|
Xaflad la yaab leh,oon abid ka dhicin Dalka Holland,l aguna xusayay
20 guuradii maalinta Qaranimda Somaliland ee 18 May,oo wacdaro
lagu soo bandhigay
Holland (TNN)-Waxaa maalintu taariikhdu ahayd 21-5-2011, lagu qabtay
wadanka Holland ,Xaflad ii xuska 18 May 2011. Xafladaasi oo runtii
ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, dad aad u fara badani
ay ka soo qayb-galeen,waxay noqotay mid dadweynii madasha isigu
yimid ku reeb tay xasuus lama iloobaana.
Xafladda oo bilaabantay 4 galabnimo, waxaa ugu horeyn foodda is
daray 8 kooxood oo ah xulk a kubadda cagta , waxaana
guushii ay raacday , koobkiina la guddoonsiyey dhalinyaradii ka
soc otay Rotterdam.
Ka dibna, waxaa la gudo galay bilawgii xafladdi habeenimada,waxaana
sidii caadada ahayd lagu furay Quraanka Kariim ah.Waxaa
ku xigtay, oo qudbad halkaa ka soo jeediyey , Gudoomiyaha Ja aliyada dibada ee Somaliland ,Cabdiraxmaan Awliyo,
oo ka waramay 20 kii sannadood ee Somalil and jirtay ,marxaladaha
kala duwan ee ay soo martay, aadna u amaanay dhalinyardii soo abaab ushay
xafladdan.
Ka dib , waxaa Microfoonka lagu soo dhaweeyey,
Marwo Xaliimo Abdi Obsiiye, kana mid ah
mada xda sare ee ururka hooyooyinka ee Jaaliyadda Somaliland
ee Dalka Holand, laguna magacaabo
Hooyo Waa
Lama
Huraan .
Marwo Xaliimo Abdi Obsiiye, waxay aad
ugu xog warrantay wax qab adka Ururka , wixii u qabsoomay,waxa
u qorshaysan iyo mustaqbalka halkay tiigsanayaan.Waxa a kale oo ay
ugu baaqday in Hooyooyinka Somaliland ururka ku soo biiraan,si
wax qabakoodu u sii ballaadho , tayadiisuna u korodho.
Xafladda oo waqti badan
socotay,waxaa kale oo halkaasi lagu soo ban dhigay Filimo ,
Gabayo iyo Geeraaro.Waxaa iyaana madasha aan ka mqanayn ,ciyaaraha
hidaha iyo dhanqanka ,oo si heer sare ah loo soo agaasimay iyo fanaaniin heer Qaran ah ,oo
ay ka mid ahayd Sahra Halgan,oo ma
dasha heeso qiiro iyo wadaniyad leh ka qaaday.
Isku soo wada xooriyoo,xafladaasi lagu xusayay sannad guuradii
20-aad ee Qaranimada Somalila nd ,waxay noqotay mid aan abid
tan oo kale hore
uga dhicin Dalka Holland,xasuus iyo taariikhna ku reebtay
dadweynihii madasha iskugu yimid, si weynna ugu
diirsadeen, wajiyadoona ay ka m uuqatay farxad iyo rayrayn.
Halgan Maxamed Yuusuf
Timacade News Desk
Holland
|
|