Xaflad aad u
balaadhan oo loogu Wan-qalayay Jaama cada Cusub ee Timacadde ayaa
saaka
lagu qabtay Xarunta Jaamacada ee Magaalada
Gabiley
Gabiley (Longlivesomalialnd news) Xafladan oo ahayd mid si wayn loo
soo agaasimay isla markaana aan loo kala hadhin, waxa ka soo qayb
galay Gu ddoomiyayaasha Labada Xisbi Mucaarid ee Kulmiye iyo
Ucid, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, Musharaxa
Madaxwayne ku xigeen ka Xisbiga Ucid Dr. Maxamed Rashiid
Sheekh Xasan, Musharaxa M/ku xigeenka Xisbiga Kulmiye C/raxmaan
Saylici, Guddoomiye ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi
Cabdi iyo Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Udub Cumar Jaamac Faarax.
Sidoo kale, Xafladan Maanta waxa joogay Guddoomiyaha Go laha
Deegaanka Degmada Gabiley Aaden Muxumed Bade, Ku xigeenka
Guddoomiyahaasi Khadra Xaaji Gaydh, Guddoomiyaha Gobolka Gabiley
Maxa med Axmed Aw Cabdi .
( Xaliib),Ku Xigeenkiisa C/risaaq Sheekh Aaden Cali,Guddoomiyaha
Gudida Horumarinta Gobolka Sheekh Maxamuud Yuusuf Xaaji Cabdi iyo
Guddoomiy aha Rugta Ganacsiga Somaliland C/raxmaan Faarax Sugaal.
waxa Iyaguna Maanta Munaasibadaasi ka soo qayb galay Wasiiradda
Wasaaradaha Waxbarshada, Xasan Xaaji Maxamuud (gadhwayne), Ganacsiga
Abiib Xasan Filfil, Qorshaynta Qaranka Cali Maxmaed Ibraahim(Sanyare)
ku xigeenka Qorshaynta Axmed Xaashi, Ku Xigeenka Waxbarashada
Isma aciil Muxumed Madar iyo ku xigeenka Boosaha iyo Isgaadhsiinta
Cali Sheekh Maxamed Aareeye( Aadami). Waxa iyaguna Maanta Xaflada ka
soo qa yb galay Salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Ismaaciil
Suldaan C/raxmaan Muxumed iyo Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar. Waxa
iyaguna Saaka Xafladaasi Yimid Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac(Gaariye)
iyo Abwaan Axmed Aw Geedi Amiin( Dheeraad) waxa iyaguna Xafladaasi
oo ahayd mid aad u qiimo badanayd ka soo xaadiray Sheekh Aaden Xaaji
Maxamuud Xiiray( Aaden Siiro), Sheekh Cabdillahi Makaawi,
Guddoomiyahii hore ee Dallada Sonyo Dr. Maxamed Yuusuf Aw
Cali(Culimo), Maamulka Jaamacada Cusub, Dhallinyarada tiro badan oo
wax ka barata Dugsiga Sare ee Qalax, Haween iyo Marti sharaf kale oo
aad u tiro badan.
Waxa halkaasi hadalo qiimo badan ka jeediyay
Dad badan oo ka mid ah Masuuliyiintii ka soo qayb galay.
Ugu horayn waxa halkaasi hadal ka jeediyay Hormoodka Kulliyada
Jaamacada Camuud Prof. Abokor Sheekh Cabdi oo sheegay in hirgalinta
Jaamaca dan Cusubi aanay ahayn mid si fudud ku timid. Prof. oo ka
mid ahaa Ardaydii ka baxday Dugsiga Sare ee Qalax, waxa uu sheegay
in ay maanta Farx ad wayn u tahay in uu ka qayb galo Xafladan
iyada oo uu halkan wax ka baran jiray iyada oo Iskuul ah. Waxa uu
dhammaan ka soo qayb galayaashii Xaflada guddoonsiiyay Salaan uu uga
siday Guddoomiyaha Jaamacada Camuud Prof Saleebaan Cabdi Guuleed,
Sheikh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray ( Aaden Siiro) oo halkaasi kala
hadlay Dadwaynihii Xaflada ka soo qayb galay ayaa sheegay in Xaflada
Maanta waxyaabaha la iskugu yimid ay ka mid tahay in ay Jaamacada
Cusub ugu ururiyaan Dhaqaale lagu kaabo oo lagu hir galiyo. Waxaanu
ku dhiiri galiyay dhammaantood in ay lacagtaasi iska soo ururiyaan.
