Xaflad Dabaaldega kuna saabsan Guushii Doorashadii Mad axtooyada Somaliland oo Lagu Qabtay Birmingham UK
 


Xaflad Dabaaldega kuna saabsan Guushii Doorashadii Madaxtooyada Somaliland oo Lagu Qabt ay Bi rmingham UK (Daawo Sawirada Xaflada dhamaadka Qormadan )


Birmingham (TNN)-Taariikhdu markay ahayd 11/7/2010 Waxaa ka dhacday Magaalo Madaxda 2aad ee UK Magaalada Birmingham , Xaflad wayn oo ay soo qaban-qaabiyeen Jaaliyada ku dhaqan  Maga aladaasi, Xisbiga Kulmiye Laantiisa Birmingham ayaa qabtay Xafladan oo si heer sare ah loo soo  aga asimay kana qayb galeen dhamaan qaybaha bulshadu ka kooban tahay oo dhan.

Xafladan ayaa dulucdeeda ugu weyni waxay ahayd laguna soo dhawaynaayey Doorashadii  Somalil and Uga dhacday sida Nabad gelyada iyo weliba Natijaadii Doorashadaasi ee Xisbiga Kulmiye si weyn ugu guulaystay laguna doortay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo} iyo ku  xigeen kiisa Cabdiraxman Cabdillahi (Saylici} Xafladan ayaa ahayd mid Somaliland oo dhan ka dhaxaysay  la kiin aan gaar u ahayn Xisbiga Kulmiye oo kaliya.


Xafladdaasi ayaa loogu dabaaldegey guusha u soo hoyatey Somaliland ka dib markay ka  qabsoom tay doorashadaasi oo ku qotantay xigmad weyn, Shacbiga reer Somalilandna ay rabitaankoodii iyo himilooyinkoodii ku muujiyeen Sanduuqa codka oo keliya, Arrinkaasi wuxu noqday sharaf iyo  horum ar caalami ah oo Somaliland u galay diiwaanka taariikhda aduunka, Waxa guushaa lagu amaanay  iya gana Sadexda xisbi Qaran (Kulmiye, Ucid iyo Udub) ,Gudida Doorashooyinka iyo dhammaanba shicib weynaha Somaliland.

Xaflada waxaa Xidhiidhinayey Maxamuud Abdirahman Iyo Wariye Daahir oo iyagu si habsami leh u Daadihinayey intii eey socotay .............

Xafladaasi oo U dhacday Si qiimo leh wadanimona ku dheehan tahay, iyada oo shacabka ku nool   Bir mingham aanay u kala hadhin iyaga oo gacmaha is haystay, Furitaankii Xafladaasi ayaa waxaa  Qura an iyo Muxaadaro ka jeediyey Shiikh Baaruud, isagoo sheegay in nimcadaa iyo horumarka ay  Somalil and gaadheen ilaahay uga mahadnaqaan, sida fiican ee doorashadaasi ugu dhacday waxaana aan u hambalyeynayaa ayuu yidhi Sheekhu Madaxweynaha Cusub iyo Ku-xigeenkiisaba.

Intaa ka-dibna waxaa Furay Xafladaasi Gudoomiye K/Xigeenka Kulmiye Birmingham isla markaana ah gudoomiyaha xilka hada sii haya Mudane , Cabdikhalaq M .Sh Cismaan Nuur oo ugu horeyn u  mahad naqay dadweynihii Reer Somaliland Xafladaasi ka soo qaybgalay , isla markaana Hambalyeeyey  Guu sha (Doorashada) u soo hoyatay Somaliland iyo Xisbiga Kulmiye oo isaguna ku Guulaystay  Doorash adaasi.


Waxaa Iyaguna Madashaasi ka hadlay Mudane Aabi Iyo Mudane Faarax oo ah Odayaasha Somaliland ee Degan Birmingham Run ahaantiina Hadalkoodii loo wada Qushuucay, ahna Odayaal Bulshada Reer Somaliland Sharaf wayn ku leh waxay Hambalyo u Direen Dhamaan Umadda Somaliland gaar ahaan Madaxwaynaha cusub Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa  C/ra xmaan C/laahi Ismaaciil (saylici) iyagoo illaahay uga baryay in xilkaa culus ee ay qaadeen illahay ku asturo iyaguna ugu shaqeeyaan umada Cadaalad iyo Daacadnimo.


isla markaana waxaa qabsaday Codbaahiyaha Mudane Maxamed Ismaciil oo ku hadlayey Magaca  gu ddida Jaaliyada Birmingham , waxuuna sheegay in talaabo kasta oo wadanka wax loogu qabanayo oo horumarna wadanka u soo kordhin doonta ay ku raacsan yihiin dawlada cusub, sidoo kalana cidii codka siisay xisbiga Kulmiye iyo kuwii aan siinba uu Madaxwaynaha cusubi madaxwayne u yahay  u guna duceeyaan in illaahay u fududeeyo xilkaasi ay shacabka reer Somaliland u dhiibteen.


Waxaa isna Xafladaasi ka hadlay Suldan Cabdilaahi Suldaan Maxamud suldan Abdisalam oo ka mid ah odoyaasha magaalada waxuuna mahad balaadhan u soo jeediyey dhamaan dadweynihii Xafladaasi ka soo qaybgalay , isagoo hambalyo uu u diray Maamulka Cusub ee la doortay iyo shacbiga reer  So maliland iyo waliba duco uu Ilaahey ka bariyey inu guusha iyo horomarkaba inoo siyaadiyo.

