“Ninkii Aabahay Dilay Ee La ii Diray Inaan Soo Dilo Markii La Yidhi Haadduu Dagan Yahay Waxaan Ka Yeelay…

 


Hargeysa, April 26, 2011 (TNN) - Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ah Xubinta ugu da’da weyn labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa socdaalka Madaxweyne Axmed Max amed Maxamuud (Siillaanyo) ku joogo dalalka Khaliijka ku tilmaamay Safar wax ku ool ah, ugu-na qaa bay Boqorada dalalka Khaliijka in Somaliland Ictiraafkeeda ay hormood u noqdaan isaga oo tilmaam ay, in Bulshada reer Somaliland ay qayb laxaad leh ka qaateen taaba-galinta Boqoradii ugu  horeey ay ee dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo kula taliyay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) inuu ka fiirsado eedaha uu Caafimaadka Madaxweynaha ceebaha ka dhigayo, ugu-na baaqay Hogaan dhaq ameedka in hadaladoodu hufnaadaan.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo Shalay Wargeyska Haatuf la yeeshay, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay arrimo la xidhiidha qisooyinkii Naanaysta loogu bixiyay waayihii ugu layaabka badnaa ee soo maray, xidhiidhada Dawladaha Djibouti, Ethiopia iyo Xeerka Isgaadhsiinta Wakiiladu ansixiyeen.

Xaaji Cabdi Waraabe oo ugu horayn ka hadlaya socdaalka Madaxweynaha ee Imaaraadka Carabta iyo Kuwait, waxa uu yidhi “Safarkaa Madaxweynuhu ku tagay dalalka Imaaraadka Carabta waanu soo dhaweynaynaa, Madaxda dalkaasi siday u qaabileena waanu ku hambalyaynaynaa, dalka Kuwait ee uu ku sii jeeda-na khayr baanu uga rajaynaynaa inuu kala soo guryo noqdo, waxaan qabaa inuu Safarkaasi Madaxweynuhu guulo wax ku ool ah kala iman doono, Ninka Safarka Madaxweynaha daca ayado Raqiis ah ka fidinayaa-na waa Nin aqoon gaaban, wixii uu kala hadlay Madaxda Imaaraad-ka na waxna uma dhaafin waxna muu dhimin, Boqorada dalkaasi Sucuudiga-na labadaba waan ka weyn ahay oo 100 Nin oo reer Somaliland ah ayaa Boqor Cabdicasiis Maamulka la qabsaday, waxaanu ka eegaynay dalalkaasi Carabta inay Ictiraafka Somaliland noogu soo horeeyaan, Diin, Dadnimo iyo Hiil baanu walaalo ku nahay oo ay juqa-juqaynta naga daayaan”

Xaaji Cabdi Waraabe oo aanu weydiinay aragtidiisa ku wajahan Xeerka Isgaadhsiinta ee Golaha Wak iiladu soo ansixiyeen in Golahooda Guurtida loo soo gudbiyay, waxa uu yidhi “Kolka Xeerkaasi Isgaa dhsiintu na hor yimaado ayaanu ka hadli doonaa, balase hadda ka hor dhici maayo”.

Mar aanu weydiinay aragtidiisa ku wajahan eedo Boqor-Buur Madow u jeediyay Caafimaadka  Mada xweynaha u jeediyay, waxa uu yidhi “Boqor Buur-madowe hadal adag-na wuu odhan, hadal dabacsa na wuu odhan, Madaxweynuhu wuu xanuusan karaa oo bini’aadam, anigoo Xaaji Cabdiya ayaa Xanu un iyo Gabow i hayaa, qof kastaa-na wuu dhimanayaa laakiin se in Xanuun la isku ceebeeyo waa ar rin khaldan, Ninka Hogaan dhaqameedka ahna waxa loo baahan yahay inuu ka fogaado hadalada a an munaasibka ahayn ee Milgihiisa wax u dhimaya, laakiin se Ninba wuxuu odhanayo Caqligiisa  ayuu nbay la noqotaa, waxaan se muhiim ah in Hogaan dhaqameedku ay Xishoodaan”.

Xaaji Cabdi oo ka hadlaya doorashada Madaxtinimada oo markii saddexaad loo doortay Madaxweyn aha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, waxa u yidhi “Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle hambalayaan u dirayaa, dalkiisii buu Sharaf u yeelay Ilaahay-na Cimrigiisa ha raajiyo, Ninka Ismaaciil Cumar Geelle fogeeyaa-na waa Nimaan Dawladnimo doonayn, qoladaa Eritrea-yana barigii dhaweyto ee dalkaasi ay soo weerareena waxaan ceeb ahayn kamay qaadan, Hogaan dhaqameedkayaga  So maliland barigii ay Eritrea Xornimadooda doonayeen waxaanu kala Shaqaynay markii ay Xornimada qaateen ayuunbay Djibouti iyo Somaliland colaad u qaadeen, Madaxweyne Geelle Shantii Soomaaliy eed ayaa Askar u wada ah oo Nin ka Ciidan badani ma jiro, haddii Eritrea soo weerarto”.

Xaaji C/kariim oo aanu weydiinay go’aanadii uu ka qaatay beri markii isaga iyo Rag kale loo diray i nay u soo aaran Nin Aaabihii dilay, waxa uu yidhi “Aabahy oo la dilay anigoo yar ayaa la Shiray, Shi rkii waxa lagu go’aamiyay inaan u soo aaro Aabahay oo Ninkii dilay aan soo dilo laba Nin baa la igu daray, Aabahay waxa dhashay Ina Nuur Maxamed, Ninka la yidhi soo dil-na waa ina Guuleed Maxa med, ka dib habeenkii-baanu Kambalka reerka u sii fadhiisanay isagoo socda ayuu noo yimid wuu na Salaamay Darmooyin buu noo soo dhigay, Dab-na wuu noo Shiday dabadeed Roobaa soo da’ay oo waxa uu na soo galiyay Aqal Soomaali laba Daryaale ah oo weyn, labadii Nin ee kale ayuu Hargo dus ha ka saaray si daroorinta Biyaha ay iskaga xigsiiyaan anigana Masale cusub ayuu dusha iga saaray oo barigii hore Shiraaq-yo iyo Baco dusha laga saaro Aqalada may jirin, dabeeto markii Roobkii qaa day ee Xoolihii la dareeriyay ayay Tahar Cabdilaahi iyo Gahayr Cabdi oo ila socday ay yidhaah-deen ina kiciya hadduu dagan yahaye, dabeeto waxaan ku idhi arinkaasi waan ka noqday Qorigii-na Xaba dii waan ka saaray dabeeto waxaan ku idhi Ninka Daroorin ii quudhi waayay ayaan aniguna Xabad u quudhaa xaasha, intaa ka dib labadii Nin ee i la socday weyn naxeen waxaanay yidhaahdeen Shirkii la inaga soo diray ayaa xumaa inaga aqbalnayna weynu qaldanayn, waanan kugu raacnay adigana Ilaahay baa ku waafajiyay ayay igu yidhaahdeen, intaa ka dib Wankii na loo qalay Habeenkii ayaanu ku Cashaynay, reerkii baanu iska seexanay, dabadeed Aroonimadki ayuu nagu yidhi haddii Geel baa di doonaysaan maxaydun Subaxdii u Kalihi weydeen, dabadeed waxaan ku idhi Awoow Geel maanu doonayne……………

La soco……

 

Source: Haatuf