Xukuumadda Rayaale Markii ay Feenatay Dhulkii Danta Guud ahaa Ayey Xabaalihii u soo Dhigatay
 


Xabaalaha New Hargeysa oo dhinaca galbeed ka xiga Tiyaatar waxaa ka dhacay  16/12/ 2009 arrin ugub ah oo iyada oo kale hore loo arag. Rayaale xukuumaddiisu  wax ay caan ku ahaayeen boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ah, maahmaah  Soomaa liyeedbaa  tidh aahda Dhidar Xabaalo Qodaa Ceebbuu Ka qaadaa.


Xabaaluhu waa halka aynu ku aasanay waalidkeen, walaaleheen iyo dadkiinee  qaraaba da ahaa ee ina ka geeryooday, mana aha dhul bannaan oo dheef laga deyi-karo  waxaa na  mul kiyey cidda ku jirta ee uu ilaahay u qoray in lagu aaso ilaa iyo maalinta yoomal qiyaamaha.


Hadaba is weydiintu waxay tahay shaqaale hoosaadka dowladda Hoose ee arrintan loo x idhay ee uu ka mid yahay darawalkii waday cagafgaftii dowladda hoose ee meesha lagu d umiyey yaa siiyey amarka? Tusaale ahaan haddii aad wiil dhalinyaro ah u xidho mid ka mid ah suumanka qarxa oo la qabto hawshii uu u socdeyna ay fashilanto xadhigu ma waxa uu ku ekaanayaa wiilka dhalinyarada ah ee la qabtay, mise waxaa la raadinayaa ciddii suunka u soo xidhay? Hadaba darawalka cagafta dowladda hoose ee Hargeysa ee xabaalaha new Hargeysa, cagafta geliyey wuxuu la mid yahay wiilka dhalinyarada ah ee aynu soo  sheeg nay, waxaanu fulinaayey amarkii la siiyey waana in la helaa ciddii amarka siisay.


Akhristow waqtigii xukuumaddii milateriga ahayd ee Siyaad Barre, xabaalahan ay  maan ta cagafta gelisey xukuumadda Rayaale, waxaa la odhan jirey xabaalaha danjirka  dah soon ee Hargeysa, waxay lahaan jireen dayr aad u qurux badan oo leh hal albaab oo keliya.

Shaqaalaha rasmiga ah ee dowladdii markaa jirtey ay musharka ku siin jirtey ilaalinta  nada afadda, bilicda qubuuraha new Hargeysa waxay ahaan jireen afar nin, waxanna xusuusan ahay in ay qasabado ku rakibnaan jireen xabaalaha maanta xagafta la  geliy ey, waqtigii uu Bile Rafle Hargeysa ka ahaa badhasaabka, Afarta nin ee shaqaalaha ka ahina waxay ku be eri jireen dhir aad u qurux badan iyo ubaxyada noocyadooda kala duwan.

Waxaa kale oo xilligaasi jiri jirey maalin la xuso oo la yidaahdo maalinta dal jirka dahsoon w axaana la isugu iman jirey dowladda iyo dadweyneba xabaalaha hadda cagafta la  ge liyey, waxaan iman jirey masuulka ugu derejada sarreeya dowladdii markaa jirtey ee  Hargeysa joogtey oo haan jirey badhasaabkii Bile Rafle Guuleed, waxaana isku deyey in aan baadho labada faa’iido ee ay xanbaarsanayd munaasibaddani oo ahayd labada arrimood oo ahaa.


1-In la muujiyo xushmada ay leeyihiin dadka qubuuraha ku jira ee aynu ku biiri-doono.

2-In qof waliba xasuusnaado in uu ku biiri-doobo qubuuraha uu soo booqday si uu  ilaa hay {SWC] uu u xasuusnaado iyo haddii uu yahay masuul qaran oo gacanta ku haya hantida ummadda sida ugu habooni in ay tahay in uu ku dedaalo inta awooddiisa ah, caddaalad iyo xaqsoor.


Gabayaddii abwaanka Cabdillaahi Macalin Axmed Dhoodaan waxaa ku jirtey.

Waayeelkii Xurmada loo ogaa woodhaq ayaa u celiyey

Anigu waxaan leeyahay xabaalihii xurmada loo ogaa woodhaq yaa u celiyey.


Laba bilood ka hor yahay ahayd markii wargeysyada madaxa banaani soo daabeceen in x ukuumadda Rayaale, ay jasiiradda Sacaado-diin ay ka iibisey ganacsade reer Jabuuti ah si cadna xukuumaddu way u dafirtay imikana waxay qiratay oo wasiirka dalxiisku  sh eegay in ganacsade reer jabuutiyi, uu jasiiradda maalingelin ku samaynayo mana  xasu usna dafiraa ddii hore.


Isku soo wada duuboo Rayaale Iyo wasiiraddiisu waxay la mid yihiin ninkii gabadha   kuf sad ay markhaati goob jooga markii loo waayeyna kitaabka quraanka gacanta saaray, ee ku dhaartay in aanu gabadhaa kufsan. Dhaartii ka dibna Markii la weydiiyey waxaa suxulada kaga dhacayna yidhi, “waa rafadkay Rafanaysey”.
 



Cabdirisaaq Suudi Nuur

Hargeysa Somaliland
Tell 4425243