Sheekh Maanta si adag ayuu ula hadlay Ka soo qayb galayaasha isaga
oo u sheegay in maanta aan lagu kala tagayn ilaa la bixiyo
Lacagtaasi. Waxa uu sheikhu halkaasi ka sheegay Murti badan oo
dhammaantood khuseeyay dhiirigalint Dadku in ay wax bixiyaan, “taasi
oo ah” buu yidhi sida kaliya ee Horumar lagu gaadhi karo. Waxa uu
sheekhu soo qaatay Maahmaahyo iyo Murti kale oo ay Le eyihiin
Dadka Somalida ah. Waxa uu ugu Maah maahay Murtida Somalida ee
Tidhaa “ Gabadhii tidhi, Ninka intaa leegi Gabadhayda kama Dhali
waayine waa Hakranayaa”
Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiiray, waxa uu xusay in Gobolka Gabiley
ay iska diiwaan geliyeen Dad ay tiradoodu gaadhayso 113.000. la rabo
in %30 ka mid ah Dadkaasi in laga rabo in qofkiiba uu bishii Bixiyo
Shillinka Somaliland 1000. taasi oo ka dhigaysa lacagtaasi hadii la
bixiyo Shillinka Somali land 40.000.000. waxa kale oo uu
sheegay in loo baahan yahay 200 qof oo ka mid Dadka Gobolka u
dhashay ee Meelahaa ku kala maqani in ay bixiya an qofkiiba
$50 bishiiba. Marka la bixiyana noqonaysa $10.000. taasina ay isku
gaynta ka dhigayso $8800. hadii la isku geeyo Sannadkii oo dhanna
noqonaysa Lacag aad u badan oo wax wayn ka tari doonta Baahida
Jaamacada.
Xukuumada Somaliland ayuu sheekhu u soo jeediyay in Boqolkiiba
Seddex ay bixiyaan Dakhliga Wajaale oo uu sheegay in ay maalintiiba
ka soo xaroo to lacag aad u badan oo gaadhaysa $25.000 ilaa
$30.000, kuna deeqaan Jaamacada 3% inta ay hanno qaadayso.
Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in Ururinta Lacagta loo samayn
doono Guddi dhexdhexaad ah. Dadkuna ay Lacagta ku soo hagaajin
doonaan Sanaadiiq la dhigi doono Masaajidada, Goobaha la iskugu
yimaado iyo Hudheelada Wax laga cunno.
Sh.Aadan Siiro ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee Lacagtaasi bixiya.
Waxaanu Sheekh Aaden Siiro bixiyay lacag $2000. sidoo kale waxa uu
sheekhu sheegay in la Jaamacada laga hor taagi doono Boodh kaasi oo
lagu qori doono Cida gacan dhaqaale ka gaysata Jaamacadan Cusub la
samayn Boodh ay ku qoran yihiin Dadka lacagtaasi bixiyay isla
markaana lagu dhajin doono Jaamacada Horteeda. intaa ka dib
Masuuliyiintii Madasha ka soo qayb galay qof kastaa waxa uu balan
qaaday in uu bixiyo Lacag karaankiisa ah.
