Xiisad Cusub Oo ka Oogan Ceel bardaalle oo Xalay Hal Qof lagu Dilay Midna Lagu Dhaawacay
 


 

Hargeysa Decr 12 ,2010 (TNN)- Xiisad colaadeed ayaa mar kale dib uga soo cusboonaatay deeg aanka Ceel bardaalle ee u dhaxeeya Gabilay iyo Boorame ka dib markii saqdii dhexe ee xalay  ko ox dablay ahi weerar ay ku qaadeen reer oo ay mir ku dilleen nin mid kalena ay dhaawaceen.

Badhasaabka iyo cuqaasha gobolka Gabilay ayaa xalay shir jaraa’id oo ay ku qabteen xarunta maamulka gobolka Gabilay waxay ku cambaareeyeen dilkaasi oo ay sheegeen inuu soo kordhin karo xaalad colaadeed oo hor leh, waxaanay intaasi ku dareen ciddii falkaasi geysatay aanay m etelin deegaanka Gabilay.

Badhasaabka Gobolka Gabilay Rashiid Cumar Sh. Muxumed, oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa ugu horayn cambaareeyay falkaasi oo uu tilmaamay inay aad uga xun yihiin waxaanu yidhi “Wa xaanu shirkan jaraa’id u qabanay inaanu muujino siddaanu uga xun nahay dilka dhacay xalay (habeen hore) abaarro 2:00 habeenimo dilkaasi oo run ahaantii ka dhacay Gobolka Gabilay, aad iyo aad ayaanu uga xunahay waanan ka tacsiyadeynaynaa ehelkii qofka dhintay iyo ka dhaawa c mayba.waxa noo socday dedaalo aanu doonaynay in nabad laga gaadho arrintii jirtay.anagoo nabadda aan ka daalayn marnaba oo anaga maamulkii Gobolka Awdal iyo Wasaarada Arrimaha Gudahaba, isku ogayn arrintaasi.waxaan u leenahay odayaashayadiina waanu haynaa dhinicii k alena waanu u tagaynaa.”

“Waxaan raacinaynaa ayaa arrintan waanu ka hawl galay oo Taliyihii ciidanka Booliska gobolka Gabilay ayaa ku waabariistay waxaanan ku jirnaa raacdo la xidhiidha sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadkii falkan foosha xun geystay,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Gabilay.

Dhinaca kale, Caaqil Gaydh Cigge oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id wuxuu yidhi “Waxaanu ka hadl aynaa falka foosha xun ee ka dhacay deegaanka aanu anagu metalo. Falkaasi waa mid waxshini mo ah mana aha wax aanu raali ka nahay iyadoo la ogyahay xaalada deegaankaasi dad badan na ay ku dhinteen,haddana waxa la doonayay inaanu nabad ku dhamaysano.

waxa Somaliland u sheegaynaa inaanay arrintaasi ahayn wax ummaddu raali ka tahay. Waxaa nu xukuumadda ka codsanaynaa in la soo qabto gacan ku dhiigleyaashii falkan fuliyay.waxaanu halkan ka caddaynaynaa nabadda waanu jecel nahay wax naga dhooqeeyana ma ogolin.”

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay oo cambaareeyay falka dilka ah ee ka dhacay deega anka kaxda ee Ceel bardalle Faarax Miigane Nuur, Cabdi Qalinle iyo Badhasaab Ku Xigeenka Gabil ay.



Source:Somaliland.Org