XISBIGII “SOMALIA FIRST” OO SOO LABA KACLEEYEY

Horraantii sideetameeyadii, markii uu bilaabmay halgankii xaq u
dirirka ahaa ee Ururka Dh aqdhaqaaqa Wadaniga Soomaliyeed (SNM),
ayaa waxay xukuumaddii Afweyne Siyaad Bar re bilowday olole laxaad
leh sidii looga hortigi lahaa dhaqdhaqaaqaa hubeysan. Waxa la aa
saasay Xisbi la magic baxay “SOMALIA FIRST”. Siyaasiyiintii
hormoodka ka ahaa Xisbigaasi waxa ka mid ahaa Maxamed Warsame Kimiko,
Cali Wardhiigley. Cabdirizaaq Xaaji Xuseen, Cali Khaliif Galaydh, Md.
Axmed Maxamed Maxamuud, oo haddda ah madaxweynaha Somali land,
Maxamed Siciid Samater, Xuseen Cabdilqaadir Qaasim, iyo nin lagu
magacaabi jirey A bu Ra’as.
Mabaadii’dii gun dhiga u ahayd Xisbiga “Somalia First, ayaa waxa ka
mid ahaa:-
Soo afjaridda halgankii hubeysnaa ee Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga
Soomaaliyeed, si looga hortago dhiiga daadanaya;
Wax ka bedel distoorkii xukuumaddii talada heysey iyadoo lagu
kordhinayo distoorka qodo b qeexaya abuurista jago Ra’iisul Wasaaare
joogto gaar ugu ah beeshii halganka la dhaba rta u ahayd;
In dowladdii Siyad Barre madaxweynaha ka ahaa xukunka lala wadaago.
Iyo qodobo kale.
Waxa hore loo yidhi, “Sacabka maxaa habeenkii loo tumaa haddaan
xeelad kale jirin.” Waxan uga socdaa, dhowr iyo soddon sannadood ka
dib ayaa xisbigii “Somalia First” baalashi galaydhka mar keli ah la
kala baxay, oo isaga oo laafyoonaya oo dhoolatus aan hore looga
baran intuu hadba baad ruxay ayuu tuulada Taleex qunyar u soo cago
dhitay. Haddan dugsiga iyo dayaxu isku toosnayn, miyaanay ahayn
hordhac dareeno iyo shaki horeba loo qabay oo hadda qumaati u soo
ifbaxay? Waxa hubaal ah in xukuumadda Somaliland ka war haysey
ogolaatayna gelbiska ciidanka Itoobia koosda dibed wareega ah u
keenta Taleex.
Su’aal aynu is weydiino: Waa maxay duruufaha arrintan iyo tan kale e
barbar socota fudu deeyey? Sida aan anigu qabo waa dhow arrimood oo
isku hoos jira sida socota:
Ta u horeysa ayaa ah malawaal iyo maaweelo aan mel mar ahayn oo
salka ku heysa rajadii laga qabay dib u yagleelidda xukuumad wadaag
ahoo ay ku bahoobaan goboladii ay ka ko obnaan jirtey Soomaaliyadi
haligantay Bishii January, 1991 oo la filayoo in xal kama dambe ysa
ah laga gaadhayo. Qorshahani ma aha mid cusub oo waxa si dadban uga
hawl gala Erg eyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire
Augustine Mahega. Waxaynu ka war heynaa in Danjire Mahega la kulmo
kooxo qurba joog kasoo jeeda Awdal, Sanaag Bari iyo Sool kuwaas oo
weydiistay in ay ka mid noqdaan maamul goboleeyada Soomaaliya loo
yagleelayo. Waa halka ay “Awdal State” iyo “SSC” ay ka duulayaan.
Waxa kale oo arrintan sii xoojisey Xukuumadda Boqortooyada Ingriiska
oo Bishi November 24th 2011 ka dhawaajisay in ay dalkeeda ku
qabandoonto Shir dib-u-heshiineed oo dhexm aridoona kooxaha
siyaasadda Soomaaliya ku hirdamaya. Hadalhaynta shirkaa ayaa wax
barbar socda warar sheegaya in awood ciidan loo adeegsandoono sidii
nabad waarta, kala dambeyn, iyo ku dhaqan sharciyadeed loogu soo
dabaali laaha dalka Soomaaliya ee dowlad la’aanta iyo colaaduhu
ragaadiyeen. Arrintaa ayaa sansaanteedu u muuqataa in saldhige edu
noqdo maamulo ku dhisan hab beeleed, magac ahaanse loogu yeedhidoono
maamul g oboleedo. Halamashka noocan ah ayaa kow ka ah tan uu
Xisbigii ‘Somalia First’ mar labaad luxudka la soo kaco, waxase
hurran in uu halkuu ku duugnaa dib ugu laabandoono.
