adis-Abeba.


Qoraallo iyo Faallooyin warbaahinta caalamka:

Dr. Mohamed Waxa uu marar kala duwan ku soo daabacay qaar ka mid ah warhaahinta  caal amka iyo ta gobolka Geeska Afrika qoraallo aqooneed oo ka faaloonaya dhinacayada  horum arka leh ee Somaliland iyo khataraha nabadgelyo iyo kuwa siyaasadeed ee ku hareeraysan Somaliland, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in bulshada caalamku ay Somaliland il gaar ah ku eegto.


Talo soo jeedin hay’adaha iskaashiga caalamiga:

Dr. Mohamed Waxa uu taalooyin ku saabsan sida looga taageeri karo Somaliland dhinacyada mashaariicda horumarinta siiyey dawlado ay ka mid tahay dawlada Ingiriiska iyo hay'adaha horumarinta ee caalamiga ah.

Talo bixin waxbarasho tayo leh:

Dr. Mohamed Waxa uu talooyin wax ku ool ah ka bixiyey sidii Somaliland loogu samayn lahaa barnaamij waxbarasho iyo horumarineed oo abuura xoog shaqo hananna kara baahida wax-qabad ee dalka, keeni karana horumar bulsho iyo mid dhaqaaleba.

Difaaca Qarannimada iyo horumarka Somaliland:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar Waxa uu dood wadaagyo adag oo uu ku difaacayo  qarinim ada iyo horumarka Somaliland oo lagu baahiyay warbaahinta uu la galay aqoonyahanno  So maliyeed oo ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland oo uu ka mid yahay Prof. Ahmed Ismail Samatar !!!!!!.

2. Wax qabadka iyo guulaha muuqda ee uu Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar sameeyey   ka ddib markii uu qabtay hoggaanka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga siyaasiga Kulmiye.

Waxyaabihii ugu doorka roonaa ee hirgalay iyo guulaha muuqda ee uu Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar sameeyey kaddib markii uu qabtay hoggaanka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga siyaasiga Kulmiye waxaa ka mid ahaa:



1. Adkaynta Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay UK iyo USA:

Dr. Mohamed Waxa uu si baaxad leh uga shaqeeyey kor u qaadista iyo adkaynta xidhiidka ay Somaliland la leedahay dalalka UK iyo USA iyo goleyaashooda sharci dejinta UK &USA(Parliamant).

2. Difaaca Qarinimada iyo Horumarka Somaliland:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu si weyn uga shaqeeyay inuu qaddiyadda gooni  i su-taagga Somaliland caalmka kaga hadlo oo ka dhaadhiciyo. Isaga oo culayska saaray  faa’ii dada iyo muhimadda ay nabadgelyada iyo wanaagga Somaliland gaadhay guud ahaanba  gob olka geeska Afrika u leedahay. Sidaa darteedna ay lama huraan tahay, beesha caalamkana faa’iido badani ugu jirto in Somaliland hesho aqoonsi caalami ah oo arrinta Somaliland aan  m arnaba lagu xidhin arrimaha ka socda Somalia.

3. Hirgelinta Siyaasad cad oo Arrimo Dibadeed:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu xisbiga Kulmiye u sameeyay Siyaasad Arr. dibade ed oo cad oo ku salaysan abuuritaanka jawi iyo xidhiidho suuragal ka dhigi kara in Somaliland taageero horumarineed iyo mid siyaasadeed ka hesho bulshada caalamaka iyadoo loo  mara yo dhismo xidhiidho dibadeed oo cusub iyo balaadhinta iyo hagaajinta kuwii hore u jiray oo ku dhisan wax-wada qabsi, maslaxad-wadaag, nabadgalyo ku wada shaqayn iyo fidin xukun wanaag/dimuqraadiyad, ka hortagida arrimaha khatarta ku haya nabadgelyada caalamka iyo kuwa mandaqadda ka jiraba.

4. Xidhiidh iyo iskaashi joogto ah oo u dhexeeya Kulmiye iyo xisbiyada Yurub:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar Waxa uu xisbiga Kulmiye u xidhiidhiyey ururrada xisbiyada siyaasadeed ee Yurub qaarkood sida ELDR, iyo kuwa kale oo hadba shirakooda ku soo casuuma madaxda xisbiga Kulmiye.

