Xilkasnimo darida ay ku kaceen Golaha Wakiiladu
Maqaal
waxa aan doonaya in aan kaga hadlo Sharci dhawaan
ansixiyey Golaha Wakiiladu, h oryaalalna Golaha Guurtida.
Sharicigaas oo qayb ka mid ahi ka hor imanayso dastuurka
qora nka iyo xeerka doorashooyinka labadaba. Haddaba
inta aan nuxurka maqaalka gudagalin, bel aan isku dayo
in aan qeexo laarimood oo aan maqaalkan ku tixraacidoono:
dastuurku wa maxay? Dastuurku waa hab dhaqn dhaqaale oo
loogu talagalay in lagu dhiso dal laguna dhaqo ummadda
dalka ku nool. Marnaba ma aha mid loogu talagalay mid
dad yar oo koobani ku adeegtaan.
Xeerka Doorashooyinku wa may? Xeerka Doorashooyinku waa
hab iyo nidaam loogu tala ka galay in loogu maamulo si
xaq iyo cadaalad ah doorashooyin qaranka, waana nidaam
la fuliy ey ayaga oo ay dhan yihiin axsaabta qaranka,
labada gole, iyo xukuumaduba.mana aha mid qodobadiisa
loo jabin karo si fudud iyada oo loogu danayanyo dad
tiro yar.
Haddaba aan u soo noqono nuxurkii maqaalka oo ahaa
Shariciga ay gudbiyeen golaha Wakii ladu. Sharcigaa isga
ahi waa mid qayb ka mid ahi fasaxaya in xildhibaanku
isaga oo xilkiisii ha ya in uu gali karo ama ku biiri
karo xisbiga uu doono, amaba furan karo xisbi gaar ah.
Taasina waa mid ka hor imanaysa dastuurka iyo xeerka
doorashooyinka qaranka labadaba. Waxaanu ka hor imanaya:
Dastuurka qaranka qodobkiisa 50naad faqradiisa ama
qaybtiisa sadexaad oo odhanayaa( Xu bnaha golaha
wakiilada waxa la waayi kara haddii uu jabo shardi ka
mid ah shuruudihii la gu soo doortay, ama uu gudan waayo
xilkiisa.)
Xeerka doorashooyinka qodobkiisa 22naad faqradiisa ama
qaybtiisa sadexaad ooodhanaysa( Tirada kuraasida uu
helay liis kasta oo ah dadka loo soo bandhigay inay ka
qaybgalaan doorashada Golayaasha degaanka waxa loo
xisaabaya qaabka qiyaasta saamiga kuraasta iyo codka(
proportional representative list system).
Habka aynu wax u dooranaa waa (proportional
representation system), macnuhuna waxay tahay dadku
waxay u codaynayaan xisbinimada, marka xisbiyadu codka
shacabka kala hela an ayey murashaxiintu xisbiga
gudihiisa ku kala baxaan sida ay u kala cod badan yihiin
xisbi ga dhexdiisa. Halkaa waxa ka cad in ay
murashaxiintu ku soo baxayaan cod xisbigu leeyahay,
laakiin ma jiro mudanuhu cod uu gaar u leeyahay oo uu ku
soo baxay.
Sidaa daraadeed, xeerka cusub ee Golaha Wakiiladu
ansixiyeen faqradiisa ama qaybtiisa sad exaad waxa ay ka
hor imanaysa labada qodob ee aan kor ku xusay, ee kala
ah Dastuurka Qa ranka iyo Xeerka doorashooyinka.
Sababta oo ah, mudanuhu waxa uu golaha ku fadhiyaa
codkii xisbiga keenay oo aanu meel kale ula guuri Karin.
Isagu xisbiga waa uu ka bixi karaa qof ahaan, laakiin
xildhibaanadu mar walba waxay ku hadhaysaa xisbiga.
Haddaba, si aynu uga nabad galo khalkhkal iyo qalalaase
ka yimaada arintan ayada ah, ama aanay u noqon wada
halaq, oo aanay kolba kooxdii dan gaar ah yeelata isugu
dayin in ay Da stuurkii Qranka waafajiyaan dantooda
gaarka ah. Waxa haboon in aad looga dadaalo inaanu
Xeerkaa cusub faqradiisa sadexaad aanay hirgalin.
Waxaanan Golaha Guurtida kula dardaam aya in ay xeerka
dib ugu celiyaan Golaha Wakiilada, iyaga oo ka codsanaya
Golaha Wakiilada in xeerka isaga ah laga saaro faqrada
sadexaad ee keenaysa iska hor imaatinka sharciga.
Qore: Cali Axmed Sh Musa
Email: golwaraabe@yahoo.co.uk |
|