Waxaa madashaasi Goobjoog ka ahaa Xubno ka mida Aqoonyahan , Siyaasiyiin Iyo Abwaano  Soma liland ah, isla markaana qaar ka mid ahi ay Goobjoog ka ahayeen Doorashadii Dalka ka dhacdey  26/06/2010 kana sheekeyey Mucjisoynkii Raabaniga ahaa ee ay indhahooda ku soo arkeen iyagoo sheegay in Shacabku ay faylal dhaadheer oo qaarkood ay ahayeen sida ay shegeen masaafad ˝ mile isu jirta, iyagoon haysan biyo iyo cunto toona ay u dhabar adaygayeen ,dhexdana u soo  xidhe en.

Waxaa ka mid ahaa marti sharaftii goobjooga ahayd islamarkaana madaashaasi ka hadashay sadex xubnood ka mid ahaa Xubnihii Qurbajooga UK, ee ka qayb galay doorashadii Madaxtooyada 26 juun 2010 oo kala ahaa Mudane Cabdiraxmaan Cali Ubaxle , Mudane Zakariye Daahir iyo Mudane Jamac Cabdi Badhaadhe waxaanay ka warameen waxyalihii ay goobjooga ka ahayeen iyo sidii quruxda  bad nayd ee Doorashadu u dhacday , Waxaayna Hambalyo Gaara U soo jeediyeen Komishanka Qaranka Iyo Ciidamada Qalabka sida ee Somaliland, iyagoo Hambalyo u diray Madaxwaynaha Cusub ee La  Do ortay,Iyo Madaxwayne ku xigeenkiisa in Ilaahay Xilka u Fudaydiyo, umadana ku dhaqaan Sinaan iyo Cadaalad.

Waxaa Xafladaasi si gaara loogu xusay oo marti sharaf ku ahaa Mudane ,Maxamed Musse Yusuf ( M axamed ictiraaf) oo ay Martiqadeen Guddidii Qabanqaabada Xafladaasi, Waxaana halkaasi Shahaado sharaf Gudoonsiiyey Mubaarik Yuusuf Elmi (Bidhi) oo ka mid ahaa guddidii Qaban-qabada , waxaana sharaxaad dheer laga bixiyey sababta Mudane , Maxamed Ictiraaf ku mutaystay Shahadadaas taas oo sabab looga dhigay in Maxamed , Isagoo Gaadhi ka kaxaystay Magalada Sheffeild oo uu deganaa, kana sii gudbay wadamo badan oo ka mida yurub, Asiya iyo Afrika lana maray gaadhiigisi aakhirkiina ku soo gebagebeeyey Somaliland , ujeedadiisa ugu weynina ay ahayd inuu ictiraaf raadiyo, indha  ca alamka ku soo jeediyo Qadiyada Somaliland ,. Maxamed Ictiraaf ayaa isna waxuu ka waramay  safar kiisii dheeraa isla markaana waxa uu u mahadnaqay guddidi xafladaasi soo qaban qaabisay ee  Maga alada Birmingham gaar ahaan Mubaarik Yusuf (Bidhi) oo ku soo casuumay isla markana siiyay  Shaha ado sharaf ahaana qabanqaabiyaha Xaflada .

Mubaarik Yusuf ayaa u sheegay dadweynihii goobtaa ku sugnaa in uu u qalmo muwaadinkanu wax  k a weyn madaama uu naftisa kuu biimeyey Jidkii dheeraa ee uu sii marey qadiyadaasi oo qaarado  ka la fog oo aan diyaarad moyee aan wax kale lagaga bixi Karin gaadhi taas oo ay u dheerayd qarash liixaad leh oo badane ee uu Muwadinkaasi uu hurey in uu ka dhadhaciyo wadamadi uu maraayey intii uu safarkiisa sii watey , kuna qaatay mudo 4-5 biilood ah.

Waxaa kaloo munaasabadaasi nasiibka u helay in Shahaado sharaf lagu gudoonsiiyo Haweenka  Som aliland ee Birmingham oo loo arkay inay wax wayn soo qabteen dedaal dheeri ah iyo xilkasnimana ka muujiyaan Hawlo kasta oo ku saabsan Qadiyada Somaliland.

Waxaa isna gabayo aad u cajiib ah ka jeediyay madasha Abwaanka Weyn Mowliid Adan Iyo  Abwaa nka Kale Ismaciil Raabi oo ah hal abuuryo aad looga danbeeyo.

Dhinaca Haweenka Waxaan Iyadana aan la Ilaawi Karin abwaanada Marmo Farduus Bootan , Marwo Amina Boos Iyo Huda Axmed oo halkaasi ku soo bandhigay Sugaan ku saabsanayd duco iyo  Hamba lyo ku socota madaxweynaha Cusub ee la doortay oo ay u samayeen oo ahaa Gabayo Cusub oo Xigmad badan Xanbaarsan islamarkana xafladaasi ka soo jeediyeen,intii xafladaasi socotay…….


Ugu danbayntiina waxaa halkaasi mahadnaq balaadhan loo soo jeediyey shacabwaynaha Reer  Som aliland ee Birmingham Dedaalkii iyo sharaftii ay muujiyeen iyaga oo isku-mida ayna ka Go’an tahay Isku Duubnida Qaranimada Somaliland si kastaba ha ahaatee , waxay ku dhamaatay xafladaasi si heersare ah oo degan.

-Ilaahay Baa Mahadleh-



Adan Yusuf Elmi /B,ham /UK