Ururka Qareenada Somaaliland (SOLLA) oo soo saaray deraasad sharci
oo ay ku cadaynayaan mashruucan Sharci (Xeerka Isgaadhsiinta JSL) in
uu waafaqsanyahay Dastuurka Jamhuuriyada Soomaliland oo aanay ku
jirin qoddob ka hor imanaya 130 qoddob ee Dastuurka Somaliland
Hargeysa (TNN) Ururka Qareenadda
Somaliland ayaa soo saaray Daraasad ay ku taageerayaan Xeerka
qabyada ah ee Isgaadhsiinta ee horyaala Golaha Guurtida, kaasoo ay
ku sheegeen inuu waafaqsan yahay 130 qoddob ee uu ka kooban yahay
Dastuurka Somaliland, sial markaana aanu ku jirin qoddob kaliya oo
ka hor imanayaa.
Hadaba Daraasadan oo dheer isla markaana la isku bar-bardhigayo
qoddobada uu Xeerka qabyada ah ee Isgaadhsiintu ka kooban yahay iyo
kuwa ka khuseeya Dastuurka Dalka oo uu ku saxeexan yahay
Guddoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Jaamac Cilmi
Xaashi waxa uu u dhigan yahay sidan:-
Ref: SOLLA/H/099/2011. Tr:14/05/2011
DERAASAD SHARCI EE MASHUURACA SHARCI ISGAADHSIINTA.
Waxaa muddo bilo ah, dhegaha iyo indhaha bulshada Somaliland gaar
ahaan kuwa caasimada Hargeysa ku soo noqnoqon ayay weedho, maqaalo,
bayaano, muqaalo ka soo baxayay warbaahinta kala duwan iyo weliba
goobo badan oo bulshadu ku kulanto oo lagaga hadlayo Mashruuca
sharci ee qabyada ah ee Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka (National
Telecomunicati on Bill) oo dhowaan Xukuumadu u gudbisay Golaha
Wakiilada, iyadoo Goluhu markuu maalmo ka doodayay ansixiyay una
gudbiyay Golaha Guurtida oo uu hadda horyaal, iyadoo doodahaa laga
kala qabo Mashruucan sharci ee Isgaadhsiinta Qar anka ay isugu biyo
shubanyaan khilaafsanaanta Dastuurka iyo waafaqsanaanta Dastuurka
JSL.
Haddaba, iyadoo Ururka Qareenadda Somaliland (SOLLA) oo ah urur
mihnadeed wadani ah oo aan macaash doon ahayn,x ukuumi
ahayn,dhexdhexaada oo ay xilkiisa ka mid tahay in uu soo saaro
deraasado sharci ee ku wajahan khilaafaadka iyo muranada guud ee la
xidhiidha sharciga oo uu Dastuurka JSL ugu mudan yahay, isagoo
bayaamin madaxbanaan ka samay naya mawduucyada muran ee la xidhiidha
sharciga iyo Dastuurka si aan bulshadu ugu jaahwareerin, isla
markaana ay waajib ku tahay in uu ka digo, kana soo jeediyo talooyin
wax ku ool ah ku-dhaqanka shuruucda Dalka iyo khilaafidda ama
waafaqsanaanta Dastuurka JSL. Hadaba iyadoo ku-dhaqanka, ixtiraamka,
jebin la’aanta iyo ku dhaqanka Dastuurka JSL uu yahay waajib saaran
muwaadin kasta iyo dhammaan waaxyaha Qaranka ee Xeer-dejinta,Fulinta
(Xukuumada) iyo Garsoorka iyo dhamaan maamulada Gobolada iyo
Degmooyinka Dalka, sida ku qeexan Qod:21(1) & 34(2) ee Dastuurka JSL.
Waajibkaa guud waxaa aqoonyahanka sharciga u dheer in uu talo ka
bixiyo, ka digo, muujiyo,kana soo saaro deraa sad madaxbanaan iyo
soo jeedimo la xidhiidha muranada sharci ee ku saabsan
waafaqsanaanta ama khilaafsanaanta Dastuurka JSL iyo weliba
shuruucda kale ee Dalka.
