“Dagaallada Somalia Inaga Oo U Gurmana Mooyee Cid Kale Oo Wax Ka Taraysaa Ma Jirto, Haddaanu Ku Guulaysano Foodkana Qorshaha Way Noogu Jirtaa"Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe

 


Hargeysa April 12, 2010 (TNN) - Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dagaalada iyo colaadaha ka aloosan somaliya aanay cid kale oo caalamka ka socotaa aanay xalin karin, waxaanu intaa ku daray in Somaliland oo gurmad u gasha xalinta dhibaatooyinka ka taagan koonfurta ay si dhakhso ah u xalin lahayd.

Waxaanu guddoomiyaha UCID oo kale oo uu sheegay in hadii xisbigoodu ku guulaysto doorashada  mad axtooyada ay qorshaha ugu jirto inay u hawl galaan xalinta dhibaatooyinka ka taagan.

Guddoomiyaha UCID Eng: Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaasi ku sheegay casuumad soo dhawayn ah oo uu shalay u sameeyey boqorka beesha Magaadle Boqor Cismaan Maxamud Nuur oo dhawaan lagu soo caleemo saaray magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, wakhtigan xaadirka ahna socdaal ku jooga caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Ugu horayn casuumadan gudoomiyaha Ucid ku soo dhaweeyay boqorka beesha Magaadle, waxa  khud bad kooban oo isugu jirta wacdi iyo talooyin ka soo jeediyay caalimka weyn Sh Maxamed Cumar Dirir, oo sheegay in ummadu isku naxariisato, islamarkaana masuuliyiinta bulshadu cadaalad sameeyaan, taasoo uu tilmaamay in horumar lagu gaadhi karo dhibaatadana lagaga fogaan karo, waxana uu  Shee khu halkaa ka jeediyay ducooyin qiimo leh.

Gudoomiyaha Ucid Eng Faysal Cali Waraabe isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa hadalkiisa ka mid ahaa “dalkeenu maanta xor weeye, Soomaali maanta Somaliland oo kaliya ayaa nabadgalyo haysata, nabadgalyadu waxa weeye aasaaska nolosha waa inaynu adkaynaa oo ku shaqayno sii xoojino, hase yeeshee waxa meesha ka muuqata dalkeena maanta inteenaa malaha Hargeysa joogta in ka mid ah uun baa saaka wax cunta, dadkeenii 80% way gaajoonayaan maamulku ma gaadho, bilaysku ma  gaa dho, cadaalad, biyo ma gaadhaan, waxa weeye xil baa ummada inaga saaran, waxa weeye qofka masuulka ahi maaha masuuliyada markuu qaado inuu isagu ku shaqaysto maaha waa inuu ummadiisa ku ilaaliyo oo ka warhayo. Waxaan idinku waaninayaa inaad ku noqotaan beelihii aad kasoo jeedeen oo siday bal ku nool yihiin aad soo eegtaan, waxa weeyaan maanta caaqil iyo Suldaan beeshiisii ku nooli wuu yar yahay Hargeysa ayaa la iska so xaadiriyey, waxaan idin kula talinayaa inaad ku noqotaan beelihii oo so siyaarataan oo baahidooda dawlada iyo dadka masuuliyiinta ah u sheegtaan. Madaxda Somaliland ama Suldaan ama dawlad aan ka warhayn dadkooda , dad baa jira 18 kaa sanadood aanay wax dawlad ah oo masuul ahi rag oo xataa caasimada aan ka fogayn. Ta kale arrinta shaqaaqada hawdka kililka shanaad ee soo noqnoqnaysa ee jabhadahu dadka isku dirayaan waxaanu leenahay idiin suurto galimayso inaad dadka dab kala dhex dhigtaan, iyadana waa inaad ka hawl gashaan oo odayaashooda kala hadashaan arrintaa ayaa loo baahan yahay” “Maanta Soomaali uma baahna dhiig daata, Dhibaatooyinka iyo dagaallada Soomaaliya innaga oo u gurmanna mooyee cid kale oo wax ka taraysaa ma jirto, haddaanu Ucid nahayna arrintaasi qorshaha ayay noogu jirtaa haddaanu foodka (doorashada) helno inaannu ka qaybqaadanno xalinta dhibaatooyinkaas,"

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu sheegay in Xisbiga UCID maamulkiisu noqon doono haddii uu  tal ada dalka ku guulaysto Diinta Islaamka, ku dhaqanka Kitaabka Quraanka ah iyo Sunnaha Nabiga  (S.C.W), waxaanu xusay in xukunka kaliya ee lagu soo celin karo wixii 1960-kii Somaliland ka lumay, meeshana lagaga saari karo qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta uu yahay mid Islaamiya.

Wasiirkii hore ee degaanka iyo horumarinta miyiga Fu’aad Aadan Cade haatana ka tirsan masuuliyiinta xisbiga Kulmiye oo isagu casuumadaa hadal kooban ka jeediyay waxa hadalkiisa ma mid ahaa “Marka hore waan salaamayaa boqorka beesha Magaadle, Xisbiga Ucid waa loo mahad naqayaa  gudoomiya heeda iyo masuuliyiinta-ba way ku mahadsan yihiin casuumadan ay boqorka u fidiyeen, woxogaa waxaan ka xumahay inay nooga dheereeyeen hadaanu Kulmiye nahay laakiin waa walaalahayo , Nuur Axmed iyo Naaleeye Axmed oo walaalo ah Nuur wuxuu yidhi Ilaahow waxaan Nuur calaf ku lahayn Naaleeye sii, waxaanu leenahay Ilaahow waxaan Kulmiye calaf ku lahayn Ucid sii baanu leenahay. Su’aal baan maanta weydiinayaa dadka anagu qabiilka Magaadle ayaanu u naqaana, waxaynu had iyo goor maqalaa Magaado, waxaan ogaysiinayaa Magaado marmar si sux baa loo isticmaalaa ilayn taariikhbaa la sheegaya marmar baa lala soo baxaa oo laga dhigaa Habar lagu xumaynayo habar Jeclo oo lagu fogaynayaa. Marka ay iska ladan yihiin qoladan Habar-Awal waxay yidhaahdaan Shariifa na dhashay anaga Magaada nama dhalin, horta waxaan ka codsanayaa qolada reer galbeedka ee reer Sh Isaxaaq inay magaado meel dhigaan oo ka daayaan muranka.anagu waanu qiranaynaa oo Nuur iyo Naaleeye hartiga barigu dhawaan buu na soo galaye dhulbahante iyo Warsangali ayaa jecelahay in la noogu yeedho magacaana majeerteen baa lahaan jiray”

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Suldaan Yuusuf Xiiray oo ka mid ah salaadiinta reer Somaliland oo  she egay in salaadiin ahaan loo baahan yahay in laga arrinsado shaqaaqada soo noqnoqonaysa ee hawdka kililka shanaad ee Itoobiya ee Jabhada ogaadeeniya dhibaatada ku hayso dadka ku dhaqan  deegaan kaasi loo hawl galo, sheegayna in in boqorka beesha magaadle ee martida ku jooga Hargeysa in soo dhoweyn uu mudan yahay.ugu danbeyntii waxa kalmado duco ah ku soo xidhay boqorka beesha  Maga adle ee casuumadan loo sameeyey Boqor Cismaan Maxamud Nuur.
 


Source:Haatuf