X. Cabdi Waraabe Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Dulqaad U
Yeesho Dhaliilaha Loo Jeediyo, Kuna Taliyey In Ciidamada Difaaca
Mushaharka Loo Kordhiyo
“Madaxweyne Siilaanyo Wax Uu Kordhiyay Mooyee Wali Wax Uu Dhimay
Maan Arag, Ninka Aan D awladnimada Doonaynin Ee Gacan Maris Doonayaa
Dhulkaasi Ha Ka Qayliyo, Ninkii Kursi Ku Fadhii staba Waa La
Mucaaridayaa, Nabi Muxamed Baa La Mucaariday”
“C/Raxmaan C/Qaadir Ma Habar Yoonis Buu Kulmiye U Fadhiyay Mise
Somaliland Buu Meesha U F adhiyay, Ninka Haddii Meel Lagaga Dhacay
Dee Dawladiisii Baa Meel Kaga Dhacday In Hadalka Loo Ogolaado Ayay
Ahayd”
Hargeysa (TNN) - Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi
Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn labada gole ee
Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in talaabadii xilka lagaga qaa
day guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan
Cabdiqaadir ay ahayd mid meel ka dhac ah, kana digay in caadifad
qabiil laga dhigo, waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay
inuu dulqaad u yeesho dhaliilaha looga soo jeediyo maamulka
xukuumadiisa, taas oo uu tilmaamay in madaxnimadu wadato
mucaaridnimada.
Xaaji Cabdikariim waxa kale oo uu ku baaqay in Ciidamada qaranka ee
difaaca kaga jira xuduudah a dalka mushaharka ay qaataan loo
kordhiyo, isla markaana xukuumadu ay dedaal ugu gasho sidii sanadkii
horeba shaqaalaha iyo ciidamada loogu kordhiyay, isagoo dhinaca
kalena ku baaqay in wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay ku
salaysnaadaan laba dal oo kala madaxbanaan oo dar is ah.
Xaaji Cabdikariim ayaa shalay sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo
uu shalay Haatuf siiyey, ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada caafimaad
ee guddoomiyahoodii golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo
muddo sanad ah dalka UK ugu maqan arrimo caafimaad iyo arrimo kale
oo ay ka mid yihiin muddo kordhinta ka dhamaatay golayaasha
deegaanada dalka iyo kulamo la sheegay in golahoodu xukuumada kala
yeeshay gunnooyin lacageed oo ka maqan.
Xaaji Cabdikariim oo ugu horayn ka hadlaya isbadalada sanadahan
dambe ku dhacay golahoodii guurtida oo noqday gole dhaxal isku
badalay oo odayaashii ruug-cadaayada ahaana ay badank oodii
geeriyoodeen sida uu u arko, ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi
“Dhaxal ha ku soo gal eene wax xumaana oo golahaasi ka jiraa ma jir,
gudoomiyahayagii guurtidu dhakhatarka tagayna wuu imanayaa insha
Allaah”
S: 23-kii February socdaal aad ku
tagtay dalka UK waxa la sheegay in gudoomiye Saleebaan laga a
qariyay arrinkaasi maxaa ka jira?
J: Laygama qarinine dhakhatar buu ku
jiray oo magaalo kale ayuu joogay oo tilifoon baanu ku wada hadalnay,
waxaanu igu yidhi marka aan dhakhtarka ka soo baxo ayaan dalkii
imanayaa.
S: Waxa lagugu xantaa in Madaxweyne
Siilaanyo aad qalad iyo saxba ku taageerto, arrimahaasi maxaad ka
leedahay?
J: Madaxweyne Siilaanyo wax uu
kordhiyay mooyee wali wax uu dhimay maan arag, ninka aan da
wladnimada doonaynin ee gacan maris doonayaa dhulkaasi ha ka qayliyo,
ninkii kursi ku fadhiist aaba waa la mucaaridayaa, Nabi Muxamed baa
la mucaariday, nin reer u Caaqila ayaa laba meel ood loogu kala
jabaa oo la mucaaridaa, madaxduna waa inay dulqaadataa, oo
madaxdnimadaa la caaridayaaye qofka lama caaridayo, Madaxweynuhuna
waa inuu dulqaataa oo hadalka la leeyah ay waa inuu dhagaha mariyaa
oo danta caamka ah uu ka raacaa, Madaxweyne Siilaanyo markuu
gudoomiyaha Kulmiye ahaa cidina may caayaynin ee Kurisigaa la
caayayaa, waa in la tilmaamaa.