Hadaba Markii uu ku baraarugay Ururka Qareenada Somaliland
(Somaliland Lawyers Association) (SOLLA) soo nonoqosh ada doodaha
iyo muranada sharci ee ku saabsan khilaafsanaanta ama waafaqsanaanta
Dastuurka ee mashruucan sharci ee Xeerka Isgaadhsiinta JSL ee
Xeer-dejiyaha JSL uu hadda dejintiisa ku hawlan yahay, gaar ahaana
uu hor yaalo hadda Guriga Odayaasha JSL (house of Elders) isla-
markaana ay u muuqatay Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) jaahwar
eerka bulshada uu ka dhex abuuray ee dhaliyey murano iyo doodo aan
sharci ahaan wax loo cuskanayaa aanu jirin.Mur anadan iyo doodahan
oo dhaliyey in qaybo badan oo bulshada ka mid ah oo ka fayaw dano
gaar ah ay is waydiinayaan su’aalo badan oo ay ka mid yihiin:-
Ma run baa in Mashruucan sharci ee Isgaadhsiintu in uu Dastuurka
khilaafsayahay?
Haddii uu khilaafsan yahay maxaa lagu falayaa ee Dastuurka loo
jebinayaa? Haddii aanu khilaafsanayn Maxaa loogu cilladaynayaa oo
looga dan leeyahay?
Ma Xukuumaddii aad doorateen sanad wax ka yar horteed ayaa durba u
badheedhay in ay u gudbiso Golaha Baarlamaanka Mashruuc sharci oo
khilaafsan Dastuurkii aad Aftida ku ansixiseen?
Ma Golihii Wakiilada ee codka dadka ku soo baxay ayaa u codeeyay oo
ansixiyay mashruuc sharci oo Dastuurka? Tolow Maxay ku bedesheen
Dastuurka?
Mee sharci yaqaankii Dalku? Maxay la aamusan yihiin haddii
Dastuurkii la jebinayo oo Xeer khilaafsan la soo saarayo? IYO
SU’AALO KALE OO BADAN.
Haddaba Ururka Qareenadda Somaliland(SOLLA) isagoo ka duulaya
xilkiisa muwaadinimo iyo ka-aqoonyahan sharciyeed, isaga oo ku
eekaanaya oo keliya khilaafsanaanta ama waafaqsanaanta Dastuurka ee
Mashruucan sharci, dhinacna iska dhigaya doodaha Bulshada dhexdeeda
ee ku kala wajahan aragtiyahooda ay ku naqdiyayan khilaafida
Dastuurka JSL ama ay ku taageeryaan waafaqsanaanta Dastuurka JSL iyo
afkaaraha kale ee ay ka kala qabaan Mashruucan sharci ee ka dhaliyey
bulshada dhexdeeda doodaha baahsan,waxa uu sameeyey Ururkan
Garyaqaanada Somaliland (SOLLA) deraasd uu ku lafa-gurayo kuna
barbar dhigayo waafaqsanaanta ama khilaafidda Dastuurka JSL ee
Mashruucan sharci ee Xeeka Isgaadhsiinta JSL (Xeer Lr: 50/2011.
Ururka Qareenada Somaliland (SOLLA) isaga oo ka madax banaan doodaha
bulshada dhexdeeda ka socda, danaynayana sharciga oo keliya waxa uu
soo saaraya Deraasaddan uu ku lafa-gurayo mashruucan sharci ee
Isgaadhsiinta Qaranka JSL, isaga oo ka eegaya waafaqsanaanta ama
khilaafidda Dastuurka JSL.
Hadaba dood waqti dheer qaadatay ka dib waxa uu Ururka Qareenada
Soomaliland (SOLLA) u soo bandhigayaa Bulshada Somaliland,
golayaasha Qaranka iyo Xukuumadaba Deraasadan sharci :-
DARAASADDA MASHRUUCAN SHARCI EE XEERKA ISGAADHSIINTA JSL.
