X. Cabdi Waraabe Oo Uga Digay Xisbiyada Mucaaridka Inay Shaqo Ka Dhigtaan Wax Ka Sheega Madaxweynaha, Uguna Baaqay Inay Ka Hadlaan Qabyada Adeegyada Bulshada Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay Weedhihii Sh. Shariif
 

 

 

 


“W/Khaarajigu waa inuu Guurtida hor yimaado oo mugdiga ka saaraa Siyaasada Dibada,
Siilaanyo wa a inankaygii oo Berigii C/laahi Yuusuf madhiyay Majeerteen, isagu SNM-tii nina ma Xidhan, nina ma di lin, ninkaad u jawaabayso lafaha gur xaragana ha tagin, Shirka Duburna..” (Waraysi Khaasa)



Hargeysa, October 4, 2011 (TNN) - Xaaji Cabdi Kariin Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah odayaash a ruug-cadaayada ee golaha guurtida ayaa uga digay axsaabta mucaaridka inay caado ka dhigtaan weedho ay ku weerarayaan Madaxweyne Siilaanyo, balse ay ka hadlaan qabyada adeegyada bulsha da, tilmaamayna in jawaabaha siyaasiyiintu iskugu jawaabayaan ay noqdaan weedho milgo iyo dhaqa n suuban leh, isagoo dhinaca kalena jawaab kulul ka bixiyay hadaladii dhawaan ka soo yeedhay hogaa miyaha dawladda taagta daran ee Somalia Sheekh Shariif oo uu ku tilmaamay nin tiisii daryeeli waaya y.

Xaaji Cabdi Kariim Xuseen ayaa sidoo kale wasiirka arrimaha dibada Maxamed C/llaahi Cumar ugu baa qay in golaha Guurtida uu hor yimaado, isla markaana uu si dhaba u cadeeyo shakiga laga qabo siyaa sada khaarajiga iyo socdaalada uu dibada ugu baxo.

Xaaji Cabdi Waraabe ayaa sidaasi ku sheegay xogwaran khaasa oo uu shalay siiyay Haatuf, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin mawqifkii guddoomiyaha wakiilada C/raxmaan Maxa med C/llaahi Ciro, Aadan Waqaf iyo siyaasiyiintii garabkoodu ay ka qaateen khilaafkii xisbiga UCID iyo arrimo kale oo la xidhiidha golaha guurtida iyo Ugaaska beelaha Samaroon soo guryo noqoshadiisa.

Xaaji Cabdi oo ugu horayn ka hadlaya dhaliilaha baryahan dambe loo jeedinayo doorkii golahooda iyo maqnaanshaha gudoomiyaha golahooda, waxa uu yidhi “Golahayagu hoos umuu dhicine kor buu u so cdaa, halkii baanu dalka iyo dadka ka haynaa, gudoomiyihii baa naga buka oo naga maqan, aad baan ay xaaladiisu u wanaagsan tahay sida aanu warka ku hayno”.

Xaaji Cabdi Waraabe oo mar uu ka hadlayay siyaasada arrimaha dibada iyo wasiirka khaarajiga, waxa uu yidhi “Wasiirka arrimaha dibada waxaan usoo jeedinayaa golaha guurtida inuu hor yimaado, oo siyaasada arrimaha dibada mugdiga ha ka saaro, waxbaa lagu kordhin doonaaye”.

Mar uu ka hadlayay hadalkii todobaadkii hore ka soo yeedhay Sheekh Shariif ee uu ku sheegay in Som aliland ay Somalia ka mid tahay, waxa uu yidhi “Waa nin iska hadlay, waxay tidhi islaantii buraan-bur tay ninkii tiisa-ba daryeelaa tu kalena ku dara Sheekh Shariif tiisii-buu u taag layahay in aanay Somalil and iyo Somalia isku soo noqonayn way og-yihiine waxay garan layihiin xaqa ay Somaliland ku leedah ay iyo inay carabka inagu wanaajiyaan, oo ay gartaan in Somaliland iyo Somalia ay noqdaan laba dal oo walaalo ah oo abaaraha iska caawiya oo dagaalada iskaga hiiliya”

X. C/kariim Xuseen Yuusuf mar uu ka hadlayay weedhaha xurgufta leh ee madaxweynaha iyo axsaab ta mucaaridka UCID iyo UDUB dhex maray, waxa uu yidhi “Madaxweynaha in la weeraro maaha ee wax u sheeg buu leeyahay, madaxda waa la tilmaamaa oo waxa la yidhaahdaa, waddooyinkii baa dayacan, Cusbitaaladii baa baylaha, xisbiyada mucaaridka waxaan leeyahay mucaaridnimadu in wax la caayo oo madaxweynayaasha dusha laga fuulo maaha”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyay “Cayda iyo aflagaadadu waa inay xaaraan ka noq oto dalkeena, ninka aad u jawaabayso waa in si milgo iyo Asluubi ku jirto aad ugu jawaabtaa, oo caqli baa lagu kordhiyaa, waxana la yidhi lafaha gur xaragana ha ka tagin, Axmed Siilaanyo waa inankaygii waana ninkii muddada dheer hogaaminayay ururkii SNM, barigii uu C/laahi Yuusuf uu Majeerteenka madhiyay, Axmed Siilaanyo nina muu xidhin nina muu dilin”

Xaaji Cabdi mar aanu waydiinay sida uu u arko shirka beesha Saaxil uga socda deegaanka Dubur ee degmada Sheekh, waxa uu yidhi “Shirkaa Dubur ma filayo in wax xumi ka soo baxayo wax wanaagsan baa ka soo baxaya”

La soco…..
 

 

Source:Haatuf