S: Sideed u aragtaa talaabadii xilka
lagaga qaaday guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kul miye C/raxmaan
C/qaadir iyo gacan ka hadalkii ciidanka Bileysku kula kacay, oo
beesha galbeed ka Burco uu kasoo jeedaa ay mawqif adag ka istaagtay?
J: Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ma Habar
Yoonis buu Kulmiye u fadhiyay mise Somaliland buu mees ha u fadhiyay,
ninka haddii meel lagaga dhacay dee dawladiisii baa meel kaga
dhacday in hadalka loo ogolaado ayay ahayd, kolkuu hadlana wixii
go’aana ee golaha dhexe ee Kulmiye ku xukumayo in lagu qaado ayay
ahayd, qalad wuu dhacayaa ilaa Yoomal Qiyaamaha, Cabdiraxmaan
Cabdiqa adir meel baa lagaga dhacay laakiin Caadifad qabyaalada yaan
la galinin, Kulmiyena reer umuu fadhiyin xisbi qaran iyo Somaliland
ayuu u fadhiyay, qabyaaladiina waxaynu uga guurnay xisbiyo
siyaasadeed.
S: Wada hadaladii Somaliland iyo
Somalia ee loo balansanaa waxa carqalad ku noqday markii Sheekh
Shariif guddigiisii uu soo magacaabay uu ku soo daray laba wasiir oo
ka tirsan Puntland oo u dhashay bariga Sanaag iyo Sool, arrinkaasina
ay xukuumada Somaliland gaashaanka ku dhufatay sideed u aragtaa?
J: Dantu waxay ku jirtaa in laba
dawladood oo Somaliland iyo Somalia ah loo wada hadlo, laakiinse
imika meel loogu hagaagaba ma laha oo waa kan Faroole yidhi Sheekh
Shariif kalidii wax ma go’aamin karo hadaanay Puntland ku jirin
guddiga uu soo magacaabayo.
S: Muddadii sanadka iyo shanta bilood
ahayd ee golayaasha deegaanada aydin u kordhiseen wax ay dhamaatay
7-dii April 2012 doorashadiina dibay u dhacday wax muddo kordhina
maydin sam aynaysaan?
J: Anagu muddo kordhinta golayaasha ma
samayno haddii naloo soo qoro ayuun baanu go’aan ka gaadhnaa,
xukuumada ayuun bay ku xidhan tahay muddo kordhinta ka dhamaatay
golayaasha deegaanka iyo goorta la qabanayo doorashadooduba.
S: Golihiina Guurtidu waxa uu sanadkan
u dambeeyay saluug ka muujiyay gunnooyin lacageed oo ugu jiray
miisaaniyadii 2011-kii oo maqan, taas oo la sheegay in todobaadkii
hore Madaxweynaha kulan kala yeelateen halkuu arrinkaasi marayaa?
J: Mushaharo wanaagsan ayay golayaasha,
shaqaalaha iyo Ciidamaduba qaataan, wixii gunnooy in ahina dee waa
laga had-hadlaya.
S: Golayaashiina sharci dajinta iyo
wasiiradu waxaydin mushahar u qaadataan kun iyo dhawr boqol oo
dollar, isla markaana gunnooyin idiin dheer yihiin, ma xaqbaa in
askariga difaaca dalka ugu jiraana uu qaato 500,000/s/l shillin?
J: Ciidamada difaaca ee qaranka ee
dalka difaacayaa sidii mushaharka loogu kordhin lahaa waa in
dadaalkeeda loo galaa, waa in mushaharka loo kordhiyo ciidamada
difaaca dalka ku jira.
S: Xukuumadihii Somaliland soo maray
hadaad qiimayn kooban ku samayso waxqabadkooda iyo faraqa u dhexeeya
maxaad ka odhan lahayd?
J: Xukuumad waliba waxbay qabatay, mid
aan waxba qabani Somaliland may soo marin.
Source:Haatuf
|