Mashruuca sharci lr.50/2011(Xeerka Isgaadhsiinta Qaranka) oo marka
uu dhamaysto hab-raaciisa xeer-dejineed ee ku qeexan Qod: 77,78
Dastuurka JSL noqon doona ama loogu yeedhi doono XEERKA
ISGAADHSIINTA SOMALILAND wuxuu ka kooban yahay 18 Cutub oo u sii
qaybsama 81Qodob kuwaas oo faahfaahintoodu tahay sidan:
Cutubka 1 aad: Qodobo Guud Qod.1 & 2 aad
Cutubka 2 aad: Wasaarada B&I Qod 3 aad
Cutubka 3aad: Komishanka Isgaadhsiinta Qaranka Qod 4-8 aad
Cutubka 4 aad Xil-gudashada Komishanka 9- 12 aad
Cutubka 5 aad Maaliyada & Wixii la xidhiidha (Komishanka) Qod 13-15
aad
Cutubka 6 aad Ruqsadaha; Qod.16-29 aad
Cutubka 7 aad: Ogolaanshaha Qalabka.Qod 30 aad
Cutubka 8 aad; Maamulka Mawjadaha Idaacadaha iyo adeegsigooda.Qod
31-40 aad
Cutubka 9 aad: Lambaradda Isgaadhsiinta Qod.41-46 aad
Cutubka 10 aad: xeer u samaynta sayladaha isgaadhsiinta. Qod 47-53
aad
Cutubka 11 aad; Ilaalinta Macaamiisha.Qod 54-56 aad
Cutubka 12 aad: Ilaalinta xogta iyo Sirta gaarka ah Qod 57-61 aad
Cutubka 13 aad: Ammaanka Qaranka. Qod 62 aad
Cutubka 14 aad: hantida guud iyo ta gaarka ah. Qod 63-68 aad
Cutubka 15 aad: Xallinta Khilaafaadka. Qod 69-70 aad
Cutubka 16 aad: Fulinta iyo Ciqaabaha. Qod. 71-73 aad
Cutubka 17 aad: Dib u eegista Go’aamada.Qod 74-77 aad
Cutubka 18 aad: Kala wareegida Shaqada & hantida. Qod:78-81 aad
Hadaba Qaabka uu xeer-dejiyuhu u qaabeeyey mashruucan sharci ee kor
ku sheegani waxa uu tilmaan cad u yahay in marka laga reebo cutubka
kowaad oo ka hadlaya arrimo guud oo kala ah fasiraada erayada xeerka
dhexdiisa loo adeegsaday iyo ujeedooyinka Xeerka,dhamaan inta kale
waxay ka hadlayaan nidaamka ay komishanka Isgaadhsiinta iyo
Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiintu u habaynayaan hawlaha
Isgaadhsiinta taas oo ah xil xukuumadu u xilsaaran tahay.
Hadaba waxaa lagama maarmaan ah si aan Mashruucan sharci ama Xeerkan
qabyada ah uga soo saarno deraasad sharci oo ku dhisan sharci iyo
aqoon in aan is waydiino muxuu ka yidhi Dastuurka JSL Isgaadhsiinta
gaar ahaan iyo guud ahaan hawlaha ganacsiga oo ay ku jirto ka-ganacsiga
adeegyada Isgaadhsiinta.
DASTUURKA IYO ISGAADHSIINTA JSL.
Xorriyadda iyo Dhawrsanaanta Xidhiidhka Isgaadhsineed.
Qodobka 30 aad ee Dastuurka JSL.
Xorriyadda Isgaadhsiinta.
Qodobka 30 aad ee Distuurka JSL waxa uu u dhigan yahay:
Qofna lama fara-gelin karo qoraalladiisa gaarka ah, waraaqihiisa
boosta ama xidhiidhkiisa isgaadhsiineed, marka laga reebo xaaladdaha
uu xeerku baneeyey baadhitaankooda,daba-galkooda ama dhegaysigooda
iyada oo ay markaana waajib tahay in la helo amar garsoore oo
sababaysan.
Xeerkan Qabyada ah (Xeerka isgaadhsiinta JSL).
Cutubka 12 aad Iaalinta xogta & Sirta gaarka ah.
Qodobka 57aad.
Waajibaadka.
Qodobka 57 aad ee Xeerka Isgaadhsiinta JSL waxa uu ka kooban yahay
laba xubnood ama farqadood waxaanu u dhigan yahay:
Iyada oo aan la jebinayn cutubka 11 aad, isla markaana laga
hortegayn farsamada kaydinta xogta, xidhiidhka Isgaadhsiimeed ee
dhex mara macaamiisha waxaa loo aqoonsanayaa sir qarsoon.
Ruqsadle walba waxaa ku waajib ah in uu qaado talaabooyinka
macquulka ah si uu u xaqiijiyo sida ugu haboon ee lagu illaalin karo
sirta macmiilka.
DHAQAALAHA GUUD AHAAN & TARTANKA SUUQ XOR AH.
Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.
Qodobka 11 aad.
Dhaqaalaha Dalka.
Qodobka 11 aad ee Dastuurka JSL waxa uu ka kooban yahay Saddex
Xubnood ama farqadood,waxaanu dhigan yahay:-
si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soo-saarka,kor-u-qaadidda heerka
nolosha,abuuridda goobo shaqo iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha
dalka Dawladdu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha oo ku
salaysan mabaadi’da suuqa xorta ah iyo is-garabsiga hantida gaar
ahaaneed,hantid wadareed,hantida Qaranka iyo maalgelinta
shisheeyaha.
lyadoo Ia dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in
barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si
aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo
kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u
dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada
Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale
si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo.