Cabdiraxmaan Faarax Sugaal $2000, Suldaan Ismaaciil Suldaan
Cabdiraxmaan Muxumed$1000, Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed
Aw C abdi( Xaliib) $1000 iyo waxyaabo kale oo uu Jaamacada ugu
deeqi doono, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye $1000, Musharaxa M/wayne
Ku xigeenka Kulmiye Cabdiraxmaan Saylici $1000, Musharaxa M/wayne ku
xigeenka Ucid $1000,Guddoomiyaha Degmada Wajaale Maxamuud Wayne
$1000, Gud doomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada C/Casiis Maxamed
Samaale $1000 iyo Cabdillahi Xuseen Cige ( Balaaki) $1000 ( labadan
Masuul ee danbe Ma dasha ma joogin ee markii Telefoon lagu
hadlay ayay balan qaadeen) Garabka Haweenka Xisbiga Udub Maryan Xadi
$1000, Xoghayaha Siyaasada X isbiga Udub Cumar Jaamac Faarax
$1000, Badhasaab ku Xigeenka Gobolka Gabiley C/risaaq Sh.Aadan
$1000, Xildhibaan Muxumed Geele Seed $1000, Cabdi Xasan Seed $1000,
Inj. Maxamuud Sheekh Faarax Ladiif $1000 iyo Guddoomiyaha Xisbiga
Mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isa gu madasha
ka balan qaaday in uu Lacagta Jaamacada ka bixin doono Laba Arday oo
ka mid ah Agoonta Gabiley oo wax haysan.
Sidoo kale waxa iyaguna madasha ka balan qaaday in ay bixin doonaan
lacagta Dhaqaale Ururinta Jaamacada Masuuliyiin kale oo ay ka mid
ahaaye en Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan Gadhwayne oo bixiyay
$500, Ganacsiga oo bixiyay $500, Wasiirka Qorshaynta Cali Sanyare oo
bixiyay $500, Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timacad) oo bixiyay $500,
Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo bixiyay $500, Suldaan Ibraahim
Jaamac oo bixiyay $500, Aw Ciise Jaamac (aw Ciise Gacan loo)
oo bixiyay $500, Maxamed Muuse Meecaad oo bixiyay $500, Xildhibaa,
Bashiir Tukaale oo bixiyay $500 iyo Cabdi Xasan Seed oo bixiyay
$500.
Ururka Wadaniga ah ee SOHA(Somaliland Hope Association) ayaa iyaguna
Jaamacada ugu deeqay lacag uu xadigeedu dhan yahay $1000. Dallada
Ururada Haweenka Gabiley ayaa deeq taa la mid ah guddoonsiiyay
Jaamacada Cusub taasi oo xadigeedu uu gaadhayay $500
hasa ahaatee, waxa iyagu halkaasi rikoodh
dhigay oo bixiyay lacagtii ugu badnayd ee saaka la ururiyay
Ururka Ganacsatada Wajaale, Waxaanay bix iyeen
$20.000.
Maayarka Degmada Gabiley Aaden Muxumed Bade, ayaa isagu ka waramay
Mudadii ay Jaamacada Hawsheeda ay ku jireen in ay tahay Sagaal
San no. Waxaanu sheegay in ay Maamul ahaan ay Jaamacada la garab
taagan yihiin gacan taageero iyo mid dhaqaale labadaba. Waxaanu ugu
bushaar eeyay Dhallinyarada Reer Gabiley ee Waqtiyadii hore
Waxbarashada Jaamacadeed u doonan jiray Meelo Fog fog in ay u soo
dhaweeyeen oo ay ka heli karaan Deegaankoodii. Maayarku waxa uu
rajeeyay in Jaamacadani ay noqon doonto mid lagu soo hirto.
