XUSKA 26-ka Juun Maalinta Xorriyadda Somaliland: Ahmed Arwo

Axaddan oo kale 56 sanadood ka hor ayaa gumeysigu ka huleelay
dalkeen ka dib qarni uu talo xumo iyo wax qabad la'aan inagu
maamulay, inagu kala qaybiyey oo uu nidaam qabiilaysan oon ka bxi
lanay inoo dhigay. Waa ayaan xus iyo qaiimeyn mudan, ayaan weyn oo
taariikh dahab ah leh, ayaan faan faan iyo farxadi umadeyna mideysay
yar iyo weyn rag iyo dumar
Ayamaha mid waliba qiimo gaar ah ayey leedahay, waxa xaalku xumaadaa
kolka leys barbar eryo, iyada oo looga jeedo dano siyaasadeed iyo
hadaf qarsoon. Waxaana qiimo u yeela amba xumeeya waa dhacdooyinka
taariikheed ee maanlintaasi soo marto, wanaag iyo xumaanba. Dareen
ahaan waa maalin himmiladii dadweynahu rabay laga waayey. Waa maalin
hadafkeedu la waayey kolkii dawladii Xamar xarunta u ahayd laga
waayey sinnaan, cadaalad bal se dagaal aan waxba loola hadhin lagula
kacay shacbiguu dhaliyey midnimada. Taas ayaa qiimaheeda raad weyn
ku yeelatay,
Waxa inaga dhigay Soomaliland een Soomalida kala kaga duwannay waa
maalintan inteena ku abtirsata Somaliland isukeyn keyntay, inoo
yeeshay dhul xadidan, dawladnimo iyo dhaqan dhaqaale inoo gaar ah.
Iyadaa inaga dhigtay ummad taariikh gooni ah iyo dabecado u gaar ah
leh. Iyadaa inaga dhigaty inaynu ku dhaadano magaca Soomaliland.
Iyadaa u sal ah oo dhashay halgamadii ina soo maray ee uu ugu
dambeeyey kii SNM ee aynu dib u dhisnay jamhuuriyaddii labaad
kolkaynu dib ula soo noqonay qaranimadii aynu ku luminay haybaddii
26ka Juun.
26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii
aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, Waa
ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii
Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan
tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960,
waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin
rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo
xaragooday.
Waxay ahayd maalin intii dhalatay wiil iyo gabadhba loo bixiyey
sitiin, dhalinyaro badanina ay ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd
maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay
ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is
qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay.
Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax
kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu
noqday.
Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada
ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed
dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh
ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo
dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay
burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta
Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF,
USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen
midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah
ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo
maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba
shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u
sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay
taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo
nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.
Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo
isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u
horreysaa qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna
noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku
soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli
xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay
27kii Juun. Labada kalena loo jaangooyey Soomali Galbeed iyo
NFD.Taas ayey ku dhisnayd hammigii iyo himmiladii is-raaco.
Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay
is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah
oo midaysan, nabad ah oo dimuquraadi ah.
Waxa Soomali u dan ah in qolo walba halkeeda ay nabad iyo horumar ku
gaadho. Waxaynu ognahay in Somalida Kenya iyo Itoobiyaba ay maanta
gaadheen horumar iyo nabad. Taasi ayaa inoo xaqiijisay in nabadda
iyo wadjirka inta isku dalka ihi fure u tahay horumarka. Waa inaynu
ka horeysiina danta shacbiga nabadda u buka hadafka gaaban ee
siyaasiga jaceylka madaxnimo dhaafsiisanaaya nolasha dadkiisa. Waa
in taliska Soomaliya uu garwaaqsadaa rabitaanka Shacbiga Soomaliland
sida uu u aqoonsaday doonista iyo masiirka Soomalida Itoobiya iyo
kuwa Kenya, horeyna aynu u oggolaanay walaalaheen Jabuuti oo
markaynu u baahannay inoo noqday garab aynu ku tiirsano iyo dhul
aynu ku badbaadno.
Aan ku laabto astaamaha maalintan.26ka Juun waa maalin rajo wanaag
iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay
leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah
lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax
xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy
sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku
xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.
Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin,
odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray
iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo
dhammaan halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka
bilaabmaayo kii Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku
dhimmatay,ku-dhawacantay, kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la
qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon
waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.
.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi
ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waa lama iloobaan
geesinimadii Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir, halgankii seddexda
xisbi ee SNL, NUF iyo USP.Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen
abwaanada Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe,
Guduudo, Cali Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale
siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi,
Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan,
Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay
xoriyadda dalkeena hooyo.
Waa dharaartaan waxyeeladii dhaqdhaqnay, noqonay qaran xor ah oo ku
biiray dunida xorta ah. Waa ayaanta aynu xididka u taagnay
qarannimada Soomaliland. Waana iyada tan aynu u garnaqsanaa ee
sharciyeynaysa qarannimadeena. 26 June 1960, rabitaanka shacbiga
ayaa caydhiyey isticmaarkii Ingiris, isla rabitaanka dadweynaha ayaa
sidoo kale soo celiyey kolkay fool habowday dhidib adagna u taagay
qarannimada Soomaliland..
GUJI HOOS OO DHEGEYSO0 ABWAAN TIMOCADDE AHUN IYO GABAYGII CAANKA AH
EE 28KA JUUN
http://www.youtube.com/watch?v=Fo0bE5t2gdg
Aan xusno oon siino qiimaha ay leedahay.
Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha
Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga
samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com/
|