5. Xidhiidh wada-shaqayneed Kulmiye iyo deeq-bixiyeyaash taageera dimuqr.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee xisbiga Kulmiye Dr. Mohamed Abdillahi waxa uu sameeyey suurto galna ka dhigay in xisbiga Kulmiye uu xidhiidh wadashaqayneed iyo mid wada-tashi oo toos ah la yeesho dawladaha Somaliland ka taageera barnaamijka geedi socodka  dimuqraa diyada. Waxa kale oo uu suurto gelieyey inuu samaysmo xidhiidh joogta oo xisbiga Kulmiye hadda la leeyahay deeq-bixiyayaasha caalamka ee Somaliland caawiya iyo hay'adaha inaga taageera doorashooyinka.

6. La socodka iyo Dheellitirka Siyaasadda Arr. Dibedda ee Xukuumadda:

Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu si qoto dheer oo qorshaysan ula socdaa  siyaasa dda Arr. dibadda ee xukuumadda Somaliland ku dhaqanto. Waxa uu dheellitir ku sameeyaa dhalliilaha ka yimaadda siyaasadda dibedda ee xukuumadda, kana bixiyaa faalooyin iyo  talo oyinba si ay shacabka Somaliland u ogaadaan loona sheego meelaha aan u adeegayn  dana hooda aasaasiga ah.

Waxa kale oo uu caddeeyaa una soo bandhigaa shacabka iyo bulshada caalamkaba, mawqify ada xisbiga Kulmiye iska taago wixii la xidhiidha arrimaha dibada iyo bulshada caalamkba.
Prof/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waa muwaadin aaminsan in higelinta danta guud wax  wal ba ka horrayso oo ay mudnaanta koowaad leedahay. Sidoo kale waxa uu aaminsan yahay in kala duwaanshaha afkaarta iyo aragtida siyaasadeed ee xisbiyada ama ashkhaastaba u  dhe xeeya aysan ka hor imanayn in iskaashi iyo wada shaqayni timaado, si danta guud ay u  hir gasho.

Waqtigiisa qaaliga ah kuma lumiyo is riix-riix siyaasadeed, cambaaraynta iyo ceebaynta  sha qsiga iyo inuu xisbiyada kale ee qaranka masuuliyiintooda iyo taageerayaashooda af  xume eyo ama canbaareeyo.

Waxa xusid mudan in Dr. Mohamed Abdillahi isagoon hayn loona igman masuuliyad qaran iyo mid xisbi toona, haddana waxa ay kartidiisa iyo hankiisuba tuseen inuu magaca iyo masgab ka dalkiisa iyo dadkiisaba difaaco korna u qaado, isagoo xilka iyo waajibaadkaba ula siman  b ulsho weynta Somalilandee kale, sida aniga iyo adiga oo kale.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga Kulmiye, Professor/Dr. Mohamed Abdillahi Omar waxa uu sameeyey dedaal laxaad leh marka ay noqoto qadiyadda aqoonsi raadiska qaranka Somaliland. Waxa uu Somaliland u sameeyey xidhiidho caalami ah oo waaweyn, waxana uu ka soo hooyey guulo la taaban karo oo wax ku ool ah.

Guntii iyo geba-gebadii, Waxqabadka baaxadda leh ee uu Dr. Mohamed Abdillahi sameeyey waxa ay magac, maamuus iyo milgo qaranba u yihiin qof kastoo muwaadin Somalilander ah oo wanaagga iyo horumarka Somaliland jecel, waana arrin ku dayasho iyo in lagu faanoba inaga mudan.



La soco qaybta 3-aad ee maqaalka:

Xisbiga Kulmiye La’aantii, Dalka iyo Dadkaba Dunidu way illaawi lahayd.

Xisbiga Kulmiye: Waa saldhigga hanaqaadka dimuqraadiyadda ee Somaliland.
Haddii uu talada dalka qabtana waxa uu soo jiidan karaa soona dedejin karaa in Somaliland hesho ictiraaf iyo aqoonsi caalami ah.


 

 

 


By:Eng/Architect Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)
{UK & The Netherlands}