XAFLADA FURITAANKA SHIRKADA ISGAADHSIINTA EE SOMTEL
MAGAALADA TOG WAJAALE
 


Tog-Wajaale (TNN) Munaasibada balaadhan oo ay ka soo qayb galeen Ganacsatada,masu uliyinta degmada, masuuliyiinta dhinaca Itoobiya ee Tog wajaale, culimadiinka,  ururada bulshada iyo sidoo kale masuuliyiinta shirkada DAHABSHIIL, shirkada isgaadhsiinta, SOM TEL, ayaa maanta ka dhacday magaalada Tog-Wajaale .

Munaasibadan oo ka dhacday hoolka Dawlada hoose ee wajaale ayaa ahayd mid  si wayn loo soo agaasimay, isla markaana ahayd mid lagu furayey shirkada isgaadhsiinta Casriga ah ee SOMTEL.

Waxa ugu horayn halkaa ka hadlay Maamulaha shirkada DAHABSHIIL(SOMTEL) Mudane Bare Ahmed C/laahi, Maamuluhu wuxuu ka soo sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay shirkadu soo martay iyo sida ay shirkadu u keentay qalabkii ugu casrisanaa, hadaba waxyaabihii dadka madasha fadhiyey aad ugu qushuuceen waxaa ka mid ahaa :

1-Mobilo ku shaqeeya cadeeda oo aan u baahnayn in la la charge gareeyo
2-Internet USB ah oo la qaadanayo sida flashka oo kale, isla markaana computer kasta lala dul tagayo isgoo internet ah.

3- Cardka SOMTEL oo aan la iska saarayn hadii la tago dibada sida yurub iyo caalamka kale kana shaqaynaya caalamka meeshaad istaagtidba. halka kuwa kale Airportka lala dhaafayn.

4- Cardka SOMTEL oo lagu hadlayo mudo 6 bilood ah lacag la,aan bilaash .


Waxaa madasha hadalo bogaadin taageero iyo waana bal eh ka jeediyey Sh Maxamed oo ka mid ah culimada Degmada Tog-Wajaale ugu waawayn

Waxa isna ka hadlay Gudoomiyaha Ganacsi Tog wajaale C/laahi Nuur (Dhako) wuxuuna amaan u soo jeediyey shirkada DAHABSHIIL oo la mataana ah shirkada SOMTEL wuxuuna sheegay inay ganacsatada reer Tog-Wajaale aad ugu hanwayn yihiin mudana sugayeen shirkadan telfoonada ee SOMTEl.

Waxaa ugu danbayntii ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Tog wajaale Qawrax Muuse, wu xuuna amaan u soo jeediyey shirkada SOMTEL oo adeegyo aan hore loo arag ku soo  kor dhisay isgaadhsiinta, wuxuuna u soo jeediyey inay horumarka ay shirkadu keentay halk aa ka sii wado.


Ugu danbayntii xafladan ayaa si qurux badan u dhamaatay




 


C/rasaaq Muxumed Aw Daahir (C/rsiaaq Dhego)
Timacade News Network TNN
Tog-Wajaale Somaliland