Waxan jecelahay in aan xasuusiyo kooxda Cali Khaliif in badhtamihii
sidetameeyadii Shirkan oo kale lagu qabtay magaalada Laas Canood.
Dib u milicisada ereyadii Allah ha u nariistee Kornayl Koossafaare
iyo Axmed Saleebaan Dafle, oo shirka qabqable ka ahaa, ay goobta
isku weydersadeen iyo sida ay hadalkii Koossafaare taariikhdu uga
marag kacday. Midbaa Cali Khaliif iyo inta uu horkacayo la guddboon:
Ujeedadooda toos ha ugu dhawaaqaan iyaga oo leh: “ Tolkayoo waxan
idiin haya dowlad marna madaxweyne ka ra’iisul wasaare; Somaliland
waxba inooma yaalaan; Soomaaliweyn an wax la qeybsano..” Shalay
godkay Soomaaliweyn ku dhacday raggii hormoodka ka ahaa ayaa manta
raadgoobaya waxay ka dhigantahay wax la waayey geeloow ninkii
waalanba u duda.
Sahanka kooxda Cali Khaliif Galadh horboodayo odoroskoodu wuxu isugu
biyo shubandoona hal bacaad lagu lisay, sababtoo ah hore waxa u
hirgeliwaayey “Operation Restore Hope” ama Hawlgalkii Dib-u-soonoolaynta
Rajada. Mashruucaasi oo adduun badani ku baxay sidii uu ku
dhammaaday taariikhda ayaa ka markhaati kacaysa. Waxa kale oo iyana
la ogsoon ya hay halka ay ku dambeeyeen dagaaladii lagu qaaday
dalalka Ciraaq iyo Afqaanistaan. Haddiiba ay hirgasho in gebi ahaan
dalkii Soomaaliya la isku odhan jirey in cudud milateri loo
adeegsado, waxa la isweydiin sharciyadda qeexaysa in dal nabdoon oo
xukuumad la doortay ka jirto oo kow iyo labaatan sannadood
shaqeynayey in la minjixaabiyo iyadoo midnimo Soomaaliyeed mudnaanta
koowaad la siinayo? Qorshahani muxuu gayeysiindoona mustaqbalka dhow
iyo kan dheerba guud ahan Mandiqadda Geeska Afrika ee ay ka jiraan
xukuumado aan markooda horeba aan ku taagnayn dhidibo adag, marka
laga eego xag maamul, dhaqaale, iyo siyaasad intaba?
Ta labaad shirkani wuxu la xidhiidhaa sunnihii Garadag ee xisbiga
Kulmiye jaranjarta kursiga u soo maray oo hadda jawaab kama bixin
karo arrimaha taleex ka socda, oo koleyba qab anqaabinta shirkan iyo
imaatinka kooxda Cali khaliif xukuumaddu wey ka war qabtaa.
Xukuumaddii UDUB xisbiga Kulmiye wuxu ummadda ka dhaadhicin jirey in
ay ka koobantah ay NSS, Faqash, Hangash, iyo dhabarjebin. Wax
kastaba ha lagu sifeeyey waxa jirey sirdo on awood badan u lahaa
suggidda nabadgelyada dalka; waxaynu ogayn in duhur dharaar eed
argagixisadii ONLF xeebta Awdal iyagoo hubeysan ka soo degeen bishii
Oktoobar 2010; shalay oo bishu ahayd 2nd January 2012 gaadhi xamuul
ah oo hub nooc kasta lihi ku rara nyahay oo ah abaalkii dowladda
wadaad Shariifka Muqdushu ayaa muwaadiniin degen Laas Geel ka war
heleen oo ciidanka amaanku gacanta ku dhigeen. Halkay hurdeen
sirdoonkii qaranku inta gaadhigaasi magaalooyinka dalka soo dhex
mushaaxayey? Hubkan cidda lagu dilayey sow dadka reer Somaliland ma
ah? Dhacdadan iyo shirka Taleex maxaa ka dhaxe eya? Jawaabta
xukuumadda talada dalka haysa ayaa laga sugayaa.
Axmed Cali Ibrahiim Sabeyse
January 3rd 2012
|