Maal-gelinta shisheeyaha ee dalka gudahiisa Dawladdaa damaanad
qaadaysa; xeer baana lagu nidaaminayaa.
Xeerka Qabyada ah (Xeerka Isgaadhsiinta JSL).
Qodobka 2 aad (4)
Mabda’a ku xusan Qodobka 11aad(1aad) Dastuurka JSL ee dejinta
siyaasad qaran oo ku salaysan mabaadii’da suuqa xorta ah iyo
isgarabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida wadareed, hantida Qaranka
iyo maalgelinta shisheeye wuxuu xeerkan isgaadhsiinta JSL ee qabyada
ahi ku xaqiijiyay qodobo iyo faqrado badan oo ay ka mid yihiin:-
Qodobka 2aad ( 4aad) oo u dhigan: “Xeerkani wuxuu si buuxda u
difaacayaa maalgashiga adeegyada isgaadhsiinta,iyadoo mudnaanta la
siinayo shirkadaha maxaliga ah ee ku hawlan adeegayada
isgaadhsiineed,isla markaana Wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta
JSL iyo Komishanka Isgaadhsiintuba sidooda ayey u aqoonsan doonaan
heshiisyadii Xeerkan Isgaadhsiinta JSL ka horeeyay ee Wasaaradu
gashay.”
Qodobka 5 aad (5) (a).
Xubintan 5aad ee Qodobkan 5aad xarafka (a) waxay ka hadasha awoodaha
iyo waajibaadka Komishanka Isgaadhsiinta waxaanay xubintani u dhigan
tahay: “In ay ka dheeraadaan hab-dhaqan kasta oo ka soo horjeeda
tartanka suuqa xorta ah,si ay u xaqiijiyaan furfurnaanta suuqa,waxaa
kale oo xil ka saaran yahay in ay xayiraan qof kasta ama ruqsadle
kasta oo isku daya in uu si qaloocan uga faa’iidaysto macaamiisha.
GUNAANAD IYO GABAGABO.
Haddaba Ururka Qareenada Soomaliland (SOLLA) isaga oo ka duulaya
xilkiisa oo ugu darban yahay in uu u iftiimiyo mugdi iyo muran kasta
oo la xidhiidha arrimaha sharciga waxa uu u xaqiijinayaa ka dib
markii uu barbar dhigay Qodobada Dastuurka JSL ee ka hadlaya
isgaadhsiinta iyo furfurnaanta suuqa xorta ah in mashruucan sharci
(Xeerka Isgaadhsiinta JSL) uu yahay xeer aqoonsanaya ilaalinta
sirnimada xogta isgaadhsiinta iyo furfurnaanta suuqa xorta ah.
Sidaasi darteed waxay daraasadan sharci ee ku wajahan Mashruucan
sharci (Xeerka isgaadhsiinta JSL) waxay muujinaysaa in mashruucan
sharci ee Xeerka isgaadhsiinta JSL,ee (xeer Lr.50/2011) aanu
khilaafsanayn Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Haddaba, Ururka Qareenada Somaaliland (SOLLA) waxa uu ku soo
gunaanadayaa deraasadan sharci in mashruucan Sharci (Xeerka
Isgaadhsiinta JSL) uu waafaqsanyahay Dastuurka Jamhuuriyada
Soomaliland kuna jirin xeerkan qabyada ah qodob ama faqrad ka hor
imanaysa ama khilaafsan boqol iyo sodonka (130) Qodob ee Dastuurka
Jamhuuriyada Somaliland.
Waxa kale oo uu Ururka Qareenada Soomaliland (SOLLA) uu cod dheer
ugu soo gudbinayaa bulshada reer Somaliland iyo golayaasha Qaranka
in mashruucan Sharci (Xeerka isgaadhsiinta JSL) uu yahay xeer baahi
weyn uu u qabay Qaranka Jamhuuriyadda Soomaliland, sababta oo ah
waxa uu xeerkani nidaamiyaa isgaadhsiinta Jamhuuriyadda Somaliland,
kaasi oo aan loo baahnayn in lagu carqaladeeyo khilaafsanaan Dastuur
oo sharci ahaan aanay waxba ka jirin.
Wabilaahi Towfiiq.
|