Maxamed Axmed Aw Cabdi (Xabiib) Badhasaabka Gobolka Gabiley oo ku
jiray Masuuliyiintii Saaka xafladaasi hadalada ka jeediyay ayaa
xusay in Jaa macad in Gobolka laga sammeeyo ay fikirkeeda iska
lahaayeen 67 qof oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Aqoon yahan iyo
Dhallinyaro. Waxaanu she egay in ay farxad wayn u tahay Maanta
isaga oo Masuul ah in uu khudbad ka jeediyo Iskuulkii uu wax ka
baran jiray oo Jaamacad ah. Waxaanu xus ay in ay filayaan
Dadka Gobolada kale abaalkii ay u galeen markii ay Jaamacadaha
dhisayeen in maanta ay la soo garab istaagaan hiil iyo hooba.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland Abiib Xasan Filfil ayaa isaguna u soo
jeediyay guud ahaanba Bulshada Somaliland in ay Jaamacadan cusub la
soo ga rab joogsadaan Taageero balaadhan tan iyo inta ay ka
hanno qaadayso. Waxaanu ku baraarujiyay Dhallinyaradii uu waqtigu ka
lumay markii ay wa ayeen Waxbarasho Jaamacadeed in ay Maanta
Jaaniskan ka faa’idaystaan. Wasiirku waxa uu Qurba jooga Reer
Somaliland oo ku nool Dunida Daca ladeed in ay Jaamacada si
gaar ah u daneeyaan oo aany taageerada ka joojin inta ay hirgalayso.
Mudane, Abiib Filfil, Wasiirka Ganacsiga Somaliland waxa uu sheegay
in Jaamacadani ay tahay Astaan Qaran, tahayna mid aanay cidna ka
xigin ee ay Ummada Somaliland dhex u tahay.
Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaariye) ayaa
isaguna sheegay
in Dadka oo dhami ay Gaadhi saaran yihiin. Gaadhigaasina uu dalacan
yahay oo ay foostooyin u yaalaan. Dadka saaaran ee Rakaabka ahina
waa ay dadan yihiin, ayuu yidhi oo waa hurdaan. Dirawal ayaa wada.
Gaadhigu wuu guuxayaa. Laakiin, halkiisii ma dhaafayo ilayn waa
dalacan yihiine. Dadka Gaadhiga saarani marka ay in badan Hurdaan
ayay baraarugayaan waxaanay arkayaan gaadhigii ay saarnaayeen oo aan
halkii dhaafin. Dirawalkay bedelayaan oo ku kale ayay saarayaan.
Waxaanu sheegay in taasi aanay xalka ahayn loona baahnayn in kolba
Dirawal la bedelo ee loo baahan yahay in horta Gaadhiga laga hoos
qaado Foostooyinka si ay taayiradu dhulka u qabtaan oo gaadhigu u
dhaqaaqi karo.
Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac, waxa uu si gaar ahaan ula hadlay
labada Beelood ee Walaalaha ah ee ku hirdamaya Dhul daaqsimeedka
Deegaank Ceel Bardaale “ Dadka halkaa idinka xiga Dad baad iskugu
xigtaan. Illaahay ha idin tusiyo. Wuxuu yidhi, waa liig ninkii reer
Tolkii libin ka doonaa. Hadii aad boqol ka dishaan abtiyaashiin
ayaad disheen, iyaguna hadii ay Boqol idinka dilaan abtiyaashood
ayuunbay dileen.
Waar munaafaqada Hargeysa ka imanaysa ha la gala dhex baxo. Waar
isma caqli dhaantaane Talada Illahay ha idiin garansiiyo”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye
oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay Xisbi ahaan Jaamacada Cusub
garab taagan yihiin.
“Waxa farxad ii ah in aan maanta xafladan idinkal qayb qaato.Gabiley,
Waa gobol Hodon ah oo Dad badan. Jaamacad iyo wax ka badanba waa u
baahan tahay. Hadii ay Taariikh tahay, hadii ay Halgan tahay iyo
Arimo kale oo badanba waa ay ka soo qayb qaadatay. Waxaan shaki ku
jirin in ay halkaasi ka sii wadi doonaan Dedaalkooda. waxaananu
idiin sheegaynaa in aanu taageero idinla garab taaganahay.” Ayuu
hadalkiisii ku soo gabagabeeyay Guddoomiyaha Kulmiye.
