XAFLAD LOOGU WANQALAAYEY DEGMADA SAYLA OO MAANTA KA DHACDAY ISLA SAYLA

 

Xaflad aad u balaadhan oo lagu wanqalay dagmo cusub oo loogu magac daray sayla oo ay kana mid  noqo naysa dagmooyinka hargeysa xafladan waxa ka qayb galay musuuliyiinta asxaabta qaranka Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee guurtida ahna kusimaha gudoomiyaha guurtida Sh.Axmed Sh.Nuux Furre Gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Mudane Cabdicasiis Samaale gudoomiyaha Xisbiga kulmiye Mud.Ahmed Mohamed Mohamood Siilaanyo  xildh.

 Maxamuud Axmed Obsiiye iyo xildhibaanu ka kala socda Golaha wakiilada iyo Golaha Guurtida Iyo Golaha  D eegaan, wasiirka arimaha gudaha wasiirku xigeenka gaashaan dhiga Wasiirka caafimaadka iyo wasiiro kale ba iyo madax dhaqmeedyo cuqaal iyo aqoonyahano iyo marti sharaf kale oo badan.Ugu horeyn xafladaasi waxa ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka kuwaad ee golaha Guurtida Sh Axmed Sh Nuux Furre waxa uuna ka hadlay tariikhda degaanka sayla,waxana halka ka hadlay odayaal dhaqmeed ka soo jeeda degaanka Sayla.


Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee wakiilada oo halka ka hadlay waxa hadaladisa ka mid ahaa.”Dagmada Sayla waa dagmo aad u balaadhan wa deegaan balaadhan dadbadan kulmiya waana goobo dhulbaladhan kulmiya waxa hubaal ah o aan xusaya inay dadka dagmadan dagan u yihiin laf dhabarta u ahaayeen una yihiin jiritaanka Somaliland caasimada hargeysa kuwa xukumaaba wa iyaga weeyi dagmo way ka facweeyiihiin.”

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaarad ka ah oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Aad ayaanu u  tageer nay xisbiga kulmiye iyo xildhibaanadisa degmada laga dhawaaqay inaan si karaamo leh hambalyo iidin soo jeedinaynaa waxaan aamisanahay dalka iyo dadkaba wax badan kusoo kordhinayso xag tacliineeyd xag beereyd iyo xag caafimaadeed ba.”


Siilaanyo oo hadalkisa sii wataa waxa u yidhi”Maamulka maante jira dagmoyinka bixiya wuu bixiya magac khaliya ayuu gudbiya waxaanu lenahay dadwaynaha dibada dagan iyo gudahaba in aan la isku haleynin Maamulkan hada jira oo la isugu tago xaga beeraha la hormariyo dhinaca caafimaadka ,aad na wa aanu idinku hambalyeynayna dagmada cusub:


waxaana halka ka hadlay Xoghaya guud ee Udub oo hadalkisa ku bilaabay.”waxaan ku bilaabaya munasibadan an is idhi way ku wnaagsan tahay .Saylaay samo wanaagee sadadi awoogay dhalay ee saabirka wayneyd saldhig dagmo haday kuu xusheen waalaguu saxay saxiixi madaxwayne iyo salaantiba sacab saake igaga gudoon waan ku sahayaaye saxansaxada ciida uri wa sadaal wacan sareediyo iyo barwaaqo ku waar saacadijaabo ban idhi.”


waxa uu yidhi isago hadalkisa sii wata “waxaan raacinaya tariikhda dagmada horaa loosheegay waxay caasimada aasaaska ku laheyd cidi ka soo jeeda ayaa loo jeeda waxay ku yeelatay na waala sheegay halganki dhawaan wadan dib loogu xoreeyey waana la sheegay magac uun kuma filna umada halgan u dhalatay.”


waxaana halka ka hadlay wasiirka cafimaadka wasiirka arimaha gudaha wasiir ku xigeenka gaashaan dhiga
xafladaasna waxa ka hadlay aqoonyahano siyaasiyiin iyo dad aad u fara badan.



AbdiRahman Abdilaahi Abdirahman