Xan
iyo ceebi yey na raacine xoriyadiisa Siiya Wariye Xuuto!
(Xadhiga
Xuuto xaq iyo xeer mid ma aha,waa xoriyad ka
qaadis,saxaafada xorta ah,ee xaal ha laga bixiyo,oo aynu
xaq dhowrno wariyaha)
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa dalkii hooyo ka soo
baxayey warar badan oo runtii waxyelayn kara
Dimuqraatiyadii Somaliland ay ku faanaysay mudada
dheer,waxaay ceeb weyn iyo magac xumo ka soo gaadhi
kartaa dhamaanba shacabka reer Somaliland gudaha iyo
dibadaba,wararkaasi waxay bar madow ku noqon karaan
xuquuqda saxaafada guud ahaan ,gaar ahaanna Saxaafada
xorta ah,waxay sidoo kale cabudhin weyn ku tahay
xuquuqda muwaadiniinta reer Somaliland.
Maalmihii ugu dambeeyey waxaa
Xabsiga loo taxaabay
Tafatirihii Wargeyska caanka ah
Waaheen,
M axamuud Cabdi Xuuto,kaas
sida la sheegay lagu xukumay Xabsi dheer iyo ganaax
lacageed,waxaa is na sidoo kale
Xabsiga la dhigay Boqor
Raabi oo ka mid ah madax dhaqameedka reer
Somaliland,wara rkuna waxay sheegayaan in Xuuto lagu
haysto qoraan ku soo baxay Wareyska Waaheen ee uu tafa
tiraha ka yahay,Boqor Raabi-na wareysi uu siiyey
HCTV, mana jirto wax intaa
dhaafsan oo loo cuska day xadhiga muwaadiniintaas aan
magacooda kor xu xusay.
Waxaa jira warar lagu kalsoon yahay oo sheegaya in
hanjebaado iyo caga jugley loo geystay qaar k a mid
Saxaafada xorta ah,weliba mararka qaarkood waxaa
Ciidanka Boolisku ay yimaadeen guryaha Tafatirayaasha
iyo xarumaha Wargeysyada qaarkood.Waxaa la xaqiinayaa in
ay ay diniino culus hel een saxaafada ay ka mid
yihiin,Wargeyska Waaheen,Wargeyska
Yool,Wargeyska
Saxafi,Wargeyska
Star,qaar ka mid ah
Webside,
HCTV,waxaa mar albaabada
loo xidhay UniversalTV,waxaa
xilligan Maxk amadi ku socotaa Wargeyska Saxafi oo
isna loo haysto war uu qoray.
Waxaan si fiican u xasuustaa wixii Saxaafadu ka qori
jirtay Xukuumadii hore,waxaa maanta la heli ka raa
oo meel walba yaala dakharadii
xanuunka badnaa ay Saxaafadu ku dhufay xukuumadii
hore,wax an cidna ka qarsooneyn hadaladii
xajiinta badnaa ee Saxaafadu marar badan kula dul kuftay
Madax dii Dowladii hore,iyadoo intaas oo dhami jirtay oo
la wada og yahay,haddana marna saxaafada xorta ah kuma
dhicin dakharo la mid ah kuwii todobaadkii ugu dabeeyey
oo keliya dhacay
Shuurcda caalamiga ah iyo shuruucda dalka ma jirto meel
ay kaga qoran tahay cabudhinta iyo xadhi ga bilihii ugu
dambeeyey la soo dersay Saxaafada xorta ah ee
Somaliland,Tusaalle ahaan ,Q.32
ee Da stuurka Somaliland
wuxuu damaanad qaadayaa , si cadna u qeexayaa
madaxbanaanida Saxaafada xo rta ah,
waxaa ku cad qodobkaas in Saxaafada ay ka reeban tahay
nooc kasta oo cabudhin ah.
Q10 e e
Xeerka Saxaafada ayaa isna
waxaa ku cad halka loo marayo dacwad kasta oo lagu soo
oogayo Sax aafada xorta ah.
Xilligii lagu guda jira ololaha Doorashooyinka waxaa
Xisbiga hadda talada hayaa u balan qaaday Saxa afada
xorta ah in ay heli doonaan xoriyad buuxda,in ay uga
roonaan doonaan Dowladii hore,waana tii keentay in mar
qudha ay Saxaafadu si wada jirta isugu raacdo ridida
Dowladii hore.
Waxyaabihii ku qornaa barmaamujkii siyaasdaeed ee
ololaha Doorashooyinka Xisbiga talada haya waxay
ahaayeen sidan:-
5.
Horumarinta Saxaafadda
Dhiirri-gelinta iyo kobcinta saxaafada xorta ah iyo
madaxbanaaneynta iyo horumarinta warbaahinta
dawladda, loona dejin doono siyaasadd ku waajahan
helidda iyo fidinta xorta ee wararka.
•
In la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta
(Public Broadcasting Corporation) oo hoos
imanaysa guddi madaxbanaan
•
In si degdeg ah xayiraadda aan dastuuriga
ahayn looga qaado furashada idaacado gaar
loo leeyahay iyo nooc kastoo warbaahin ah
Waxaa ku wajib ah Saxaafada xorta ah,dhamaan cid kasta
oo qalinka isticmaasha in ay ka hadlaan,u
hiiliyaan,codkoodana ku biiriyaan gurmadka loogu jiro
sidii loo sii deyn lahaa Wariyaha,Tafatiraha Wa
rgeyska Waaheen,oo xilligan xabsiga ugu jira qoraal uu
ku qoray Wargeyska.Hadii aad ka aamustaan XUUTO,waad ku
xigi doontaan,maalintaana waanu kaa aamusi doonaa aniga
iyo inta ila mid ahiba,ogs oonowna Saxaafadu waa koox
isku xirfad ah midba mid kale in uu ilaaliyaa,is
garabtaagaa waa xeerk a saxaafad.
Way adag tahay in la fahmo sida wax u socdaan ,mana arag
wax ku cusub wixii Saxaafada madax b anaani
awelba qori jiray.Hadii ay sii socdaan hanjebaadaha,
caga jugleynta,xadhiga iyo cabudhinta xilligan la soo
deristay Saxaafada Xorta ah ee
guud ahaan Somaliland,gaar ahaanna
TV-yada,Websi
de-yada,iyo Wargeysyada
aan sida gaarka magacooda kor ugu xusan,haddii aan si
deg deg ah loo sii deynin Tafatiraha Wargeyska
Waaheen,haddii aan dib talo laysugu noqon oo aan wax
laga bedelin h abka loola dhaqmayo Saxaafada xorta
ah,Somaliland waxay halis ku tahay arimaha soo socda:-
1. Waxaa mugdi geli doonaa
Dimuqraatiyada Somaliland.
2. Waxaa meel laga dhici
doonaa xuquuqda muwaadiniin badan oo aan waxba galabsan.
3. Waxaa cabudhin iyo
xoriyad la,aani ku habsan doontaa guud ahaan Saxaafada
Somaliland.
4. Waxaa xadhig iyo xukun
adag geli doona Saxaafad badan oo aan maanta ka deerin
kana damqan xadhiga Wariye Xuuto.
5. Waxaa hoos dhici doonaa
codka shacabka reer Somaliland gudaha iyo dibadaba.
Hadal iyo dhamaan Xuuto ma qorin qoraal wax u dhimaya
Qaranimada Somaliland ee ee ka sii daaya xadhiga waa
muwaadin dalka iyo dadka u adeegee.
Mahadsanidin
Abdi
M.Saleiman
(Mingiste)
Abdi_saleiman@hotmail.com |
|