Waxa isaguna ka mid ahaa Masuuliyiintii Saaka
madasha hadalka ka jeediyay Xoghayaha Siyaasada ee Xisbiga Udub
Cumar Jaamac Faarax.
“ jaamacadaa waxaan u aragnaa in ay tahay Jaamacad Qaran. kolay
Gobolada Bariga Dadka ku nool waa idiin soo diraynaa. Waa Jaamacadii
u hora ysay ee lagu dhigi doono Cilmiga Beeraha. Waxaan
Illaahay ka rajaynayaa in Ay noqotay meesha wax soo saarkeeda dadka
oo dhami ay ka wada faa’idaystaan. Taageero hiil iyo Hooba waan
idinla garab taaganahay.”
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna halkaasi
ka hadlay.
“Waa la isku faanaye, anagu
waxaan ka bixin doonaa Laba Arday. Marka ay Afar sanno dhiganayaan
waxay noqonaysaa $7000. Maxamed Rashiid-na $1000 ayuu bixiyay,
Markaa walaalayaal Ucid ahaan waxaanu bixinay $8000,
waxa naga badan oo kaliya Reer
Tog wajaale.”
Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu yidhi
“ 66 Arday ayaanu guud ahaan ka bixinaa Lacagta waxbarashada.
Kuwaasi oo iskugu jira Iskuulo, Jaamacado iyo Madarasado.
Ilaahay ugu mahadnaqa idinku abuuray Gabiley. Waxa uu leeyahay
Beerihii iyo Wadooyinkii.”
Waxa uu sheegay in xadaarada Aduunku ay jirtay 200 sanno ee ugu
danbaysay. Xeebaha ayay inta badan ka jiri jirtay. “ Inagu hadii
aynu xeeb leenahayna waa ta keentay in aynu somalida inteeda kale ka
ilbaxsanaano. Hasa ahaatee, markii aynu Dawladnimadeenii wareejinay
waa la inaga tagay. Ilbaxnimadiina waxa ay raacday Dawladnimadii.
Markii xamar la isla tagay ee la tiriyay 60% waxa ay noqdeen
Dhallinyaradii ka soo jeeday Gobolada Woqooyiga. Waxayse tageen
Sucuudiga. Maan tana waxa aynu ku helnay gobonimadii aynu la soo
noqonay. Waa sidaa uu gaareiye sheegaye gaadhigeenu waa dal dalan
yahay iskamana daldalmi ne waa la daldalay waxaananu keeni
doonaa dawlad dajisa. Hadii aynu rabno in aynu qaran noqono waa in
aynu ka baxnaa qabyaalada. Dawladuna waa in ay toostaa. Ma aha in
aynu dadkeena nuugno waa in aynu u shaqaynaa. Wajaale waa magaalo
fiican laakiin, biyaha ayaa fadhiista. 20.0000 ee ay bixiyeen waa in
wax loogu qabtaa.”
Waxa iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyay Masuuliyiin kale oo ay ka
mid ahaayeen Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe , Wasiirka Qorshaynta
iyo Wasiirka Waxbarashada waxaanay dhammaantood tilmaameen sida ay
ugu faraxsan yihiin in Gobolka Gabiley uu Jaamacad yeesho.
Lacagta Saaka la ururiyay ayaa gaadhaysa
$45.000. taasi oo aad uga badan intii la rabay oo ahayd $30.000.
Munaasabadani oo aan loo kala hadhin waxaa iyaguna Deeq buugaag ah
oo isugu jira buugaagta technology-da Casriga ah iyo Cajaladahoodii
ugu deeqay Jaamacada Cusub ee Gabiley Ardayda Reer Gabiley ee Wax ka
barata Jaamacadaha Magaalada Hargeisa.
Ugu danbayntii waxaa Casuumada Qado sharaf
ah loogu Sameeyay Masuuliyiintii iyo marti Sharaftii ka soo
qayb gashay Xaflada Hotel Dalxiis ee
Mag aalada Arabsiyo.
Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland
News Reporters
Gabiley/Somaliland.
mccfuture@hotmail.com
|